Thursday 14 July 2011

Wadaaddadii Absame oo Siyaasadda Zenawi ka Gadaya Jaaliyadda Absame ee Kenya


INTA MARADA WEYN KUU SOO HUWADO WELIYO KUU SHEEGTE!

Golaha Baraarugga Islaamka:- Horay baan u sheegnnay in Tigreegu qunsaliyad ka furatay Gaarisa. Sidoo kale waxaa jawaasiista Tigreegu falal argagixiso ah ka wadeen xeryaha qaxootiga Soomaalida ee ku yaal dhulka Kenya naga heysato. Waxaa lagu dilay niman dhowr ah oo ka soo jeeday ONLF. Mararka qaarkood waxay Tigreegu dilaan qolyaha ka soo horjeeda ONLF si ay iskugu dirto.
Horay baa Ibraahim-dheere iyo UWSLF u sheegeen inay ku biireen maamulka Tigreega! Micnuhu waa hadda laga bilaabo waxay metelaan siyaasadda Zenawi! Waxay ku socdaan waa tusaalayaasha Cadi Maxamuud Cumar (ina Iley)!
Saan ognnahay dadka Absamaha ee Kenya jooga qaar waa Sijuu oo waxay heystaan sharciga Kenya. Qaar waa ONLF. Qaar waa Soomaali. Qaarna waa taageerayaasha Ibraahim-dheere oo hadda Tigreega ku biiray! Yaa sheegi kara waxa Ibraahim-dheere dadkaas u wada sheegi karo?
Mar horaba Zenawi wuxuu ka shakiyey Ina Ileey kaddib markii Ina Iley codsaday tikniko uu kula dagaalo cidda ka hortimaadda! Zenawi iyo Tigreegi waxay dhaheen: waad naga dheereysay ee meel fariiso. Hadda Zenawi iyo Ina Ileey waxaa soo dhexgalay muran! Runtii ina Ileey wuxuu u qabtay Zenawi howl weyn oo waa ninka wadaaddadaas dadka diinta u akhrin jiray ka dhigay inay maanta u ol’oleynayaan Zenawi!
Waxaa dhici karta in Zenawi dhowaan ceyriyo ina Ileey oo keeno Shakuul ama Ibraahim-dheere. Teeda kale dowladda Kenya lafteedu kuma baruurugin in Zenawi rabo in Absame maalgashado dhulkuu Soomaali ka heysto oo sida Nairobi la geliiyo lacag badan!
Shirkaas waxaa fadhiyey niman waagii Itixaadku ka jihaadayeen Gedo taageersanaa oo guubaabadooda laga joogi waayey! Laakiin hadda waxay ku biireen dhibka Islaamka iyo Soomaali looga maleego Kenya! Soow ma aha Kenya meeshii C/Laahi Yuusuf iyo xildhibaannadii Doofaaray lagu dhisay? Soow ma aha meesha laga fulyo qorsha gaaladu kula dagaaleyso Islaamka. Haddaba wadaaddada Absame waxay ka qaateen qeybtooda! Hooska ka fiiri wadaaddada ka hadlay shirkaas, goob joognna ka ahaa magacyadooda iyo muuqooda iyagoo xaadiray dhismaha Madina Mall ee xaafadda Islii:
1-Sh. Ibraahim Maxamed Xuseen – Guddoomiyaha Ururka UWSLF
2- Sh. Maxamed Ibraahim Shakuul – Ganacsade
3- Sh. Maxamed Cali Tarar – Ganacsade
4- Sh. C/Caziiz Cajiib
5- Sh. Cabdi Mahad
Waxay sheegteen inay maamul u sameynayaan dadka Absame ee Kenya jooga? Oo goormaa dadka Absame wada noqday qolyaha Zenawi ku biiray?
Bal aan fiirinno dadka Zenawi u doortay jaaliyadda Kenya. Ogaada markaan leennahay Zenawi, micnuhu waa qofkii Ibraahim-dheere iyo Shakuul doorteen waa qof Zenawi doortay. Teeda kale wax la dhaho USWLF ma jirto. Waxay ku biireen Zenawi. Marka shacabka Absame ee Kenya jooga ha garteen qofkii taga shirarkaas ama ku biira inuu yahay qof  Zenawi ku biiray! Qof kasta saas ha ku galo ama hakaga joogo! Waxay doorteen nimankan hoose:
