Sunday 8 November 2009

Faroole oo shaqo nabadeed ugu amray inay Garaadada ku sugan Garoowe ugu baxaan Bari.

Warkii 30-Oct-2009 iyo Qormadii: NEWS

Madaxweynaha Puntland mudane Faroole ayaa isimo iyo garaado ay ka mid yihiin,Islaan Ciise Islaan Maxamad Garaad Saleebaan,Garaad Cabdulahi Cali Ciid,Garaad Cabdulahi Ciise,Garaad Cabdulahi Soofe,Garaad Maxamad Cilmi Shirwac,Garaad Maxamud Mashqare ,Ugaas Maxamud Siciid waxa uu shaqo ugu diray dhinaca gobolka Bari si ay ugu qayb qaataan hawlaha dawladu ka wado degaanada colaadu ka taagan tahay.

Garaadada oo mudo labo sano ka badan ku sugnaa magaalada Garoowe ayaa dawladu u dirtaa hawlo badan oo dawladu ka wado deegaanada Bari,Nugaal iyo mudug,iyagoo Garoowe laga dejiyey guryo,mushaharna la siiyo.
Wasiir ka tirsan wasiirada Puntland ayaa hada ka hor ku sheegay Garaadada ku sugan Garoowe inay ugu xaraysan yihiin waxa uu ku sheegay maxjar,oo haday Nayroobi tagaan mushaharka laga jari doono.
Arintu si kastaba ha ahaatee waxaa madaxweyne faroole ka wadaa deegaamadaas nabadaynta beelaha gobolada waqooyi bari,isagaoo ka soo qayb qaatay nabadaynta gooblka mudug iyo bariga fogba.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...