Saturday 3 September 2011

Gudoomiyihii Gobolka Awdal Oo Xilkii Iska Casilay


Share
Boorame ( RBC Radio) Warar aan haatan ka heleyno Magalada Boorama ayaa sheegaya in uu xilkii gudoomiyaha gobolka Awdal iska casilay Gudoomiyihii gobolkaasi Xasan Daahir Xadi.
Gudoomiyaha oo ku sugan dalka Canada ayaa saxaafada waxaa uu sheegay in uu xilkaasi laga bilaabo maanta oo Sabti ah iska casilay,waxaana uu intaasi ku daray in uu ku faraxsan yahay ka tagista maamulka gobolka Awdal.
Sidoo kale gudoomiyaha iscasilay ayaa waxaa uu sheegay in aanu jirin wax qilaaf ah oo kala dhexgalay Madaxda Sare ee somaliland oo ku Aadan Arimaha maamulka.
Waxaana uu mahad u celiyay shacabka ku dhaqan Boorame iyo sidoo kale dhamaan gobolada Somaliland oo sheegay in ay wax badan kala shaqeeyen intii maamulka hayay.
Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxmed Siilaanyo ayaa masuulkan magacabaay Muddo 4 Bilood ka hor,isagoona wax badan ka qabtay Arimaha Maamulka Gobolkaasi.
Iscasilaada ayaa ku soo beegmeysa xili dhawaan Boorama uu tagay wasiirka warfafinta Somaaliland Maxmed Cabdi Xabsade oo dadka ku dhaqan gobolkaasi kala hadlay arimaha Amniga iyo Horumarinta.
RBC Radio

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...