Friday 16 September 2011

Kooxda Al-Shabaab oo Tacadi aan Hore loo Arkin Maanta ka Geystay Tuulo ka tirsan Shabeelaha Dhexe

Share
Jowhar (RBC) Ciidamo ka tirsan Kooxda Al-Shabaab ayaa maanta fal tacadi ah oo aan hore loo arkin ka geystay deegaan lagu magacaabo Cali Fooldheere oo dhanka waqooyi bari kaga beegan degmada Mahadaay ee gobolka Shabeelaha Dhexe halkaasi oo ay saaka waabarigii weerar ku qaadeen.
Maleeshiyaadka Al-Shabaab ayaa ka dib hawlgal baaris ah oo ay saaka ka sameeyeen deegaanka Cali Fooldheere waxay ku soo qafaasheen 3 wiil oo dhalinyaro ah kuwaasoo ka mid ahaa dadka deegaankaasi ku nool oo xilligaasi ku sugnaa guryahooda, Waxayna wararku sheegayaan in saddexda dhalinyarada ay Shabaabku u soo kexeeyeen dhanka degmada Mahadaay halkaaasoo labo ka mid ah dhalinyaradii ay ku dileen.
Waxaase yaab leh in maleeshiyada Al-Shabaab ay baabuur ku jiideen labadii ruux ee meydka ahaa iyagoo waday inta u dhexeysa Mahadaay iyo tuulada Cali Fooldheere oo isu jira qiyaastii 20 KM taasoo dadka deegaanka ay aad ula yaabeen.
In Shabaabku ay meydad dad Soomaaliyeed baabuur ku jiidaan iyagoo aan la garan karin sababta ay u sidaasi u sameeyeen iyo waxa dadkaasi dhalinyarada ahaa loo dilay.
Ninkii saddexaad ee ay saaka Shabaabku ka soo qafaaleen degaanka Cali Fooldheere ayaa la sheegayaa in weli ay gacanta ku hayaan.
Dhanka kale waxaa maanta bandow lagu soo rogay degmooyinka Mahadaay iyo Jowhar kadib markii Shabaabku ka baqeen in dadka deegaanka oo ka careysan falalka tacadiga ah ee ay geysteen ay kacdoon ku sameeyaan. Waxaana maanta gebi ahaan hawada laga saaray isgaarsiintii ka shaqeyn jirtay gobolka Shabeelaha Dhexe guud ahaantiis.
RBC Radio

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...