Thursday 8 September 2011

Xog Ururin Dhibaatadii ka Dhacday Xaafada Garsoor ee Magaalada Gaalkacyo (Warbixin)


Share

Waxaa soo baxaya faahfaahino dheeraad ah oo ku saabsan khasaarihii ka dhashay dagaalkii labada maalin [1-dii illaa 2-dii September] ka socday xaafada Garsoor ee waqooyiga magaalada Gaalkacyo kaasoo ahaa weerar ciidanka Puntland ay ku qaadeen xaafadaasi.
Haddaba waxaan halkan ku soo gudbineynaa xog ururintii ugu horaysay ee ay shabakada Raxanreeb.com ka sameyso inta ay la eg tahay dhibaatada dhacday, anagoo xiriiro kala duwan la sameynay dadka ay khuseyso arintan isla markaana booqanay meelihii ay dhibaatadu ka dhacday ee waqooyiga Gaalkacyo.
Khasaaraha dhimasho iyo dhaawac
Illaa hadda dadka dhintay ee rayidka ah waxay gaarayaan 68 ruux kuwaasoo isugu jira haween, rag iyo xitaa carruur yar yar oo qaarkood madaafiic ku dhacday intii uu socday dagaalkii labada maalin ka socday Garsoor iyo qaar dhaawac ahaa oo markii dambe u geeriyooday dhaawacyada.
Tirada dhaawacyada ayaa sidoo kale waay dhan yihiin 153 ruux (sida aaan ka helnay isbitaalo kala duwan oo ku yaalla Gaalkacyo, Galdogob, Nairobi iyo Muqdisho).   Dadka dhaawacyada waxay isugu jiraan kuwo culus iyo kuwo xaaladooda fududahay.
Dhaawacyada qaarkood waxaa loo qaaay isbitaalo ku yaalla Muqdisho (24 dhaawac ah ayaa la geeyey), Galdogob (54 ruux ayaa lagu daweynayaa), Nairobi (21 ruux ayaa loo qaaday).  Waxaa intaa dheer in dhaawacyo kale ay weli ku sugan yihiin magaalada Gaalkacyo waxaana lagu daweynayaa farmashiyaal iyo guryaha ka dib markii uu xirmay isbitaalka Koonfurta Gaalkacyo (Baraxley) oo ahayd meesha dadka ugu badan lagu hayey.
Waxaa sidoo kale xusid mudan in isbitaalka Al-Xayaat oo ahaa isbitaal gaar loo leeyahay kuna yaallay xaafada Garsoor ay ciidamada Puntland burburiyeen kana qaateen qalabkii yaallay taasoo keentay in adeegii caafimaad ee isbitaalkaasi uu geysan kari lahaa la waayo.  Isbitaalka Al-Xayaat waxaa ka hawlgeli jiray 3 dhakhtar oo qeybaha kala duwan qaabilsan.
Sidoo kale isbitaalka weyn ee Gaalkacyo ayaa saameyn ay ku yeesheen dagaalada, iyo cabsi dhanka amniga darteed waxaa suuragali weysay in la geeyo dhaawacyada rayidka.
Burburka soo gaaray dhismayaasha iyo goobaha ganacsiga
Marka laga tago Khasaaraha moral iyo midka nafseed ee ka dhashay dagaalada labada maalin ka socday xaafada Garsoor, waxaa sidoo kale jira burbur hantiyeed oo soo gaaray deegaanka iyo dhismayaasha.
1-     Waxaa la boobay isbitaalkii Al-Xayaat oo ka mid ahaa xarumaha caafimaad eek u yaallay xaafada Garsoor. Isbitaalka waxaa laga qaatay wax kasta oo agab ahaa ee yaallay. Waxaa sidoo kale madaafiicdii ay ridayeen ciidamada Puntland ay dumisay dhismaha isbitaalka qeybo ka mid ah.
2-     Waxaa ciidamada Puntland sidoo kale boobeen hotel Kaah oo ka mid ahaa gobaha ganacsi eek u yaallay xaafada Garsoor. Hotelka waxaa laga qaatay qalabkii uu ku shaqeyn jiray oo dhan, waxaana waxyeelo soo gaartay dhismahiisa.
3-     Sidoo kale hotelka City Centre oo ka mid ahaa hotelada magaalada ayaa khasaare weyn ka soo gaaray dagaalka.
4-     Marka laga tago hotelada waxaa jira guryo deegaan oo madaafiic lala dhacay. Inkastoo aan laga sameyn tirakoob haddana waxaa la sheegayaa inay ku dhow yihiin illaa 40 guri.SII AKHRI

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...