Wednesday 5 October 2011

Guulwade Tarzan oo Safiir lagu abaalmarinayo iyo M/weyne Shariif oo shaqadii Wasaarada Arimaha Dibada la wareegay)

PDF Print E-mail
Written by Administrator   
Wednesday, 05 October 2011 12:03

ila wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa sheegaya in guddoomiyaha gobolka Banaadir Guulwade Tarzan ayaa lagu wado in maalmaha soo socda loo caleema saaro safiirnimada wadanka Turkiga, iyadoo xilkiisana gobolka loo magacaabi doono masuul cusub oo Qurba joog ah, magacaabista GuulwadeTarzan ayaa kala fogaansho ka dhex dhalisay mudanayaasha baarlamaanka iyo madaxweynaha maadama ay jireen warqado badan oo ay isweydaarsadeen madaxweynaha iyo baarlamaanka taasoo ay ku qornaayeen ilaa iyo dhowr masuuliyiin oo iyagu la doonaayay in loo magacaabo safaaradda dowladda soomaaliya ee Turkiga hayeeshe ismaan-dhaaf uu ka dhashay

Xaflad Ballaaran oo dhawaan ka dhacday Xarunta Gobolka Banaadir kana qeyb-galay madaxweynaha jamhuuriyada soomaaliya waxa ayna wararka sheegayan in xafladaasi ay ahayd mid uu madaxweyne Shariif taageero ugu muujinaayay Guddoomiyaha gobolka Banaadir Guulwade Tarzan iyada oo ay daawanaayen dadkii joogay goobta ay xaflada ka dhaceysay madaxweynaha iyo tarzan oo si wada jir ah Shirib isla tumanaayay taasina ay qal-qal galisay mudanayaasha u hanqal taagaayay magacaabida safaaradda soomaalida turkiga

Ugu danbeyntii Macada ilaa iyo iminka goorta safiirnimada sirasmi ah loogu magacaabi doono Tarzan safaarada turkiga walow la filaayo in uu caqabado badan kala kulmi doono xiliga isbedelka labada maamul ee gobolka banaadir

Shacabkamedia:Runta-Kama-Xishoono

 

Email: Shacabkamedia@live.com

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...