Friday 7 October 2011

Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya oo la kulmay Madaxweynaha Deegaanka Soomaalida Ethiopia iyo mas'uuliyiin kale + Sawiro


Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya oo ku sugan magaalada Addis Ababa ayaa waxaa casho sharaf u sameeyey Wasiiro ka tirsan Dowladda Federaalka Ethiopia, Xildhibaan ka tirsan Federaalka, Madaxweynaha Deegaanka Soomaalida Ethiopia, Ku xigeenkiisa, ganacsato soomaaliyeed iyo diplomaasiyiin.
Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Prof Abdiweli Mohamed Ali oo ka hadlayey munaasabadda cashada ayaa aad uga mahadceliyey Wasiirka Ganacisga Dowladda Ethiopia, Wasiiru Dowlayaasha Maaliyadda iyo Arrimaha Bulshada iyo Dalxiiska, xildhibaan Gorfaa Gaarane, Madaxweynaha Deegaanka Soomaalida Ethiopia, Ku-xigeenkiisa iyo ganacsatada Soomaaliyeed sida quruxda badan ee ay ugu soo dhoweeyeen Addis Ababa iyo casho sharafta ay u sameeyeen. Waa mas'uulkii ugu horreeyey ee Dowladda Soomaaliya oo la kulma Wasiirada Soomaalida ee Ethiopia, Xildhibaanada iyo Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa ee Dowladda Soomaalida ee Dalka Ethiopia.
Kulankan casho sharafta ayaa waxaa ka hadlay Wasiirka Ganacsiga Dowladda Federalka Ethiopia Abdirahman Gurey, Madaxweynaha Dowladda Deegaanka Soomaalida Abdi Mohamud Omar, ganacsade Soomaaliyeed. Ugu danbeyntii xafladda cashada waxaa lagu sharfay Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya oo soo gabogabeeyey. Ra'iisul Wasaaraha waxuu u ballanqaaday Dowladda Federaalka iyo Dowladda Deegaanka Soomalida inay ka wada shaqeeyaan sidii geeska Afrika u noqon lahaa goob nabad ah oo ganacsiga iyo dhaqaalahaba loo wada horumarin lahaa. Sidoo kale xafladdan waxaa goob joog ka ahaa Safiirada labada Dal ee Soomaaliya iyo Ethiopia, Saciid iyo Abdiaziz.


--
Abdirahman Omar Osman (Eng. Yarisow)
Senior Advisor to the Prime Minister of Somalia
& Spokesperson of the Government
Tel: +252615479911 or +252699998854

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...