Thursday 14 July 2011

Imaamyada W. Ameerika ma iska Qaban waayeen M. Idiris, C/Raxmaan Sh. Cumar iyo Abu Fadli? Mise markii Mark Bowden Tagay Dooloow bay Baaq Abaareed Dirayaan. Yaa Yiri: We Don’t Care About Somalia


Golaha Baraarugga Islaamka- Ilaahayoow hana ceebeyn! Soow Mu’tamarkii asbuuci hore iyadoo Maxamed Idiris, Abu Fali, iyo C/Raxmaan sheekh Cumar fadhiyaan; Maxamed Idiris ma oran: We don’t care about Somalia! Soow ma oran Muqdisho shuqul kuma lihin? Ma markii Mark Bowden Dooloow tagay baa wadaaddadu is beddeleen?!

Teeda kale bayaanka waxaa ku saxiixan seddexdaas nin iyo C/Risaaq Takar? Goormaa C/Risaaq Takar ka mid noqday Imaamyada Waqooyiga Ameerika?

Shaki ma leh in dadka Soomaaliyeed u baahan yihiin gargaar. Sidoo kale waxaa dariiq fiican qaatay Imaamyo badan oo Waqooyiga Ameerika oo is fogeeyey nimankaas fidneysan ee say rabaan u hadlaya!

Miyaan imaamyada Waqooyiga Ameerika dan ka lahayn shacabka muslimiinta ah ee Soomaaliyeed oo aruuriyey lacagta lagu dhisay masaajidda; iyagana loo dhisay inay ku cibaadeystaan? Ma weydeen cid bayaan soo saarta oon ka ahayn Maxamed Idiris iyo nimankaas?

War maxaa idiin diiday waxa gaaladu sameyso? Ma u maleyneysaan in doorashada soo socota marka xisbiga Republican ah u tartamayo doorashada madaxweynanimada Maraykanka ay shirarka iyo meelaha lacagaha loogu aruurinayo keenayaan George Bush (Junior)? Macquul ma aha! Arrintii Ciraaq iyo dhibkuu gashay Maraykanka bay uga carareen! Idinkoo imaamyo ah baa waxaa idiin hadlaya Maxamed Idiris iyo C/Raxmaan sheekh Cumar!

Waxay u muuqataa in labadaas nin rabaan inay sharafta idin ka dilaan! Xaqiiqdii beentu ma fiicnee ilaa hadda imaamyada Waqooyiga Ameerika waa iska dheereeyeen labaaas nin laakiin waxaa laga baqayaa markay ku booqdaan goobahooda in imaamyada ka gabadaan.

Marka Abu Fadli, Maxamed Idiris, iyo C/Raxmaan sh. Cumar waxaan ku leennahay ogaada in shacabka Soomaaliyeed baraarugay. Ma jirto cid dambe oo geed idin ku xiran. Waxaa idiin fiican inaydaan imaamyada kale maran oo sharafta ka dilin ee aad meel iska fariisataan!

Haddaannu nahay Golaha Baraarugga Islaamka waxaan leennahay: meel bayaan abaaraha laga soo saaro waxay ahayd markii la joogay Minneapolis Convention Center. Halkaas bay ahayd meel dadka lacag looga aruuriyo; waxaadna sameyseen idinkaa lacag ku aruursaday! Waxaas si cad u sheegteen inaydaan shuqul ku lahayn Soomaaliya!

Sidii ay saxaabadu (RC) yeeleen markii Jamcihii ku xigay dagaalkii Uxud sidii caadada u ahayd C/Laahi binu Ubayi isla taagay in la taageero Nabiga (SCW) oo la caawiyo dabadeedna saxaabadu inta tafta  qabteen dhaheen: naga fariiso cadowgii Ilaahayoow, arrintaas ehel uma ahide; baannu leennahay haddaan Golaha Baraarugga nahay: Naga fariista Maxamed Idiris iyo C/Raxmaan sheekh Cumar ehel uma ahidin arrintaas maaddaama aad tiraahdeen : you don’t care about Somalila!”



Somalimidnimo.com

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...