Wednesday 11 November 2009

War deg deg ah : Xarunta Dawladda Hoose ee magaalada Gaalkacyo oo Bambo goor dhaw lugu tuuray..

Gaalkacyo(AllPuntland)- Xarunta dawladda Hoose ee magaalada Gaalkacyo ayaa lugu tuuray Bambo kuwa gacanta ah,taasoo aan la garan karin cida ka dambeysa, waxaana ciidamadu amaanku ay rideen rasaas lasheegay in lugu kala cayrinayay dad badan oo iskugu soo xoomay Xarunta dawladda Hoose.

Ciidamada amaanka ayaa xiray wadooyinka soo gala Xarunta dawladda Hoose ee magaalada Gaalkacyo, waxaana qaar ka mid ah madaxda dawladda Hoose ay usheegeen APL in ay rasaas ku rideen qof looga shakiyey in uu ka dambeeyey tuurida Bambooyinkan, isla markaasna aan gacanta lugu soo dhigin.

Saraakiisha Amaanka ee dawladda Hoose ayaa sheegay in ay hada ku jiraan adkeynta amaanka, isla markaasna ay wadaan baaritaano ku aadan cida ka dambeysay qaraxan lugu tuuray aqalka dawladda Hoose.

Shaqaalaha dawladda Hoose ayaa uxaqiijiyey APL in aysan cidna wax ku noqon qaraxan, luguna beegay xili aysan socon wax shaqo ah, luguna tuuray goobta dawladda Hoose oo aysan ka ag-dhaweyn Ilaalada Xarunta oo waqtiyadan oo kale Xarunta ilaalo xoogan ka qabta.

Duqa magaalada Gaalkacyo C/rixmaan Xaaji Maxamuud Xasan iyo Saraakiil kale oo dhanka amaanka ah ayaa galay gudaha Xarunta, waxaana dadka loo diiday in ay udhawadaan goobta dawladda Hoose.

F. C. Maxamed
AllPuntland, News Desk

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...