Saturday 24 December 2011

DEG DEG: Shirkii Wadatashiga Heerka Qaran Oo Garoowe Lagu Soo Gabagabeeyey

DEG DEG: Shirkii Wadatashiga Heerka Qaran Oo Garoowe Lagu Soo Gabagabeeyey

Share
Ergadii Shirka Wadatashiga heerka Qaran
Garoowe[RBC Radio] Shirkii Wadatashiga ee arrimaha Soomaaliya looga hadlaayey kana socday xarunta Jaamacada PSU ayaa  si rasmi ah daqiiqado ka hor lagu soo gabagabeeyey magaalada Garoowe ee caasimada Puntland,kaas oo muddo afar cisho ah qaatay.
Madaxda sar sare ee Dawladda KMG ah, Puntland,Gal-mudug iyo Ahlusuna Waljameeca ayaa qalanka ku duugay heshiiska Qodobadii kasoo baxay Shirka Wadatashiga,waxaana  ugu muhiimsanaa:
In Baarlamaanka laga dhigo 225-Xildhibaan.
In Baarlamaanka lagu soo doorto 4-ta sano ee soo socota qaabka 4.5 ka.
In qaacidada ama qaabka 4.5 ka ay sii shaqeeyso 4 ta sano ee soo socoto.
In Dastuurka ay ansixiyaan Ergooyin ka kooban ilaa 1000-ergo.
In maamulada ay soo xushtaan ergooyinka iyada oo wax ay ka weydiinayaan Qabaa’iladooda ama wax garadkooda  &  Deegaanada aan maamul ka jirin in Qabaa’iladooda ay u soo doortaan cidii matali laheyd.
Ilaa iminka Warbaahinta looma qeybin Qodobada heshiiska oo dhamaystiran taas oo dulmar kooban lagu sameeyey ,Madaxdii ka hadashay gabagabadii Shirka sida Madaxda sar sare ee DKMG ah
Madaxweyne Shariif Shiikh Axmed iyo Madaxweynaha Puntland Cabdirixmaan Faroole ayaa ku tilmaamay Shirka mid kusoo dhamaaday Guul isla markaana is afgarad laga gaaray Qodobadii la isku hayey.
Madaxweynaha Dawladda Puntland Cabdirixmaan Faroole ayaa sheegay in Puntland marnaba aysan doonayn nidaamka 4.5 kaas oo ah Xaaraan,waxaana uu sheegay in tanaasul uu sameeyey.
Madaxweyne Faroole ayaa sidoo kale ka dhawaajiyey in nidaamka 4.5 lagu dhaqmayo 4-sano oo kaliya lagana guurayo wixii wakhtigaas ka danbeeya isagoona xusay in uu ka raali-gelinato nidaamka dadka ku dulman.
Madaxweynaha Dawladda KMG ah Shariif Shiikh Axmed oo isna khudbad dhinacyo badan taabaneysa ka jeediyey ayaa uga mahadceliyey Dawladda Puntland,Ciidankeeda iyo Shacabkeeda sida ay usoo abaabuleen Shirka aadna uu ugu faraxsanyahay.
Mudane Shariif ayaa tilmaamay kana Sheekeeyey muhiimada ay Dawladnimadu u leedaha Shacabka,waxaana uu sheegay in loo baahanyahay in Cadawga laga tirtiro gudaha dalka.
Akhristayaasha Sharafta leh ee Raxanreeb.com Qodobo horudhac ah ayaan Idin soo gudbinay naga fila goor dhow iyaga oo dhamaystiran Insha allaah.
RBC Radio
Garoowe

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...