Tuesday 23 August 2011

M/Weyne Shariif Oo Iibsaday Dayuurad Qaas Ah (Dayaaradan Ayaa Laga Iibiyay Shirkadda KLM Ee Dalka Holland)



PDFPrintE-mail
Written by Administrator   
Thursday, 11 August 2011 13:22

Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif ayaa Shirkadda KLM ee laga leeyahay Dalka Holland ka iibsaday Dayuurad qaas ah oo la sheegay inuu ku soo iibsaday Malaayiin-Dollar

Diyaaraddan oo Magaca Soomaaliya lagu buufiyay Todobaad ka hor ayaa socdaalkii ugu horaysay gashay waxaana ay u duushay Magaalada Muqdisho  iyada oo Madaxweynaha ay gaysay dalka Jabuuti,Addis Ababa iyo Magaalada Khartuum Ee Dalka Suudan

Mid ka mida Wasiiradii Xukumada Farmaajo oo Magaciisa qariyay ayaa Shacabkamedia  u xaqiijiyay Diyaarada uu Iibsaday Madaxweynaha waxana ay u diiwaan gashantahay diyaaradan Shirkada duulimaadka Caalamiga ah samayso ee KLM.

Shirkada KLM waxa ay sanadihii 2009 iyo 2010 Kira ahaan uga qaadatay Madaxweyne Shariif oo Kaliya Lacag kor u dhaafaysa 3-Milyan oo Doolar oo Socdaalkii Madaxweynaha oo kaliya ku baxday taasi oo ka dhigan Qiimaha Saddex Diyaarad oo toos u shaqeysa 5-tii sano ay ku soo xareenkarto waana Faa’iidadii ugu badneed ee laga helay Madaxweynaha waxaana taasi sii dheer in Shariif Xasan uu xiriir iyo Kira diyaaradeed uu ka isticmaali isla shirkadaasi

Waxaa haatan xogta soo gaartay Website-ka Shacabkamedia ku cad in Diyuuradaasi yar laga Iibsaday Shirkadaasi waxaana ay gacanta u gashay oo Milkiyad gaar ah u noqotay Madaxweyne Shariif Safraaye wallow ay shaqaala ahaan hada ka shaqeeyaan Wiil Soomaali ah oo Madaxweynaha Ilma adeera yihiin  iyo Saddex qof oo Kenyan ah.

Ma cadda Qiimaha rasmiga ah ee diyaaradaasi laga soo bixiyay walow si aada ay warbaahintu ugu daba jirto iney ogaato Qiimaha rasmiga ah ee Diyaaradaasi lagu soo iibiyay, haddana waxaa iska muuqata in madaxweynuhu uu socdaal iyo tamashleyn isaga jiro halka kumanaan qof oo Soomaaliya ay macluul, gaajo iyo qaxaatinimo ay ku hayso

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...