Thursday 12 November 2009

Garowe: Faahfaahin falalkii ka dhacay Puntland iyo Madax sare oo sheegay in duulaan lugu soo qaaday Puntland…Warbixin dhinacyo badan leh…..

Garowe(AllPuntland)- Sadexda gobal ee Puntland ee ku teedsan Laamiga oo ahaa kuwa ay xalay ka dhaceen weeraro umuuqday kuwa qorsheysan, isla markaasna lala beegsaday Shaqsiyaad ka tirsanaa dawladda Puntland iyo xarumo dawladeed, ayaa markii ay dhaceen Madax kala duwan oo ka hadashay Idaacadaha kuyaala Puntland, waxa ay qireen in ay ka dambeeyaan dad ay ku sheegeen kuwa ku soo duulay Shacabka Puntland.

Boosaaso.

Magaalada Boosaaso ayaa markii laga soo laabtay Salaadi Maqrib masjid agtiis uu ka soo baxay lugu toogtay gudoomiyihii Maxkamada darajada koowaad ee gobalka Bari Maxamed Cabdi Awaare, oo aan la garan Karin cidii ka dambeysay toogashadiisa, balse laamaha amaanka ayaa APL usheegay in ay wadaan baaritaano ku aadan arrimahan, isla markaasna ay ku eedayn karaan in ay ka dambeeyaan dad ka soo horjeeda horumarka Puntland oo duulaan qaawan soo qaaday.

Sarkaal sare oo ka tirsan Wasaaradda Amniga kuna sugan Bosaso ayaa usheegay APL in ay og yihiin dad doonaya in ay burburiyaan Puntland, isagoo sheegay in todobaadkii ugu dambeeyey Saxaafada caalamka iyo mida Soomaaliya ay jireen Ururo iyo Shaqsiyaad hanjabaado ka jeedinayay, kuwaas oo aad uga soo horjeeda dawladda Puntland.

Qaar ka mid ah Qaraabada Maxamed Cabdi Awaare Allaha uraxmadee waxa ay diideen in ay bixiyaan tafaasiilaad ku aadan, cida ay ku tuhmayaan dilkan, balse waxa ay xaqiijiyeen in ay ka war dhowrayaan baaritaanada ay ku howlan yihiin laamaha amaanka, oo ay sheegeen in ay kalsooni buuxda ku qabaan, maadama Maxamed Cabdi uu ahaa sarkaal dawladeed.

Garowe.

Caasumada Puntland ayaa wax yar ka dib markii uu dhacay falkaasi, waxaa lugu toogtay Mudane ka tirsanaa baarlamaanka Puntland, kaasoo ahaa Xildhibaan Ibraahim Cilmi Warsame (Gaab) oo ka mid ahaa baarlamaanka Puntland xubnahooda ugu fir-fircoon, isagoo shaqadan Xildhibaano soo waday tan iyo markii la dhisay Puntland 1998-dii.

Ibraahim cida dishay waa ay baxsatay, waxaana lugu toogtay meel kutaala bartamaha magaalada Garowe, oo ay markaas joogeen Mudanayaal baarlamaan oo ka ag dhawaa, waxa ayna usheegeen APL in ay arkayeen markii rasaastu ay dhacaysay, ayagoo sheegay in ay baxsadeen fuliyaashii falkaasi.

Xildhibaanada uu saaxiibka la ahaa xildhibaanka dhintay ayaa usheegay APL in ay aad uga walaacsan yihiin falkaasi, waxa ayna cadeeyeen in ay uarkayaan falkan mid weerar cad loogu soo qaaday gobalada Puntland, ayagoo ugu baaqay dadweynaha Puntland in ay udiyaar garoobaan dagaal ay dadkaasi kaga hortagaan.

Mudanayaasha baarlamaanka ayaa rumeysan in ay weeraradan uga yimaadeen gobalo ka durugsan Puntland, waxa ayna ka gaabsaden in si toos ah carabka ugu dhuftaan halka ay ka soo jeedaan dadka ay tuhmayaan, ama in ay dilalkan ay dhinac ku riixaan oo ay masuuliyadiisa saaraan, balse waxa ay qirayaan in ay rumeysan yihiin duulan cad oo lugu soo qaaday.

“ Waad og tihiin Idaacadaha iyo Caalamka waad la socotaan 3-dii todobaad ee ugu dambeysay hanjabaado aan caadi aheyn ayaa ku soo dhacayay Puntland, waad arkayseen Al- Shabaab wey hanjabtay, ONLF niman sheegtay ayaa ku xigay oo ayana hanjabay, gole la baxay golaha camalka Islaamka ayaa ku xigay oo ugu dambeeyey, kuwaas oo dagaal toos ah ku dhawaaqay, marka hadee wey iska cadahay cida qaadi doonta Masuuliyada qof muslim ah oo la toogto” Ayuu yiri Mudane ka tirsan baarlamaanka Puntland oo ku sugan caasumada Puntland.

Gaalkacyo.

Qaraxa la doonayay in uu waxyeelo ugeysto Xarunta dawladda Hoose iyo ciidamada habeenkii jooga ee ku sugan ayaa lugu weeraray xarunta dawladda Hoose ee magaalada Gaalkacyo, waxaana la xaqiijiyey in mid ka mid ah Bambooyinkii lasoo tuuray ay qaraxday, midna aysan qarxin, waxaana ay Masuuliyiinta degmadu xaqiijiyeen in an cidna wax ku noqon Bambooyinkaas.

