Wednesday, 27 March 2013

Maamulka Degmada Wanlaweyn oo sheegay in qaybinta Raashinka Gar gaar ay ka hor taaganyihiin Ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya



Guddoomiyha Degmada Wanlaweyn Xaaji Maama oo Lahadlayay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ayaa waxa uu faah Faahin Ka bixiyay sababaha Dib u dhaca Ku Keenay Sahay Gar Gaar oo Muddo 5 Casho Ka hor Lagaarsiiyay Degmadaasi.
 Guddoomiyaha Degmada Wanlaweyn ayaa waxa uu sheegay in Caqabada ugu Weyn ee Hortaagan Bixinta Raashinkaasi ay tahay Ciidamada Dowladda Fariisimada Ku Leh Degmadaasi oo uu sheegay in ay Ka dalbadeen illaa iyo 7 Gaari oo Raashin ah halka uu sheegay in iyagana ay Ka biya diideen in Sahay Gar gaar oo dadka Danyarta ah Loogu Tala galay la siiyo Ciidamadaasi.
 Sikastaba Ha ahaatee Qeyla dhaantaani Ka soo Yeertay Maamulka Degmada Wanlaweyn ee Gobolka Shabeelaha Hoose ee Ku aadan in Sahay Gar gaar oo Muddo 5 Casho ah Lagaarsiiyay Degmadaasi uu Maamulkaasi qeybin La’yahay ayaa ku soo aadeysa Xilli Gurmad Gar gaar oo dhawaan Lagaarsiiyay Deegaanno ka tirsan Gobolka Shabeelaha Hoose aaney sidii Loogu tala galay u Gaarin Shacabka ku nool Deegaaannadaasi.

Abu Qatada: Government loses deportation appeal



Abu QatadaAbu Qatada was returned to prison following an alleged bail breach on 9 March

Related Stories

Home Secretary Theresa May has lost her appeal against a ruling preventing the deportation of preacher Abu Qatada.
She acted after the Special Immigration Appeals Commission said the radical cleric could not be returned to Jordan.
Judges say he could face an unfair trial involving evidence obtained by torturing others.
The Home Office said it would further appeal, adding: "This is not the end of the road. The government remains determined to deport Abu Qatada."
A spokesman added: "In the meantime we continue to work with the Jordanians to address the outstanding legal issues preventing deportation."
In their judgement, Lord Dyson, sitting with Lord Justice Richards and Lord Justice Elias, said the appeals commission was entitled to think there was a risk the "impugned statements" would be admitted in evidence at a retrial. This meant there was "a real risk of a flagrant denial of justice".
The judges said the court accepted that Qatada "is regarded as a very dangerous person", but that was not "a relevant consideration" under human rights laws.
Immigration legislation
Abu Qatada's legal team has not yet lodged a bail application with the Special Immigration Appeals Commission.
Judges would not be able to hear any application before the Easter break which means he remains in prison for the time being.
The legal battle over Abu Qatada has gone on so long, he's seen off six home secretaries. It's now very, very, difficult to see where Theresa May can go from here.
The Court of Appeal's ruling makes clear that the chances of an appeal to the Supreme Court are very slim.
The immediate effect is that the preacher can't be detained under immigration law because there's no realistic chance he is going to be deported anytime soon.
So if the home secretary wants to get rid of the cleric, she'll have to start all over again trying to convince judges that the facts on the ground in Jordan have changed.
Critics of this legal saga say it would never have been necessary if Abu Qatada had been charged with a crime and put on trial.
This law can only be used to hold someone if there is a realistic prospect the person is going to be deported - a prospect this ruling undermines.
Abu Qatada was re-arrested and returned to Belmarsh prison earlier this month following an alleged breach of bail conditions, concerning the use of communications equipment at his home.
The Metropolitan Police said his breach was linked to an investigation into extremist internet material.
If the police arrested and charged him with an offence in relation to that investigation, or another accusation, they could ask a judge to remand him in prison before trial.
Abu Qatada has never been charged with an offence in the UK.
Shadow home secretary Yvette Cooper said: "This is an extremely serious and disappointing judgment which rips apart Theresa May's strategy for deporting Abu Qatada and contradicts her repeated assurances to Parliament that her approach would get him swiftly on to a plane.
"The home secretary needs to pursue all legal avenues, demonstrate further work with Jordan, take urgent action to keep the public safe, and get this deportation back on track."
Siac ruled in November there was a "real risk" evidence gained by torture could be used against Abu Qatada at a retrial in Jordan, meaning that he would not get a fair hearing.
In April 1999, he was convicted in his absence on terror charges in Jordan and sentenced to life imprisonment, and it is on these charges that he faces a retrial.
'Compelling evidence'
At a Court of Appeal hearing earlier this month, lawyers for the UK government argued a block on his deportation should be lifted, saying a "fair" trial in Jordan was possible.
Home Office Minister James Brokenshire: ''This is certainly not the end of the road''
James Eadie QC, appearing for Mrs May, said Siac had taken an "erroneous" view of the situation in Jordan and the legal tests that had to be applied when it came to assessing the conditions Abu Qatada could face there.
He said Jordanian law bans the use of torture and reliance on statements extracted under duress.
Jordanians will do everything in their power to make sure Abu Qatada receives a trial that was "fair and seen to be so", he added.
But lawyers for Abu Qatada told the court that the UK should not send someone back to a country with a "dubious human rights record".
Edward Fitzgerald QC, appearing for the cleric, argued the Siac ruling was right and there was "concrete and compelling evidence" that his co-defendants were tortured into providing evidence.
He said government lawyers had "identified no error of law" and were "quarrelling with findings of fact".
Abu Qatada was first arrested in October 2002 in south London and detained in Belmarsh high-security prison. He was re-arrested and released on bail number of times over the years that followed.
In November 2012, he was released on bail from prison in when the courts blocked the home secretary's latest attempt to deport him to Jordan.
Who is Abu Qatada?Abu Qatada was born in Bethlehem in 1960 and spent his early life in Jordan. He fled to Pakistan in 1989 claiming political persecution and eventually arrived in the UK in 1993. Abu Qatada was part of a wave of Islamists who sought refuge in the UK during the 1980s and 90s, often exiled from the Arab regimes they were trying to overthrow.
1/7

