Wednesday 14 September 2011

Garsoore Maxkamadeed Oo Maanta Lagu Dilay Boosaso


Share
Boosaso ( RBC Radio) Mid ka mid ah garsoorayaasha maxkamada racfaanka magalada boosaso ayaa maanta lagu dilay gudaha boosaso,waxaana marxuumka oo lagu magacaabi jiray C/naasir Xaaji Aadan dilkiisa fuliyay nin baskolad ku hubeysan.
Wararka ayaa sheegaya in marxmuuka iyo xubno kale oo ka tirsan maxkadama darajada koowaad ee gobolka bari ay ka soo baxeen maxkamada ka dib markii ay soo dhameysteen howlahooda shaqo,intaasi ka dibna banaanka maxkada dilka uu ka dhacay.
Ciidamda ilaalada maxkamada ayaa ku guuleystay in ay qabtaan qofka dilka geystay waxaana haatan lagu haya xabsiga magalada boosaso,wararka ka soo baxay laamaha maxkamada ayaa sheegay in ay gacan ku dhiiglaha soo saari doonan maxkamada dhawaan.
ma cadda sababta keentay dilkani,balse waxaa uu qayb ka yahay dilal noocan ah oo marar kala duwan lagu fuliyay dadka waxgaradka iyo maamulka ka tirsan oo lagu dilay boosaso xiliyo kala duwan.
RBC Radio

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...