Arinta yaabka leh ayaa ahayd in halkii raysul wasaare C/weli Gaas laga sugayey inuu ku dhawaaqo liiska golaha wasiirada ayaa waxaa mar dambe liiskii akhriyey wasiirkii hore ee warfaafinta C/kariin Xasan Jaamac. Goobta ma joogin raysul wasaaraha, mana jirin wax xaflad ah oo la qabtay oo saxaafadda loogu soo bandhigay liiska sidii dhici jirtay.
Sidoo kale madaxweynaha iyo afhayeenka barlamaanka oo ay ahayd inay goobjoog ka ahaadaan goobta lagu magacaabayo wasiirada ayaan soo xaadirin iyadoo ku dhowaad 12 saacadood la sugayey in liiska lagu dhawaaqo.
Liiska oo E-mailo lagu soo diray
Qeybaha saxaafadda ayaa liiska wasiirada loogu diray E-mailo halkii markii hore shir jaraa’id lagu shaacin jiray isla markaana ay soo xaadiri jireen wasiirada la magacaabayo.
Qaar ka mid ah dadka siyaasada la socda ayaa RBC Radio u sheegay in arintan ay u muuqato qanaaco la’aanta weli ka dhex taagan madaxda DKMG, gaar ahaan raysul wasaare C/weli Gaas oo u muuqda inuusan ku qanacsaneyn qaabka arimuhu beryahanba u socdeen.
Ilo wareedyo ayaa sheegaya in liiska si aan ku talagal ahayn uu markii hore u soo baxay, hase ahaatee markii dambe ay qasab noqotay in C/kariin Xasan Jaamac uu liiska si dulmar ah u akhriyo taasoo yaab gelisay dadka. Illaa hadda weli raysul wasaaruhu afkiisa kuma cadeyn in liiska soo baxay uu yahay kii saxda ahaa iyo inay wax iska bedeleen.
Dhanka kale waxaa maanta dib u dhacay kulan la rabay in barlamaanka KMG ay ku yeeshaan Muqdisho ayna uga doodaan golaha wasiirada cusub. Waxaana lagu wadaa in maalinta Sabtida dib loo furo shirkii barlamaanka si wasiirada inta joogta loo ansixiyo.
No comments:
Post a Comment