8 Shabaab oo isku dayay inay afduub ka fuliyaan Ethiopia (Maxaa qabsaday)



Addis-Ababa (Caasimada Online) - Hay’adda sirdoonka dalka Ethiopia ayaa sheegtay in Isniintii shalay ay xabiseen 8 qofood oo xubno ka ah kooxda Al-Shabab ee dalka Somalia, kuwaasi oo ay ku eedeysay inay isku dayeen inay afduubtaan shaqaale ka tirsan Qaramada Midoobe.
Kooxdan, waxa ay dooneysay inay afduubtaan shaqaale ajnabi ah oo u shaqeyneyay barnamijka cunnada adduunka ee WFP iyo Barnaamijka Horumarinta QM ee UNDP, ayna u kaxeystaan dalka Somalia, si ay madax furasho ugu dalbadaan. ayay tiri hay’adda sirdoonka Ethiopia ee NISS.
“Sideeda qof waxaa la qabtay ayaga oo hub heysta iskuna diyaariyay inay afduubka fuliyaan” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay NISS.
Sarkaal Ethipian ah, ayaa u sheegay wakaaladda wararka Reuters in kooxdan ay isku dayeen inay afduubka ka geystaan xero qaxooti oo ku talla magaalada Dolo Ado ee dalka Ethiopia.
Hya’ado dhowr ah oo ka tirsan QM, ayaa ka howl gala magaalada oo ku taalla gobolka Soomaalida ee Ethiopia, ee xuduudka la leh dalka Somalia.
Warka shalay kasoo baxay Sirdoonka Ethiopia ayaa yimid laba bilood kadib, markii saraakiishu ay sheegeen inay xireen 15 qofood oo ay sheegeen inay ahaayeen mintidiin ay soo tababartay kooxda Al-Shabab.

XOG: Maxaa keenay in xilka laga qaado Agaasimihii Nabad sugidda?




