Thursday 24 March 2011

Shabaab oo Jaray Dhamaan Waddooyinkii ka Bixi Jirey Gobolada Hiiraan, Baay iyo Bakool

Muqdisho (RBC) Wararka ka imaanaya gobolada dhexe iyo kuwa koonfureed ee wadanka ayaa sheegaya in guud ahaan u joogsaday isu socodkii gaadiidka ee u kala gooshi jirey gobolada koonfureed ee Soomaaliya iyo deegaanka Soomaali galbeed.
Xarakada Al Shabaab ayaa xirtey guud ahaan wadooyinkii ka bixi jirey Hiiraan sida wadadii mari jirtey deegaanka Kalabeyr ee u bixi jietey dhanka Feerfeer, halkaasi oo miinooyin ay ka buuxiyeen si ay uga hortagaan weerar kaga yimaada dhanka ciidamada DKMG iyo kuwa Ethiopia oo garab siinaya oo sugan deegaano ka mid ah gobolka.
Gawaarida safarka kuwii ugu badnaa ayaa ku xaniban gudaha magaalada Beledweyne iyagoo sida badeecado ganacsi oo ku sii jeeday dhulka Soomaali Galbeed gaar ahaan Jigjiga iyo Feerfeer. Waxayna Shabaabka diideen inay baabuurta safarka marto wadooyinkii ay miri jireen.
Qaar badan oo gawaarida safarka ayaa dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho kadib markii ay waayeen meel ay maraan.
Dhanka kale sida RBC Radio u sheegeen dad ku sugan gobolka Baay waxay Shabaabku jaren wadooyinkii Baay iyo Bakool ka bixi jirey ee xagga gobolka Gedo u bixi jirey kuwaasoo safarka ay uga gudbi jireen Doolow iyo Beledxaawo oo ku yaalla xuduuda.
Gawaari ku dhow illaa 10 oo maalmo ka hor ka ambabaxay magaalada Baydhabo ayna saarnaayeen badeecado ganacsi ayaa badankood dib isaga soo laabtey kadib markii Shabaabku dib u soo celiyeen, ayna u sheegeen in wax safar ahi aysan u bixi karin deegaanada Shabaabka laga qabsaday sida Luuq, Beledxaawo iyo Buurdhuubo.
Warar lagu kalsoon yahay ayaa intaa ku daray in wadooyinkii gobolka Bakool iyo Gedo isku xiri jirey la miineeyey oo ay hadda halis u yihiin dadka iyo baabuurta, taasoo gaadiidleydu ay ka cabsadeen.
Arintan ayaa saameyn weyn ku yeelatay isu socodka gaadiidka safarka ee gobolada dalka u kala safri jirtey taasoo dad badan ay ku xirneyd noloshooda.
Shabaabka ayaa arintan ula jeeda si ay culeys u saaraan deegaanada lagala wareegay dhowaan ee Gedo si ay u adkaato in wax badeecado ah ay gaaraan deegaanadaasi, halka dhanka kale ay difaac ahaan wadooyinka u jarayaan si aysan ugu soo gudbin ciidamada DKMG iyo kuwa Ethiopia ee duulaanka ku ah gobolada Shabaabku maamulaan e koonfurta iyo bartamaha waddanka.
RBC Radio

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...