Wq. Aamina Xaaji Cali
December 21, 2011
Waxa la yidhaa libaaxu kolka uu bakhtiyo, xawayaankii kale ee ka biqi jirey intii uu xoogga iyo xayiga ahaa ayaa raqdiisa u soo biyaysta oo cuna. Waxaa dhacda oo la arkaa in isla markiiba ay ku soo xoomaan, gaar ahaan kuwooda bakhtiga cuna. Kuwaas oo midba ka uu ka xoog badan yahay ka riixdo. Haddaad u sii fiirsato waxa kuu muuqanaysa xawayaankii tabarta yaraa oo sugaya inta kuwa ka xoogga badani ay ka boganayaan, kamase fogaadaane meel u dhow ayey joogsadaan oo way ku dul wareegaan, hunguri iyo gaajo darteed.
Eebbe ha inna badbaadiyee, xaaladda Soomaaliya iyo dalkeennii ka taagan maanta ayaa sawirkaas oo kale u eg. Taas oo markasta isoo xusuusisa libaaxaas iyo xayawaanka kale ee markii uu tabar dhigay ee dhintay bakhtigiisa raqay. Waxa mararkaas sidoo kale iyana madaxayga ku soo dhacda oo aan xusuustaa hees reer miyiga Soomaaliyeed dhexdooda caan ka ahayd oo odhan jirtay:
"Hal bakhtidey raqdeedaa, Reer Hebel isugu yimid"
Mid kale ayaa u jawaabaya oo isna odhanaya:
"Reer Hebel badh baa hadhaye, hilbaha ha ku loofarin!”
Waxaad mooddaa maanta in cid waliba Soomaaliya hungureysey, ka hirqatay oo la isugu habar wacday. Waxa cad in qoladii Soomaaliya soo gaadhi kartaaba ay tidhi, "Qaybteydii Meeday?" Waa ayaan darro inteeda le’eg. Miyaanay kula ahayn arrin laga madluumo, in dal waliba, intuu doono ha le’ekaadee xilligan u soo qalab qaato in uu dalkeennii dillaal ka noqdo? Waxa calool xumo weyni weliba kugu sii dhacaysaa kolka aad aragto sida raggayagii wax dareensaniba aanu u jirin oo uga baraad la’ yihiinba. “Xaalku waa reer ba’ow yaa ku leh?” Sidaas baa weliba qaar mashquul ku yihiin, sidii ay dhibaatada ka jirta dab iyo baansiin ugu sii hurin lahaayeen, halka qaar kalena dantoodii ugu soo ururtay sidii ay xoolo uga tabcan lahaayeen. Sii Akhri

1 comment:
Hi there, of courѕe this content is in fact cοre аnԁ I
have leaгned lot of thingѕ from it on thе tοpic of
blogging. thanks.
Also visit my site: fast cash loans no credit checks
Post a Comment