Shalay waxaa xilkii uu hayay iska casilay agaasimihii hay’adda nabad sugidda qaranka Somalia Axmed Macallin Fiqi, inkasta oo xogta Caasimada Online ay heyso ay taasi ka duwan tahay.
Caasimada Online oo ahayd warbaahintii ugu horeysay ee kashiftay in waayihii Axmed Macallin Fiqi ee hay’adda nabad sugidda uu soo geba geboobayay, ayaa haddana mar kale shaaca ka qaadi karta in Axmed Macallin Fiqi uusan is-caslin ee xilka laga qaaday.
Ilo-Xog ogaal ah, ayaa Caasimada Online u sheegay inay jirtay wareegto uu saxiixay Madaxweyne Xasan Sheikh oo Fiqi xilka looga qaadayay, hase yeeshee markii uu ka war helay uu si deg deg ah ugu dhaqaaqay inuu is-casilo.
Waxaa sidoo kale ilo-wareedyadeena ay lee yihiin in Axmed Macalin Fiqi uu Madaxweynaha ku war geliyay inuu is-casilayo, sidaa darteedna aan xilka qaadista loo gudbin warbaahinta.
Maxaa xilka looga qaaday Axmed Macallin.
Xil ka qaadista lagu sameeyay Axmed Macalin Fiqi, ayaa waxaa ugu weyn fadeexad dhowaan qabsatay hay’adda, kadib markii meydad badan oo ah dhallinyaro ciidamada nabad sugida ay dileen laga helay waddooyinka Muqdisho.
Taasi waxa ay aad uga careysiisay madaxweyne Xasan, waxaana ay sababtay in cadaadis xoog leh oo deg deg ah uu Dowladda kaga yimaado beesha caalamka iyo hay’daha xuquuqda aadanaha ee caalamiga ah.
Waxaa sidoo kale jiray sarkaal ka tirsanaa hay’adda nabad sugidda oo ka shaqeynayay degmada Yaaqshiid, oo la dilay, ayada oo dilkaasna la sheegay inay ka dambeysay hay’adda.
Lama yaqaan sababta loo dilay sarkaalkaas, hase yeeshee waxa ay taasi madaxweynaha u tusmeysay daloolo ku jira hay’dda ugu muhiimsan ee amniga dowladda, waxaana uu xilkii ka qaaday ninkii mas’uulka ahaa nabad sugidda, Axmed Macallin Fiqi.

Taariikhda Aggaasimihii Hay’adda Nabadsugida Qaranka ee Xilka Iska casilay.




Ahmed Moallim Fiqi wuxuu ku dhashay sanadka marka uu ahaan 1971, magaalada Mogadishu , intaa kadib Ahmed wuxuu u guda galay waxbarashadiisa dugsiga hoose iyo dhexe, heerkiisa dugsiga sare wuxuu ku soo qaatay gugsiga sare ee kaasabalbalaare sanadka marka uu ahaan 1988kii.
 Ahmed Moallim Fiqi intaa kadib wuxuu usii guda galay waxbarasho heer jaamacadeed wuxuuna Arday ka noqday Jaamacadda Umadda gaar ahaan “Kuliyadda Qaanuunka”sanadka marka uu ahaa 1990kii.
 Ahmed Fiqi xiligaasi uma aynan suura gelin in uu sii wato waxbarashadiisa Jaamacadda Umadda, balse sanadka marka uu ahaa 1991kii wuxuu deeq waxbarasho ka helay Dalka sudan Jaamacadda Khartoum gaar ahaan “Kuliyadda Beeraha” wuxuu ka qalin jabiyay sanadka marka uu ahaa 1998kii .
 Marka uu ka qalin jabiyay jaamacadda Khartoum wuxuu u ruqaan-saday Aaday wadanka soomaaliya isagoo qeyb ka noqday mid kamid ah iskuulada ku yaalla xamar iyo Ururada Bulshada, muddo gaaban kadib wuxuu xubin ka noqday Maxkamadihii islaamiga, isbaheysiga dib u xureynta.
 Dhowr sanno kadib Ahmed Moalim Fiqi wuxuu aaday wadanka Malaysia isaga oo durbadiiba biloway in uu u guda galo waxbarashada Majesteerka ah , Takhasus master Of Management.
 Ahmed Fiqi marka uu Qaatay darajada majesterka wuxuu biloway in uu waqtigiisa ka faa’iideysto wuxuuna u guda galay in uu dhigto daraaso kala duwan sida “Business administration,warfaafinta,diplomaasiyadda iyo intaasi in kabadan”.
 Ahmed Moalim Fiqi wuxuu noqday mid kamid ah la taliyayaasha iyo Ergeyga gaarka ah ee Madaxweyne Shariif, dabayaaqadii 2010 Ahmed Fiqi waxaa loo magacaabay Danjiraha dowladda midnimada qaran ee soomaaliya u fadhiyo wadanka Sudan.
 Taariikhda marka ay ku beegneyd 24/05/2011-kii Maalinimo talaado ah tahay waxaa loo magacaabay
 Aggaasimaha Hay’adda Nabadsugida qaranka, Maalinimadii (Axadii) Taariikhduna ku asteysaneyd 24-03-2013, waxa uu Istiqaaladiisa u gudbiyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somalia Xassan Sheikh Maxamuud.
 Ugu dambeyntii, Taariikhdu marka ay aheyd 25-03-2013 waxa uu Shir Jaraa’id ku qabtay Magaaladda Muqdisho isaga oona iska Casilay Xilka Aggaasinimo uu u haayay Xukuumadda Somalia.

