Wednesday 21 September 2011

Shixnad balaadhan oo Gargaar ah oo ay Hay’adda SAAD gaadhsiisay Xeryaha Qaxootiga ee Dollo Ado(+Sawiro)

Hay’adda Gargaarka iyo Horumarinta Degaanka Soomaalida (SAAD), ayaa gaadhsiisay  xeryahaya qaxootiga ee ku yaala degmada Dollo Ado oo ka tirsan Deegaanka Sooaamlida Itoobiya raashinkii ugu badnaa ay hay’addu gaadhsiisay xeryahaas.
Raashinkan ayaa gaadhaya  1,742 Ton oo isugu jira bariis dhan 8100 (tan )Bur dhan 8100 (tan) iyo Saliid gaadheysa 6100 jirigaan oo 20litir ah.
Gargaarkan ayaa ka yimid intiisa badan  Hay’ad lagu magacaabo Makkah  Al-kheyriya  oo laga leeyahay dalka Sacuudi Carabiya oo soo marisey Safaarada Sacuudigu ku leeyahay dalkan Ethiopia iyo qayb ka timid jaaliyaadka soomaalida ee ku dhaqan qurbaha gaar ahaan Australia.
Kolonyo gawaadhi ah oo gaadhaysa 20 ayaa ka dhaqaaqay asbuucii lasoo dhaafay Magaalada Addis ababa iyagoo usii jeeda xeryaha qaxotiga ee doolow waxaana wehlinayay
qaar ka mid ah howlwadeenada Hay’adda SAAD , kolonyadaas ayaa dhamaantood waxay
gaadheen xeryihii loogu tala galay iyadoo ay ahayd wajigii koowaad waxaana la
rajaynayaa in dhowaan loo qaybin doono qaxootiga soo barakacay oo tiradoodu ay
kor u dhaafayso 150,000 oo qof.
Qaar ka mid ah Shaqaalaha Hay’adda oo booqday xeryahaas ayaa waxay sheegayaan in ay halkaa ka jirto baahi wayn dadkuna ay u baahan yihiin in la caawiyo wallow ay joogaan
hay’ado aad u dadaalaya haddana baahidu wali way jirtaa.
Waxaa la filayaa in asbuuca soo socda ay halkaa gaadhaan wafti ballaadhan oo ka socda
Hay’adda SAAD si ay raashinkaa ugu qaybiyaan dadka xeryahaas ku dhibaataysan
indhahoodana ugu soo arkaan xaalada ka taagan goobahaas.
Ma aha markii ugu horeysay ee ay hay’addu raashin gaadhsiiso xeryaha qaxootiga ee
doolow ,bishii Ramadaan ayay ahayd markii ay hay’addu raashin u qaybsisay xero
ka mid xeryahaas oo ay ku jireen ilaa (5000) oo qof.
SAAD Media Office
Addis Ababa
HALKAN KA DAAWO SAWIRADA

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...