Ciidamada amaanka ee dawladda Hoose ayaa daqiiqadihiiba xiray wadooyinka soo gala Xarunta, ka dibna waxa ay baacsadeen sida ay qabaan qaar ka mid ah Masuuliyiinta amaanka ee magaalada Gaalkacyo, mid ka mid tuurayaashii Bambooyinka, kaasoo ay gacanta ku soo dhigeen,

Duqa dawladda Hoose ee magaalada Gaalkacyo C/rixmaan Xaaji Xasan oo la hadlay APL ayaa shaaca ka qaaday in ay ahayaan mid ka mid ah dadkii ka dambeeyey tuurida qaraxaasi, wuxuuna sheegay in ay hada gacanta ku hayaan oo ay baarayaan laamaha amaanku, oo uu sheegay in ay heegan culus ku jiraan.

C/rixmaan wuxuu cadeeyey in uu jiro dagaal adag oo lugu soo qaaday dadka Puntland, isagoo sheegay in xiriiro ahaayeen falalkii ka dhacay magaalooyinka Bosaso, Garowe iyo Galkacyo, isagoo ugu baaqay dadka Puntland in ay udiyaar garoobaan waxa ugu yeray dagaal adag oo lagala hortagayo dadka uu sheegay in ay ka soo horjeedaan amaanka iyo daganaanshaha Puntland.

Fariimihii Madaxda Puntland ay jeediyeen marar badan ma rumoobeen?..

Marka laga tago dhacdooyinkii xalay ka dhacay Puntland, hadana mudooyinkii ugu dambeeyey Madaxda ugu sareysa Puntland ayaa sheegaya in ay og yihiin qaraxyo iyo dhib badan oo ladoonayo in dhib loogu geysto gobalada Puntland, waxaana Madaxweynaha Puntland C/rixmaan Sheekh Maxamed, Wasiirka Amniga ee Puntland Jeneraal C/laahi Siciid Samatar iyo Madax kale oo ka hadlaysay mudooyinkii ugu dambeeyey amaanka ayaa qirayay jiritaanka warar badan oo xaqiijinaya in ay jiraan dad badan oo ka soo horjeeda amaanka Puntland.

Madaxweyne Faroole oo ka hadlayay furitaankii kalfadhigii baarlamaanka Puntland 31-Octobar-009, ayaa usheegay Baarlamaanka in ay jiraan warar badan oo ay helayaan ciidamada sirta, kuwaas oo ku aadan in ay jiraan dad badan oo doonaya in ay fuliyaan falal lid ku ah amaanka Puntland, wuxuuna ugu baaqay Mudanayaasha baarlamaanka in ay la socdaan arrimahaasi.

“ Bosaso waa xudunta ganacsiga, cidna ka yeeli mayno in la dumiyo, dad badan oo duminaya aya ku sugan, waxa ay dadkaasi tababaro ku soo qaataan Asmara iyo meelo kale, waxa ay ujeedadoodu tahay in ay la dagaalamaan horumarka Puntland, waxa ay ku jiraan dagaal adag, dadka Barakacayasha ah waxaan usheegaynaa in aan lugu soo dhex-dhuuman, dad badan oo dhib wada ayaa ku dhex qarsoon, waxa ay dadkaasi doonayaan in ay fuliyaan falal badan oo aan ognahay, qaar ka mid ah abaabulayaashii gacanta ayaa lugu hayaa, qarna Sirdoonka ayaa ku daba jira” Hadalkani wuxuu ka mid ahaa hadal uu jeediyey Madaxweynaha Puntland, mar uu ka hadlayay garoonka diyaaradaha ee magaalada Boosaaso, oo ay dad badan oo ku dhaqan Puntland ku baraarugeen hadalka Madaxweyne Faroole, una arkayeen mid aan muhiimad badan laheyn, hadana manta dad badan ayaa xasuustay fariintii maalintaasi ka soo baxday hogaanka sarre ee Puntland in ay ahayd mid toos ah oo ay ogaayeen cid wada abaabulo kala gedisan.

Xogaha ay helayso AllPuntland

AllPuntland ayaa heshay in ay Madaxda sare ee Puntland ay utoog –hayaan falal badan oo amaan daro in ay ka dhici karaan deegaanada Puntland, markii ay qeym weyn ku sameeyeen talaabooyinkii ay qaadeen qaar ka mid ah kooxaha diidan Siyaasada dawladda Puntland iyo hanjabaado todobaadyadii ugu dambeeyey loo jeedinayay dawladda Puntland.

Sirdoonka Puntland oo aad loo howlgaliyay mudooyinkii ugu dambeeyey ayaa xaqiijiyey jiritaanka dad badan oo dhib kuhaya amaanka gobalka, isla markaasna hada jooga gobalka, halka qaarna lasheegay in ay maleegayaan weeraro waa weyn oo ka culus, kuwii xalay ka dhacay Sadexda magaalo ee ugu waa weyn Puntland, waxa ayna qireen in laga maarmaan ay tahay in ciidamada Puntland ee ku xaraysa Xeryaha ciidamada lugu daad-gureeyo gudaha magaalooyinka, taasoo lugu bilaabay caasumada ganacsiga Puntland.

Damaca ah in gawaari miineysan lugu qarxiyo ama laga fuliyo Puntland ayaa kordhay sadexdii maalmood ee ugu dambeysay, waxaana la xaqiijiyey in ay jiri karaan Baabuur miinaysan lala beegsado xarumaha Puntland ee Caasumada Puntland kuyaala, taasoo ay aad ugu toog-hayaan ciidamada amaanka iyo Laamaha sirta oo sheegay in ay hada hayaan kooxo ay sheegeen in ay la soconayaan dhaqdhaqaaqyadooda ay ka wadaan Puntland.

AllPuntland, News Desk
WAR LA XIRIIRA

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...