Dagaal ka dhacay Mudug



Saddex qof ayaa ku dhimatay, shan kalena way ku dhaawacmeen iska hor-imaad maanta ka dhacay deegaanka Balli-qurun oo 30 km galbeed kaga beegan magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.
Isku dhaca oo dhexmaray dad xoolo dhaqato ah ayaa ka dhashay muran la xiriira lahaanshaha balliyo iyo waro biyaha laga cabo oo reer guuraaga u dhexeeyo.

Labada dhinac ayaa la sheegay inuu khilaafkoodu cirka isku shareeray markii dhawaan uu roobka Gu’ga ka curtay deegaanka uu dagaalku ka dhacay.
Cali Diiriye Alloore oo ka mid ah waxgaradka gobolka Mudug ayaa soo jeediyay in la joojiyo shaqaaqada u dhexeysa xoolo-dhaqatada, wuxuuna maamullada gobolka ka dhisan ka codsaday in ay gacan ka geystaan in laga hortago dhiig kale inuu daato.
Dagaallada u dhexeeya dadka reer guuraaga ah ayaa ku soo noq-noqonayay gobolka intii muddo ahba.

Kismaayo oo manta Bandow ah



Maamulka KMG ee magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose ayaa magaaladaas ku soo rogay bandow dhaqangalaya berri oo Talaado ah.
Taliyaha ciidamada amniga Kismaayo Maxamuud Qaalib ayaa sheegay in laga billaabo 6:00 aroornimo ilaa 12:00 duhurnimo ay magaalada bandow tahay.
Wuxuu sheegay in sababta bandowga ay tahay in laga hortago in ay dhacaan falal nabadgelyo-darro oo la sugo ammaanka wafdi ka socda dowladda Soomaaliya oo uu hoggaaminayo raysul wasaare Cabduqaadir Faarax Shirdoon oo la filayo in ay berri Kismaayo gaaraan.
 Maxamuud Qaalib ayaa ku boorriyay shacabka in ay guryahooda ku ekaadaan muddada uu bandowgu shaqeynayo.

Madaxweynaha Puntland oo ka Hadlay Qilaafka ka Taagan Maamulka Jubaland



Madaxweynaha maamulka Puntland C/raxman Sheekh Maxamed Faroole ayaa ka hadlay qilaafka ka taagan maamulka Jubaland.
Madaxweyne Faroole ayaa sheegay in xaalada maamul Jubbaland ay  hagaageyso marka R/wasaaruhu gaaro magaalada Kismaayo.
Madaxweynaha maamulka Puntland ayaa rajo aad uwanaagsan wuxuu ka muujiyay in Ra’iisul Wasaare Saacid uu soo gabagabeeyo khilaafka Jubbaland ayna isfahmaan masuuliyiinta horboodaysa shirka Jubbaland.
Qilaafka waa mid aan sidaas u weyneyn waxaana loo baahan yahay in la is fahan siiyo dadka kala aragtida ah ayuu yiri. Faroole.
R/wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa lagu wadaa inuu saacadaha socda uu gaaro magaalada Kismaayo.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Oo Kulammo Kula Qaatay Baydhabo Saraakiil Ciidan,Xildhibaanno Iyo Odayaal Dhaqameedyo



Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo wafdi uu hogaaminayo ay socdaal shaqo ku joogaan magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa kulammo kala duwan la qaatay saraakiil Ciidammada ah, Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka iyo odayaal dhaqameedyada gobolka Baay.
 Kulamadan uu Gudoomiyaha Baarlamaanka ku kala qaabilay dhinacyadan kala duwan ayaa ka wada dhacay hoteelka ay Gudoomiyaha iyo wafdigiisa ka degenyihiin magaalada Baydhabo ee Hotel Bakiin ayaa kulankii ugu horeeyey waxa uu Afhayeenka Baarlamaanka ku qaabilay waaberigii saakay Taliyaha ugu sareeya Ciidammada Ethiopia ee ka howlgalaya gobollada Koonfur Galbeed Soomaaliya waxaana kulankaasi ay uga wada hadleen sidii loo dhameystiri lahaa qorshaha looga xoreynayo argigixisada Al-Shabaab deegaannada iyo degmooyinka ay kaga suganyihiin gobolladan iyo in la adkeeyo ammaanka deegaannadii horey looga xoreeyey.
 Kulankii ku xigay waxa uu Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya la qaatay Odayaasha dhaqanka gobollada Baay iyo Bakool waxaana bilowgii kulanka uu Gudoomiyaha ka dhageystay Odayaasha Dhaqanka xaaladda dhabta ah ee ka jirta gobolladan iyo baahida ay qabaan dadka ku dhaqan waxaana ay Odayaashii kulanka kasoo qeybgalay ugu hambalyeeyeen Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo madaxda sare ee Dowladda Federaalka qaabka ay xiligan u gudanayaan waajibaakooda Qaran ee ay u dhaarteen iyo ka warqabka bulshada ay xilalka u hayaan.
 Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo kulanka khudbad ka jeediyey ayaa ku ammaanay waxgaradka iyo shacabka ku dhaqan gobollada Baay iyo Bakool sida ay had iyo goor u garab taaganyihiin Dowladooda waxaana uu Gudoomiyaha kula dardaarmay Odayaasha dhaqanka iney si isku duubni ah uga shaqeeyaan danta umadda Soomaaliyeed si Qarannimadeenna aynu u difaacanno.
 Dhinaca kale Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa kulan la qaatay Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya kuwaasi oo horey u joogay magaalada Baydhabo waxaana ay Xildhibaannada Gudoomiyaha uga warbixiyeen waxyaabihii uga qabsoomay socdaalkoodii ay ku joogeen gobolka Baay iyo waxyaabihii ugu waaweynaa ee ay Xildhibaannadu kasoo kala ururiyeen qeybihii bulshada ee ay horey ula kulmeen.
 Ugu dambeyntii Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo gebagebadii kulanka ka hadlay ayaa Xildhibaannada ku ammaanay sida ay u gudanayaan waajibaadkooda dastuuriga ah ee la xiriira iney ka warqabaan nolosha dhabta ah ee ay ku noolyihiin shacabka ay metelayaan ayadoo talaabadaasina ay qeyb ka tahay qorshe howleedka Baarlamaanka.
 Kulamadan ayaa qeyb ka ah kulammo soo bilowday duhurnimadii shalay aheyd markii ay Gudoomiyaha iyo wafdigiisa yimaadeen magaalada Baydhabo ayadoo talaabadanna ay qeyb ka tahay in Madaxda ugu sareysa dalka ay si dhab ah uga warqabaan nolosha ay ku noolyihiin shacabka Soomaaliyeed waxaana kulamadan ay sidoo kale qeyb ka yihiin qorshaha Dowladda Federaalka ee ku aadan soo celinta Midnimadii Umadda Soomaaliyeed iyo adkeynta jiritaankeenna Qarannim

Wararka Ciidamada Ethiopia oo Soomaaliya sii joogaya, Maxaa is-beddelay?



