Sunday 10 July 2011

Baarlamaanka Soomaaliya oo saaka lagu wado inay ka shiraan Heshiiskii Kampala (Kampala Accord)

Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa saaka lagu wadaa inay kulan ka yeeshaan Heshiiskii Kampala ee 9-kii Bishii June lagu soo dhex dhexaadiyay Madaxweynaha iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka, kadib khilaaf in muddo ah soo jiitamayay, kaas oo ugu dambeyn meesha ka saaray Ra'iisul Wasaarihii hore Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Xildhibaan Caadil Sheegow Sagaar ayaa sheegay in Xildhibaanada Baarlamaanka ay maanta oo Axad ah la horkeeni doono heshiiskaas si ay kaga doodaan, waxaana uu ka dhawaajiyay in dhamaan Xildhibaanada lagu wargeliyay inay ka soo qeyb galaan.

"Ujeedada kulanka maanta waxay tahay in laga doodo Heshiiskii Kampala, Xildhibaanada waa ay ka soo qeyb geli doonaan"ayuu yiri Xildhibaan Caadil Sheegow.

Inkastoo beryihii u dambeeyay ay jireen mucaarado xoog leh oo laga muujinayay heshiiskaas, ayaa hadana la ogeyn sida Xildhibaanada Baarlamaanka isku raaci karaan, iyadoo rasmi ahaan heshiiskan uu xadidayo awooda Baarlamaanka muddo sanad ah in aanay wax mooshin ah ka keeni karin Xukuumada iyo Madaxda Dowladda, kaasoo muujinayay in aanay jiri karin wax la xisaabtan.

Xildhibaanada qaar ayaa ku tilmaamay heshiiskaas mid lagu tuntay xeerka iyo shuruucda dalka, iyagoo qaarkood ku tilmaamay heshiis xaaraan ah oo awooda Baarlamaanka uu leeyahay lagu takri falayo.

Lama oga go'aanka ka soo bixi kara Xildhibaanada, iyadoo lagu wado inay dhacdo dood kulul oo ka timaada Heshiiska oo Xildhibaanada ay si guud ugu kala qeybsan yihiin.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...