Wednesday 17 August 2011

Shirka Ahlusuna ee Cabudwaaq oo uu khilaaf hareeyay


Share
Cabudwaaq (RBC Radio):- Sida ay ku soo waramayaan dad xog ogaal ah oo ku sugan degmada Cabudwaaq ee gobolka Galguduud waxaa khilaaf iyo muran uu hareeyay shirka Culimaa’udiinka Ahlusuna uga soconaya magaalada Cabudwaaq.
Dhamaan dhinacyada Ahlusuna ee ka qeybgalaya shirweynaha Ahlusuna uga soconaya magaalada Cabudwaaq ayaa waxaa la sheegay in uu soo kala dhex galay khilaaf sababay kala aragti duwanaansho dhinaca dhismaha Golle guud oo ay yeeshaan Culimada Ahlusuna.
Kala aragti duwanaanshaha oo maalmahanba soo jiitamayay ayaa si rasmi ah haatan u soo shaac baxay mana jirto ilaa iyo iminka xal laga gaaray arintaas, maadaama la doonayo in la dhise Golle guud oo ay leeyihiin Ahlusuna Waljameeca, Gollahaasi oo ay doonayaan dhinac walba in uu ka dhex muuqdo.
Waxaa haatan jira Guddiyo arintaasi loo xilsaaray in ay soo dhameeyaan kuwaasi oo bilaabay shaqadooda, waxaana la filayaa haddii laga gudbo caqabadani in laguda geli doono in Ahlusuna loo sameeyo hoggaan guud iyadoo sidoo kalena la dhisi doono hoggaamo kale oo ka sii hooseeya hoggaanka guud.
RBC Radio.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...