 Ciidamada Ethiopia oo Soomaaliya sii joogaya, Maxaa is-beddelay?
Wasiirka warfaafinta xukuumadda Soomaaliya Cabdulaahi Ciilmooge Xirsi oo ka mid ah wafdiga ra’iisal wasaaraha ee ku sugan Kismaayo ayaa VOA, u sheegay in dowladdaha Soomaaliya iyo Ethiopia ku heshiiyeen in askarta xukuumadda Addis Ababa ee ku sugan Soomaaliya sii joogaan.
Wasiirka ma sheegin muddada ay sii joogi doonaan, laakin wuxuu daaha ka qaaday in ay socdaan qorshayaal ciidamada Soomaalida la doonayo in lagu wareejiyo meelaha ay joogaan ciidamada Ethiopia ee ku sugan dalka.
Hadalka wasiirka ayaa ku soo aadaya iyadoo dhawaan dowladda Ethiopia ay shaacisay in ay ciidankeeda kala baxeyso dalka Soomaaliya, waxaana meelaha ay baneeyeen ka mid ahaa askarta Ethiopia degmada Xuddur ee xarunta gobalka Bakool.
Dowladda Ethiopia ilaa hadda si rasmi ah uma shaacin sababta ku kaliftay in ay askarteeda kala baxdo Soomaaliya, laakin dadka odorasa arrimaha siyaasadda gobalka, waxa ay lee yihiin Ethiopia waxa ay ku guul dareesatay in askarteeda ku sugan gudaha Somaaliya dhaqaale siiyaan beesha caalamka.
Waxaa kaloo jirra warar sheegaya in ciidamada Ethiopia in ay ka xumaadeen isbadalka lagu sameeyay maamulkii gobalka Baay iyo magaalada Baydhabo, iyo isbadal la rabay in lagu sameeyo gobalka Bakool.


R/wasaaraha oo la kulmay saraakiisha Kismaayo



Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid oo maanta gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose ayaa kulan la qaatay saraakiisha maamulka KMG ah ee magaalada oo uu hoggaaminayay Axmed Maxamed (Madoobe).
Kulanka oo ay ra’iisul wasaaraha ku wehelliyeen xubno ka tirsan golahiisa wasiirrada oo horay Kismaayo ugu sugnaa ayaa looga hadlay sidii loo dar-dargelin lahaa sugidda amniga magaalada Kismaayo iyo qaabaynta maamulka, iyadoo labada dhinac ay iswaydaarsadeen fikrado.
Ra’iisal wasaare Saacid oo markii uu soo gabagaboobay kulanka la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay ku farxeen soo dhoweynta reer Kismaayo, isaga oo u mahadceliyay ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM sidii ay isaga kaashadeen sugidda amniga.
“Runtii waxaa ii muuqatay in dadku ay doonayaan dowladdooda, raalina ka yihiin, waana uga mahadcelineynaa sida diirran ee ay noo soo dhoweeyeen” ayuu yiri ra’uusul wasaaraha oo xusay in booqashadan ay qayb ka tahay booqashooyin uu ku kala bixinayay gobollada dalka.
“Reer Kismaayo waxay safka hore kaga jiraan dadka jecel dowladnimada” ayuu Saacid hadalkiisa raaciyay.
Axmed Madoobe oo ah guddoomiyaha maamulka KMG ah ee Kismaayo ayaa isna sheegay inay ku faraxsan yihiin booqashada wafdigan ballaaran ee ka kooban wasiirrada, xildhibaannada iyo saraakiisha.
“Aadbaan ugu faraxsanahay imaatinka wafdiga ra’iisul wasaaraha waana soo dhoweyneynaa isaga iyo madaxda kale ee sharafta leh ee la socota, waxaana leenahay ku soo dhowaada Kismaayo” ayuu yiri Axmed Madoobe.
Ra’iisul wasaaraha iyo wafdiga ayaa inta ay joogaan magaalada Kismaayo waxay kulamo is daba joog ah la qaadan doonaan maamulka magaalada iyo qaybaha kale ee bulshada Kismaayo.

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...