Qaraxa ayaa ahaa miino la doonayey in goob u dhow kawaanka lagu qariyo balse qaraxday, waxaana dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ay yihiin dadkii ku sugnaa kawaanka oo isugu jiray dad ka shaqeeya kawaanka iyo kuwo meesha u tagay inay wax soo iibsadaan.
Qaraxa oo aad u weynaa ayaa abaare 4:tii galabnimo laga maqlay deegaano badan oo u dhowaa kawaanka.
Dhaawacyada ayaa loo daad gureeyey isbitaalka ciidamada Amisom ay ku leeyihiin xerada Xalane ee duleedka Muqdisho.
Ciidamo ka tirsan kuwa maamulka degmada Wadajir ayaa iyaguna gaaray goobta, walow aaney jirin cid loo qabtay qaraxan.
Goobta uu kawaanka ku yaallo ayaa waxaa marta wado tagta xerada Jaziira ee ciidamada DKMG lagu tababaro, waxaana loo maleynayaa in bartil maameedka qaraxa uu ahaa wadadaasi.
Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay dhanka DKMG iyo saraakiisha amniga ee maamulka degmada Wadajir.
RBC Radio
No comments:
Post a Comment