Muuqaalada oo ah kuwo horu dhac u noqon doona muuqaalo aan dhowaan idin kaga soo qaadnay magaalada Muqdisho, sida goobihii taariikhiga ahaa, xaafadaha iyo degmooyinka Gobolka Banaadir.
Hadaba anagoo ogsoon inaad dib u milicsan doontaan muuqaaladan aan idin kaga soo qaadnay qeybo ka mid ah magaalada, ayaa hadana dad badan ay dib u soo xusuusan doonaan.
Masaajidka Baafadal ee degmada Shibis
Dhismaha Bar Fiat oo la doonayay in Hotel laga dhiso, dagaaladana si xun ugu bur buray
Dhismaha Hotelka Banaadir oo ay ku tiil Radio Banaadir
Muuqaalka Ex Xaruntii Baarlamaanka oo bur bur lixaad leh uu ka muuqdo
Halka lagu iibin jiray Xalwada Bay iyo Bakool ee Xaafada Nasiib-buunde oo aad looga jeclaa xalwada
Gaari BL ah ka raranaya agagaarka Sartii Sanca, una raranaya Bakaaraha
Gaari kale oo Sanca uga soo raranaya dhanka wadada soo aada Beexaani iyo Nasiib-buunde
Isgoyska Boondheere oo fariisin u aheyd AMISOM, wadada ku toosan ee daljirka Dahsoon
Studio Ceyni ee filimaanta laga kireysan jiray Xaafada Nasiib-Buunde
Dhismaha Daarta Telecom ee Xaafada Shibis
Wadada hor marta Mowlaca Sheekh Muxidiin Celi ee aada dhanka Sanca
Taaladii Daljirka Dahsoon
Dhismaha Jamiil Internet oo aheyd halka ugu caansaneyd Internet-yada Shibis, marna xarun u aheyd Idaacadi Somaliweyn
Wadada Beexaani Daar ay degenaayeen Xalwadaha qaar
Dhismo ku dhegan Hotelkii Global kana soo horjeeda Shineemo Xadar-muut
Dhismo dhowaan la dayactiray, oo ku yaal Maka Al-Mukarama, goobo ganacsi laga furay
Dhismo ku bur buray dagaalada agagaarka Isgoyska Maana-Booliyo
Gaari BL oo maraya Wadada Nasiib-buunde dhanka Isgoyska Maana-booliyo
Wadada aada dhinaca Garaash-geedoole ee dhanka Beexaani ka tagta
Gaari BL hor maraya Ex Xaruntii hore ee Baarlamaanka
Dhismaha Gurigii Shaqaalaha Wadada Maka Al-Mukarama oo fariisin u aheyd AMISOM
Muuqaalka Guriga Umada oo hada xarun u ah Baarlamaanka Soomaaliya
Hotelka Global oo si xun dagaalada ugu bur buray, kana mid ahaa Hoteladii caanka ee Muqdisho 10-ki sano u dambeeyay
Dhismaha Hotelkii Banaadir
Dhismaha Gurigii Hooyooyinka oo hada la degan yahay
Dhismaha Xaruntii Xiriirka K/cagta Soomaaliyed oo Gaadiid BL hor maraya, agagaarka Ajibka Beexaani
Wadada dhinaca Sanca ka timaada, Isgoyska Nasiib-buunde ilaa Beexaani toos u tagta
Bartamaha Isgoyska KM4 oo mashquul ah, Gaadiid BL ka raranaya iyo Taraafiko kala hagaya gaadiidka
Dadweyne ka yimid Bakaaraha ee dhinaca dalcada Sayidka soo socda
Wadada Maka Al-Mukarama oo iminka ah wadada ugu isticmaalka badan Muqdisho
Dhismo ay deganeyd Idaacadii Sahan ee hor marta Wadada Markalyooni
Xaruntii Nabadsugida ee Gurigii Habar Khadiijo
Wadada Nasiib-buunde oo goobo ganacsi ku yaalay dib loo dayactiray
Sartii Beexaani oo wali sideeda u taagan in ku dhow hal qarni dhisan
Wadada Seylaani ee hor marta dhismaha Hotel Global
Dhismaha Shineemo Xadar-muut
Bartamaha Isgoyska Sanca, wadada aada dhinaca SII SII iyo Fagax
Taaladii SYL oo la dayactiray, jardiino loo sameeyay
Taaladii Dhagaxtuur
Taangigii u horeeyay AMISOM looga gubay dagalada oo qolfofkisa yaala agagaarka Gaadiidka Booliska
Taaladii Sayidka Gaari Mark II iyo dameer hor maraya
Wadada hor marta agagaarka Shineemo Ecuador, KM4 ka baxda ee tagta Tarabuunka
Wadada Dabka ee aada Isgoyska Bakaaraha oo dhowaan dib loo furay
No comments:
Post a Comment