Wednesday 13 July 2011

Maxamed Idiris oo Muxaadarooyinkii London ka Dhigay kuwo Lacag lagu Galo! GOB Islaam oo Baaritaan Wadda


  •  

Golaha Baraarugga Islaamka:- Waagii  Salafka la wada sheegan jiray waxaa dacwada Waqooyiga London xeer noo ahaa in muxaadarooyinku yihiin lacag la’aan. Guddiga masaajidku (markaas waxaa socotay lacag-aruurinta hadda masaajidda lagu gaday) waxay keeni jireen cuntada! Qofku wuxuu gadan jiray qadada laakiin macquul ma ahayn in muxaadaro laga iibiyo dadka!
Waa jira Mu’tamarro caam ah oo Ingiriiska lagu qabto laakiin xoogga la saarayey carruurta oo inta Jaamacado la kireyso tikidho lagu galo laakiin marna Muxaadarooyinka caamka ah ee masaajidda lagu qabanayo lacag ma ahayn xitaa haddii masaajidku lacag rabo.
Ururka masaajidda ay UK ka sheegayaan waa “copy cat” kan hadda Maraykan la isku heysto ee la dhaho: Golaha isu-tagga imaamyada Waqooyiga Ameerika! Marka magaca ururrada iyo muxaadarada lacagta la iska qaadayo waa arrin ay keeneen sheekh C/Raxmaan sheekh Cumar iyo Maxamed Idiris!
Cinwaankan hadda sheekh Maxamed Idiris iyo C/Rasaaq Takar iclaamiyeen  ee masaajidka ku yaal Central London lagu qabanayo waxaa hadda ka hor Mu’tamar ku qaban jiray Al-Itixaad iyo Al-Islaaxba! Sanadkii 1995 iyo 1996 waxaa ku qabtay Al-Itixaad, mana jirto lacag dad laga qaaday! Sidoo kale Islaax baa ku qabtay 1996 mana jirin lacag la qaaday. Dadku cuntaday gadan jireen laakiin Muxaadaro loo goosanayo tigidh ma jirin! Kaddib Soomaalida waa loo diiday masaajidkaas waxayna ku qabsan jireen mid ku yaal White Chappel ilaa Soomaalidu masaajiddo ka yeelatay ama meelo kale!
Hadda arrinta Maxamed Idiris ma aha mid la aqbali karo. Waa mid uu ka keenay Maraykan iyo waddamo kale laakiin Waqooyiga London sharci uma ahayn in lacag la iska qaado! Rumeyso ama ha rumeysan; magaalada London noloshu waa adag tahay! Dad waxaa jira marar aan bas-raac heli karin. Qofkii aan is-dabaro-maris ku nooleyn wuu ogyahay arrintaas. Waxaa la helayaa dad badan oon bixin karin 15 gini oo lagu galo muxaadaro! Labada maalmood qofka weyn waa 30 gini! Carruurtana waxay dhaheen 10 gini! Ka warran hooyo dhowr carruur ah wadata oo rabta inay muxaadaro dhageysato?
Waxaa waayadaas guddiga masaajidda u furneyd inay si Ilaah dartiis ah dadka u weydiiyaan inay caawiyaan in la aruuriyo lacag masaajid. Runtiina dadku wuxuu aruurin jiray lacag badan!
Maxamed Idiris waxaad mooddaa inuu caqligii ka tagay! Miyuusan arag sida deeqsinimada ah ee dadku lacag u aruuriyaan markuu TV ka hadlayo? See dadkii saas ahaa loogu khasbayaa in tigidho muxaadaro ku galaan? Teeda kale qof tikidh lagu khasbay; see lacag deeq ah u bixinayaa? Meesha haddii beec yimaado; nin walba wixiisuu leeyahay? Marka waxaad mooddaa inuu iska xarrimayo lacag ka badan tan tigidka!
Runtii lacagta dadku dar Ilaahay u bixiyaan baa boqollaal jeer ka badan tan laga filayo in tikigidhada laga helo. Haddaan nahay Golaha Baraarugga Islaamka waxaan su’aalo weydiinaynnaa oo ka codsaneynnaa guddiga masaajidkaas inay ka noqdaan arrintaas oo cuntadooda keensadaan, dadkana ka iibsadaan laakiin arrinaas bidcadaha ah ee muxaadaraadka la iska iibinayo joojiyaan; dabadeedna dar Ilaahay dadka wax u weydiistaan!
Taasi waa dhaqanka guddiga masaajidka dhowaan la gaday! Xitaa dadka Ingiriisku ma aha dad dhaqankooda beddela! Marka guddiga masaajidka Risaala ma garan waayeen inay dhaqankii hore ee ahaa muxaadaro lacag la’aan ah iyo qado iib ah ku ekaadaan?

Hoolka Shirarka ee Islamic Cultural Centre ma aha meel aad u weyn ee maxaa Maxamed Idiris uu doontay?


Waxaa loo  maleynayaa maaddaama dadka deggen Waqooyiga London aqoon lacag masaajid lagu galo ama muxaadaro la iska gado, waxay ka baqeen in dadku oodda jabsado oo ay iskaga galaan masaajidka! Marka xaruntaas lagu qabanayo waxaa leh xukuma safaaradda Masar ee London iyo tan Sacuudiga. Waxaa jooga waardiyayaal!

Ma Wadaaddaa London  laga Waayey waa iyada Dadkii oo Gaajo u Dhimanya intaas oo Tigidh Diyaaradeed la Isticmaalayo?


Horta nimanka shirka London abaabulaya waa kuwii Minneapolis ka lahaa: ” we don’t care about Somalia”! Ma filayo inay dan ka leeyihiin dadka gaajada u bakhtinaya! Hadda wadaaddada Ingiirska imaanaya tigidhadooda keliyaa ka badan toban kun oo doolar! Iska daa waxa kale! Ma idin la tahay kalmadda C/Raxmaan sheekh Cumar ka sheegayo London in wax sheega la waayayo? Imisa sheekh ama heysta Ditooro jaamacad Islaami ah baa London joogta?
Cumar binu Khidaab (RC) markii abaartu jirtay iska daa xoolaha muslimiinta oo lagu ciyaaree waxuu naftiisa ka afqabtay xoolihiisii! Wadaaddadaanna dadkii oo gaajo u dhimanaya bay hantidii dadweynaha ku raacayaan diyaarado. Dhoodaan baa lahaa:
  • Dadkoo wajaqay oo gaajo wii leh,  walanqo yaa ruugay!

Qoladii Ilaahay halaagayo waxaa hor booda niman noocaas ah. Marka bal fisha xubnaha Golaha Baraarugga Islaamka oo makarafoonka la dhexqaada howl-wadeennadii hore ee xaruntaas iyo qaar ka mid ah guddiyadii hore.
Marka ma aha sheekada Maxamed Idiris ka keenay Minneapolis Convention Centre inuu noola yimaado! Wax la aqbali karo ma aha! Marka waxaan diyaarineynnaa barnaamidjo arrintaas laga sameynayo oon ku waraysaneynno ducaad badan oo ka mid ahaa guddiga masaajidka laakiin intii Maxamed Idiris faraha la soo galay ka maray bannaanka.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...