Wednesday 13 July 2011

Wasiir Ku Xigeenka Gudaha DKMG: Waxaan ka Digeynaa Mamul Goboleedyada Dibada lagu soo Dhisayo


Ibraahim Isaaq Yarow, Wasiir ku Xigeenka Arimaha Gudaha
Muqdisho (RBC) Wasiir ku xigeenka arimaha gudaha DKMG Soomaaliya Ibraahim Isaaq Yarow oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa digniin u diray maamul goboleedyda cusub ee lagu soo dhisayo wadamada dibada, isagoo sheegay in dawladu aysan aqoonsan doonin.
Wasiir ku xigeenka ayaa sheegay in aan loo dulqaadan karin maamulada sida xad ka baxa ah looga soo dhawaaqayo dibadaha kuwaasoo uu ku tilmaamay inay sharci tahay.
“Dawlada dhexe ayaa xaq u leh inay sameyso maamul goboleedyo, waxaana u sheegeynaa inay sharci darro yihiin kuwa hadda la soo dhisayo, dawladuna ma qoonsan doonto maamul goboleedyadaasi”, ayuu yiri wasiir ku xigeenka arimaha gudaha DKMG oo intaa ku daray inuu u digayo shakhsiyaad uu sheegay inay doonayaan inay dalka amnigiisa ay jahwareer geliyaan.
Wasiir ku xigeenka ayaa dhanka kale ugu baaqay dawladaha deriska, gaar ahaan Kenya inay joojiso oo aysan taageero siinin maamulada iyo dadka soo dhisaya isagoo sheegay inay ixtiraamaan dawladnimada Soomaaliya.
“In boqol maamul goboleed la soo dhiso oo nin kastaba uu xaafadiisa ku sheego dawlad goboleed waa wax aan sharci ahayn” ayuu yiri Ibraahim Yarow.
Hadalka wasiir ku xigeenka arimaha gudaha DKMG ayaa ku soo beegmay xilli dhowaan illaa 10  maamul goboleed looga soo dhawaaqay dibadaha kuwaasoo qaarkood ay wataan magacyo magaalooyin iyo tuulooyin, waxaana xusid mudan in dhamaan maamuladaasi aysan meelna ka talin.
RBC Radio
Xafiiska wararka Muqdisho

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...