Wednesday 17 August 2011

Raysal wasaare Prof. C/Wali Maxamed Cali oo Wareysi Siiyay RBC Radio (Dhagayso)


Share
Muqdisho (RBC Radio) Raysal wasaaraha Soomaaliya C/wali Maxamed Cali ayaa Wareysi gaar ah waxa uu siiyay warbaahinta RBC Radio.
Raysal wasaaraha ayaa waxa uu ka hadlay arimo badan oo ay qayb ka ahayd amaanka abaaraha dagaalada iyo arimo kale.
C/wali Maxamed Cali ayaa sheegay in dowlada KMG Soomaaliya ay wax weyn ka qabatay xaalada Abaaraha ka jira wadanka Soomaaliya, isla markaana dowlada ay gurmad u samaysay dadka ku soo barakacay magaalada Muqdisho.
Sidoo kale Raysal wasaaraha Soomaaliya ayaa waxa uu sheegay in dowlada KMG Soomaaliya ay sugtaya amaanka goobaha ay daganyihiin dadka Barakayaasha ah.
Raysal wasaaraha Dowlada KMG Soomaaliya Pro. C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa waxa uu ka hadlay ka bixitaankii Al-Shabaab ee magaalada Muqdisho.
Waxa uu sheegay Raysal wasaaraha in ciidamada dowlada KMG Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay si awood ah kaga saareen magaalada Muqdisho Ururka Al-Shabaab.
Waxa uu tilmaamay in dowlada KMG Soomaaliya ay marka hore si weyn usugi doonto amaanka magaalada Muqdisho isla markaana dowlada ay samaysay ciidamo gaar ah oo amaanka suga.
Sidoo kale waxa uu sheegay Raysal wasaaraha in dowladiisa ay ka shaqaynayso sidii dadkii ka barakacay magaalada Muqdisho ay haatan guryahooda dib ugu soolaabtaan.
C/wali Maxamed Cali ayaa waxa uu ka hadlay qorshaha gobalada dalka ee xukuumada KMG Soomaaliya waxa uu sheegay in xukuumada ay qorsheenayso in ay dhamaanba la wareegto gobalada dalka isla markaan laga saaro ururka Al-Shabaab.
Rayasal wasaare mudane C/wali Maxamed Cali waxa uu sidoo kale uu ka hadlay arinta Suuqyada magaalada Muqdisho sida Suuqa Bakaaraha iyo Suuqa labaad ee Muqdisho ee Suuq Bacaad.
Waxa uuna tilmaamay in dowlada KMG Soomaaliya ay si weyn u sugeyso suuqyada Muqdisho isla markaana dhowaan si rasmi ah loo furi doono suuqyadaasi.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...