Tuesday 23 August 2011

Mid Kamida Gacan yarayaashii Cabdullaahi Yuusuf oo laga dhigayo Wasiirka G/dhigga DKMG ah.



somalimemo.netWadamada Afrika ee gacanta ku haya talada kama dambeysta ah ee DKMG ah ayaa wado qorshe ay saaxada siyaasadda TFG looga saarayo wasiirada qurba joogta ah si lamid ah sidii xilalka wasiirada looga dheereeyay saraakiishii horay uga tirsanaa Maxaakimta Islaamka.

Dowladda Itoobiya ayaa badelaysa Ninka wasiirka Gaashaandhigga ugu magacaaban DKMG ah waxayna soo xuleysaa Nin iyada ajandayaasheeda fulin kara, mid kamida gacanyarayaashii Cabdullaahi Yuusuf ayaa dibadda looga yeeray wuxuuna dhawaan soo gaaray Muqdisho.


Yuusuf Bari-Bari ayaa dhawaan soo gaaray magaalada Muqdisho waxaana loo qalqaalinayaa qabashada xilka wasiirka gaashaandhigga.

Saraakiil ku sugan Villa Somaliya ayaa sheegaya in hanaanka 4.5 oo ay DKMG ah ku dhisantahay uusan xiligan suuragal ka dhigeyn in Bari Bari wasiirka Gaashaandhigga laga dhigo sidaasi darteedna beelaha Puntland laga wareejin doono mid kamida wasiirada ay hayaan.


Itoobiya iyo Faroole ayaa si aad ah ugu kalsoon Bari Bari waxayna doonayaan in uu xadido dhaq dhaqaaqyada Sharif Sheekh Axmed, shakhsiyaadka xilalka ka qabanaya DKMG ah waa in ay xulufo layihiin gaalada caalamka haddii kale wasiiro ma noqon doonaan.

Reer Muqdisho ayaa Yuusuf Bari Bari,Xuseen Xuubsireed iyo Cabdullaahi Yuusuf ku xusuusta xasuuqii ay xamar ka geysteen xiligii Itoobiya dalka qabsatay.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...