Guddiga fulinta ee Zenawi soo doortay ee jaaliyadda Absame u metelaya Kenya:
1. C/Raxmaan Axmed Cali                                    Guddoomiye
2. Maxamed Maxamuud Muxumed (Jacayl) Guddoomiye ku-xigeen
3. Axmed Sh. Cabdi                                                   Agaasime
4. Maxamed Faarax Qalaad                                     Xisaabiye
5. Maxamed C/Laahi (Ibnu Adam) Arrimaha  Bulshada
6. Maxmed Cabdi Maxamed (Bukhaari)              Hantidhowre
7. Muhsin Abdi Ibrahim                                             Saxaafadda
Bal aan araggno wadaaddada Zenawi metelaya halkay ku dambeeyaan! Maxay sameynayaan wadaaddadii Harti ee sheekh C/Qaadir Nuur Faarax horboodayey? Ma danaha Puntland bey iyaguna bilaabayaan ina ka shaqeeeyaan? Mise waxay la soo baxayaan kaarkooda Kablala?!
Weli wax war ah ma oran sheekh Umal iyo sheekh Shibli! Shaki ma leh in sheekh Shibl la dhacsan yahay ee maxaa aamusiyey Sheekh Umal? Ma raalli buu ka yahay in ummadda looga yimaado meeshuu joogay? Haddayba marayso in Zenawi shaqo galiyey wadaaddadii Absame ee ay isku xerta ahaayeen!  Soow sheekh Umal kuma jirin wadaaddadii u hambalyeeyey, bayaankana ku taageeray? WALLAAHI qorshaha guddigaas wadaaddada sheeganaya wataan waa qorshe Zenawi wato waayo waxay ku biireen Zenawi, mana jiro magac la yiraahdo Soomaali Galbeed oo dambe!
Murtad Shariif sheekh Axmed ma sheegan karaa inuu yahay gudoomiyaha fulinta ee Midowgii Maxkamadaha? Wuu ahaan jiray laakiin hadda madaxweyne ay Beesha Gaalada soo dooratay buu sheegtaa! Saasoo kale Ibraahim-dheere waa nin u shaqeeya Zenawi. Wuu ahaan jiray guddoomiya Soomaali Galbeed! Qofkii u qaba in Ibraahim-dheere weli guddoomiye yahay ama wax UWSLF jirto waa qof u qaba inuu jiro wax la yiraahdo Midowgii Maxkamadaha oo Shariif sheekh Axmed guddoomiye u yahay?
F.G. Horta sheekh Umal ha hadlo ama yuusan hadlin ee waxa Ibraahim-dheere wado waxay ka soo horjeeddaa danta dowladda Kenya. Marka madaxda Kenya iyo kuwa  Soomaalida Kenya baa ku khasban inay ka hadlaan. Mar horaba madaxda Kenya baa bilaabay inay dhahaan Islii haloo doorto xildhibaan Soomaaliyeed iyo iyagoo yiri: waxay ka shaqeynayaan nafaadda Islii oo lacag badan naga soo gasho. Marka waxay dareemeen sheekada Ibraahim-dheere ka wado Kenya. Waxaa dhici karta in Ibraahim-dheere lagu xiro Kenya ama laga ceyrsho!
Waraysigii Ibraahim Shirkii uu kenya ku qabtay Qaran Itoobiyaan nahay Iyo Hadal Sheekh Umal Horay U Yiri Dhagayso Halkaan Riix Ama Guji

Golaha Baraarugga Islaamka

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...