Wednesday 11 November 2009

Faroole oo la soo noqon doona amaro cusub ,dagaalna la geli doona islaamiyinta Puntland.Warbixin. Warkii 11-Nov-2009 iyo Qormadii: NEWS.

Madaxweynaha maamulka Puntland mudane C/raxmaan Faroole ayaa markii ugu horeysey la kulmay safiirka dawlada maraykanka u fadhiya Kenya,madaxa ugu sareeya la dagaalanka argagixisada ee geeska Afrika,wakiilka dawlada Maraykanka u qaabilsan Soomaaliya,saraakiil ka tirsan CIA-da,iyo weliba saraakiil sare oo ka tirsan ciidanka dalka maraykanka.Kulamada ay madaxda sare ee Maraykanku la yeelanayso Faroole ayaa ah kuwo aan caadi ahayn,oo Maraykanku ka leeyahay ujeedooyin muhiim ah,iyadoo la soo farayo faroole amaro cusub oo ku aadan la dagaalanka argagixisada(War on terror).

Faroole oo intii aanu u ambabixin dhinaca Kenya xukumo ku riday wadaado badan oo reer Puntland ah,dad badan oo ka soo jeeda Ogaadeeniyana u dhiibay Itoobiya,qaarna xabsiga lagu dilay,iyadoo ay weheliyeen dagaalo goos goos ah,iyo qaraxyo lala beegsanayo ciidamada iyo saraakiisha ciidamada sirdoonka iyo kuwa kaleba,ayaa la filayaa in Maraykanku ay ku qanciyaan in Puntland is muujiso,oo fuliso ficilo lagu qanci karo,kuwaasoo ka dhan ah islaamiyiinta ku fidaya Soomaaliya,ee hada khatarta ku haya maamulada Somaliland iyo Puntland.

Dad xog ogaal ah oo ku dhow madaxweynaha ayaa noo xaqiijiyey in safarkan Faroole la siiyey kaalmo dhaqaale,iyo weliba mid hubeed,isla markaana looga fadhiyo inuu cududiisa muujiyo,oo uu maamulkiisa ka safeeyo raga loo tuhmayo inay taageeraan islaamiyiinta ka dagaalama koonfurta Soomaaliya,isla markaana uu albaabada u laabo xarumo ay sirdoonka Maraykanku aaminsan yihiin inay ku yaalaan Puntland,kuwaasoo soo saara dhalinyaro xag jir ah,oo taageero u noqon kara Alshabaab.
Arimaha kale ee Faroole kala hadlay madaxda Maraykanka ayaa waxa ka mid ah in Maraykanku talaabo ka qaado laba nin oo uu dacwad ka gudbiyey,kuwaasoo haysta dhalasho Maraykan ah,kuwaasoo sida uu sheegay sameeyey jabhad khatar ku ah maamulada Puntland iyo Somaliland,kuwaasoo loo badinayo inay yihiin Xagla-Toosiye iyo Garaad Jaamac,kuwaasoo ka mid ahaa wufuud ka qayb gashay shir ay yeelatay beesha SSB.
Dhanka kale wuxuu dadaal badan u galay intuu Nayroobi joogay inuu la kulmo xubnihii shirkaas ka qayb galay,khaas ahaan madaxda la doortay,kuwaasoo aan la hubin inuu la kulmay iyo in kale,iyadoo wararka qaar sheegayaan inuu la kulmay mid ka mid ah,balse garaadadii ay u baxeen wadan kale.

Si kastaba ha ahaatee soo noqoshada Faroole uu ku soo noqdo Puntland ayaa la filayaa inay wax ka bedesho xaalada Soomaaliya,iyadoo laga cabsi qabo inay dagaalo ka dilaacaan deegaankaas,kuwaasoo u dhaxeeya culimada,iyo ciidanka Ashahaado la dirarka(PIS),iyo kuwa kaleba,taasoo uu Faroole ku heli doono dhaqaalo badan oo kale iyo taageerada reer Galbeedka.
Safarkan ayaa waxa Faroole ku weheliya wasiirka arimaha gudaha ee Puntland Ilka Jiir,oo isagu ka mid ahaa saraakiishii horay ula dagaalantay islaamiyiinta Al-itixaad gobolada Bari,sagaashameeyadii,isagoo ka mid ahaa saraakiishii la jaalka ahaa C/llaahi Yuusuf Axmed.

Afnugaal News Desk.
Contact:info@afnugaal.com

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...