Monday 5 September 2011

Maqaal: Xasuuqii dhicisoobay


Share
Xasuuqii dhicisoobay: Tii Alle iyo Faroole oo iskhilaaftay
Ahmed ‘Girdho’ Aden
A.Girdho@hotmail.com
Horaan baa waxaa caasimada Garowe si xushmad iyo qadarin leh loogu soo dhaweeyey madaxweynaha Galmudug Caaliin. Shirkaas oo korka heshiis nabadeed iyo saansaan walaaltinimo ka muuqato baa waxaa hoos tiilay mu’amarad weyn oo Faroole&PISta mudo ka guuxeysay oo dhinacyo badan leh oo hadba geeskii loo rogaa u fiicnaa. Mid waxay aheyd sidii beesha Galmudug looga saari lahaa qowl iyo ficilba dagaal beeleed ay Faroole & PISta  u dajiyeen waqooyiga Galkacyo. Markaas Faroole&PISta  waxaa u dagaan nidaam ah in beelaha waqooyiga Galkacyo la isku hub siiyo oo colaad khuldi iyo maguurta ah la dhex dhigo. Beelaha waqooyiga Galkacyo waa umad wiligeed isir iyo ood wadaag ahaa, xiriir hoose iyo mid daneedba alla dhex dhigay. Xiriirkas qadiimiga ah baa lagu xalin jiray wixii dhib ah oo labada beelood kala gaara ayada oo odayaasha iyo nabadoona hadba meeshii wax ka dhacaan xal kama danbeys ku gunadi jireen. Dagaal beeleedkaas baa Faroole islahaa kursigaaga ku ilaalso, PIS-tuna ay daneyneyso in wixii gar leh oo aan u dhalan Puntland loo iibgeeyo suuqa ‘argagixisada’ ee eeraboorka Galkacyo iyo Garoowe ka furan oo Ethiopian-ka iyo American-ka un ka adeegtaan. PISta oo badashay warlordii Xamar laga saaray ayaa bilaabay mashruucii ka dhamaaday koonfurta oo dad masaakiin ah oo malcaamadaha iyo meelaha shifooyinka maalin cad xoog iyo qori caaradiis ku jiitaan. Qaarna wadada bey ku leyn jireen ayaga oo dhaha dagaal baan ku dilnay, qaar xubnaha bey kala bixi jireen, qaarna waa shaqshaqi jireen, ka nasiibka darana waa mid asaga oo bad qaba in dadyow kale loo dhiibo oo meel uu cirib iyo jaan dhigay la garaneyn.
Dad ganacsato ah oo reer Mudugna oo islahaa fursadaan uga faa’ideysta in ganacsiga xowliga ku socda iyo dhaqdhaqaaqan ka jira Garsoor ku damiya beebayaal Boosaaso iyo Garowe laga keenay baa ayaguna jiray. Ayagu waxay ka cabsi qabeen oo amineen howlaha ganacsi oo baaxada leh in ay lid ku tahay quwadooda iyo mustaqbalka gobolka.  Arintaan xasadka iyo naceybka ku dhisan waxaa la rabay in looga sal gaaro isticmaalka ‘kaarka argagixisada.’ Macniyan dagaalkii argagixisadu waxa uu ku saleysan yahay in yool siyaasadeed lagu gaaro ayada oo la isticmaalayo aalado takhwiif watarhiib sida walxaha qarxa ama leynta shicib aan siyaasad iyo dhib geysan. Shicib Garsoor ab iyo isirna loogama baran in ay siyaasad risqi ka raadiyaan iska daa in ay qori caaradiis ku raadiyaane. Hadii sifadaana ‘argagixisadu’ si fiican loo dheehdo waxaa ay ku soo laabaneysaa isla dadka magacaan ku rabay gunad in ay uga helaan wadama shisheeye ayaga oo dano gaar ah ka wata. Waxay xasuuqeen maato oo guryahooda ku jira oo ciyaalkooda caano afka ugu hayo. Waxay isticmaaliin hub casri ah, waxay geysteen burbur baahsan, inta ku dhimatayna ilaa hadeer tirintoodu waa socotaa.  Faroole&PISta  waxay isku heleen lacag iyo siyaasado guracan oo ayaga qaas u ahaa. Qofkii si aad u baaro inta meel uu Faroole&PISta u adeegsadeen ‘kaarka argagaxisada’ in ay ku taxaluqdo dano gaar iyo qabiilo gooni ah sida dhul kheyraad ah, meel strategy-ah, dhul lawada dego, iwx.
Faraqa PISta Galkacyo
Madaxweyne Caalin
Maalintaa Madaxweyne Caalin loo yeeray Faroole & PISta qorshahoodu waa daganaa laakiinse dadkii Galkacyo faja’ bey ku noqotay oo banaanbax weyn baa ka dhacay magaalada maadaama shicibka iyo odayaasha aan lagala tashan heshiiskaas. Faroole & PISta  yoolkoodu wuxuu ahaa sidii ‘kaarka argagixisada’ loogu xalaalsan lahaa deegaanka, ganacsiga, maaliyada, iyo hantida beesha Leelkase ee xaafada Garsoor.
Si arintaa guracan loo dhaqan galiyo baa Faroole&PISta  faraq dadyow iyo masuuliyeen mu’amarada guracan oo ka soo fula madaxtooyada ka furtay Galkacyo. Faraqaasna waxa uu bilaabay daandaansi qayaxan oo beelaha Mudug la iskugu diro. Faraqaas baa wuxuu si qiyaasan u beegsan jiray dadka magaca iyo sumcada u saaxiibka oo labada beel ka dhashay. Faraqa Galkacyo baa u xilsaarnaa xulashada dadka la laayo iyo maaliyada ku baxeysa ayada oo qofba qadarkiisa in le’eg lacag lagu qaato. Dilka waxaa fulin jiray dad meelo kale ka yimid si hadii camalka lagu qabto ama ku dhintaan aysan qabiil u yeelan. Faroole & PISta sharkii ay la damacsanaayeen Mudug wuxuu fulay hal maalin. Faraqa PISta Galkacyo baa nin wadaad, miskiin, hadana wanaag caan ku ah magaalada hadii ay kala baxeen dilay. Wiliba waxay u dileen si ka baxsan Islaanimada iyo Soomaalinamada. In qof dhintay la shaqshaqo oo suuradiisa la qayiro bacdal mowt waa arin foolxumo iyo xasad ku dheehantahay. Markaas baa dadkii wadaadka ka dhashay ayaga oo caro dhakada ka lulato nin kale oo ganacsade caan ah oo markaas waxna galabsan aano qabiil u dilay. Arintaas baa dagaal cad oo qabaliya isku badashay. Ilaahay tiisa baa qaalib ahe Faroole&PISta  say rabeen noqon weysey.
SII AKHRI

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...