Tuesday 6 September 2011

Waxgaradka Soomaaliyeed oo Waxkama jiraan ku tilmaamay shirka AMISOM iyo xulufadeeda Muqdisho uga socda.


somalimemo.netWaxgaradka Soomaaliyeed ayaa niyad xumo ka muujiyay shir magac u yeel ah oo Q.Midoobe iyo Hogaamiyaal dabadhilifyo Soomaali ah uga socda magaalada Muqdisho kaasi oo loogu magac daray shirka wadatashiga Soomaaliyeed.

Aqoonyahanada iyo Odayaasha dhaqanka magaalada Muqdisho ayaa sheegay in shirka xerada Xalane uga socda AMISOM,Q.Midoobe iyo maamul goboleedyada uusan aheyn mid dan u ah Soomaalida balse uu yahay shirqool ka dhan ah ku dhaqanka shareecada Islaamka ee wilaayaatka dalka Soomaaliya ka hanaqaaday.

Sheekh Axmed Cali Gees oo kamid ah culimada Muqdisho ayaa sheegay in shirkaasi uu keeni karo in ay qoorta islagalaan hogaamiyaasha DKMG ah oo uu Murtadiin ku sifeeyay wuxuuna si gaar ah u eedeeyay labada Shariif iyo Mahiga oo leh maskaxda shirarka lagu shirqoolo shacabka Soomaaliyeed.

Diidmadan katimid waxgaradka iyo bulshada qeybaheeda kala duwan ayaa kusoo aadaya xilli maalintii 3-aad uu Xalane shir uga socdo Q.Midoobe,Maamul goboleedyada iyo DKMG ah shirkaasi oo ciwaan looga dhigay shirka wadatashiga Soomaaliya.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...