Sunday 5 May 2013

Faahfaahin:Khasaaraha ka dhashay qaraxii Muqdisho oo kor usii kacay & dowlada oo cambaareysay qaraxaas




Muqdisho(RBC Radio) Khasaaraha ka dhashay qaraxii barqanimadii maanta ka dhacay Isgoyska KM-4 ee magaalada Muqdisho ayaa sii kordhaya,wararkii ugu danbeeyey ee ka imaanaya goobaha caafimaadka ee magaalada Muqdisho ayaa tilmaamay in qaar kamid ah dadkii dhaawac ahaan loo gaarsiiyey Isbitaalada Muqdisho ay dhaawacyadii qaraxa kasoo gaaray u dhinteen.
Qaraxa oo ka dhacay KM-4 oo ah halka ugu saxmada badan magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya,goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa waxaa ay xiligaas ahayd meel aad u mashquul badan waxaana goobta ku yaalla Boosteejo laga raaco gaadiidka dadweynaha oo degmooyin fara badan u kala goosha ,waxaana sidoo kale hareeraha wadada ku sugnaa dad aad u badan  oo ganacsiyo yar yar ku haystay hareeraha wadooyinka iyo qaar jidka lugaynayey xiliga uu qaraxu dhacayey kuwaas oo noqday dhibanayaasha ugu daran ee ay mashaqadu ku habsatay.
Waxaana markiiba goobta isku gadaamay ciidamada dowlada Soomaaliya kuwaas oo gabi ahaanba xiray nawaaxiga goobta uu qaraxu ka dhacay,waxaana sidoo kale goobta soo gaaray gaadiidka Dab-damiska dowlada hoose ee xamar kuwaas oo ku guuleystay daminta dabkii ka dhashay qaraxa oo qabsaday Fiilooyinka Korantada.
Khasaaraha
Goob jooge ku sugnaa KM-4 xiliga uu qaraxu dhacayey oo wariyaasha kula hadlay goobta ayaa sheegay inuu indhihiisa ku arkay Meydadka ku dhawaad 10 ruux oo ku dhintay qaraxa,wuxuuna tilmaamay in 6 ruux oo ka mid ahaa dadkaasi uu isagu bar-garanayey.

Gudoomiyaha degmada Hodan
Gudoomiyaha degmada Hodan oo isne warfidiyeenada kula hadlay goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa sheegay iney ku mashquulsan yihiin daabulida dadkii ku dhintay iyo kuwii  dhaawacmay qaraxa,wuxuuna tilmaamay inuusan hayn tirada saxda ah ee dhibaatadu kasoo gaartay qaraxa Ismiidaaminta ah.
Cabdi Maxamuud Dhabaneey gudoomiyaha degmada Hodan ayaa sheegay iney tirakoob ku hayaan dadkii ku dhintay iyo kuwii ku dhaawacmay qaraxaas,wuxuuna meesha ka saaray in wax khasaaro uu weerarkaas kasoo gaaray masuuliyiin u dhashay wadanka Qadar oo sida la sheegay uu bartilmaameedku ahaa.

Maxada Caafimaadka Isbitaal Madiina
Madaxa caafimaadka Isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho oo la gaarsiiyey dadkii ku dhaawacmay qaraxa ayaa warbaahinta uga waran tahay tirada dhaaca ee Isbitaalka Madiina la gaarsiiyey,waxayna tilmaantay iney soo gaareen 20 bukaan oo qaba dhaawacyo kala duwan iyo 3 ruux oo mayd ahaan Isbitaalka lagu soo gaarsiiyey.
Duniyo Maxamed oo ah madaxa caafimaadka Isbitaal Madiino ayaa sheegtay in 20-kii ruux ee dhaawaca ahaa ee Isbitaalka lasoo gaarsiiyey ay 2 kamid ahaa Isbitaalka ku geeriyoodeen,waxayna sheegtay in 10 ruux oo iyagune qaba dhaawacyo culus oo kasoo gaaray qaraxa ay jiifiyeen Isbitaalka halka ay inta kale markii ay daweyn caafimaad u sameeyeen dib loo celiyey dhaawacyadooda oo sahlanaa awgeed.
Duniyo ayaa tilmaantay in gargaar caafimaad u fidiyeen dadkii Isbitaalka lasoo gaarsiiyey waxayna intaa raacisay iney qaybta la dhigo Meydadka ee ISbitaalka ay xiligan yaallaan 5 ruux oo meyd ah kuwaas oo ku dhintay qaraxii maanta ka dhacay KM-4 ee magaalada Muqdisho.
Tirada dhimashada hada soo baxaysa ayaa tilmaamaysa in dhowr iyo Toban ruux ay ku nafwaayeen qaraxii loo adeegsaday gaariga laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa  ee lagu qaaday Kolonyada gaadiidka ah ee  galbinayey waftiga masuuliyiinta u dhashay dalka Qadar kuwaas oo xiligaas kusii jeeday garoonka diyaaradaha Muqdisho oo ay ka duuleen iyaga oo aan  wax dhibaato ah kasoo gaarin qaraxa lala beegsaday,walow aysan dowlada Soomaaliya wali soo bandhigin khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay qaraxaas.
Dowlada Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareysay weerarkaas,waxayna ku tilmaantay inuu yahay mid lagu naafeynayo umada Soomaaliyeed,sida uu tilmaamay madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay qaraxa.
Bogaga Internet-ka ee taageera alshabaab ayaa lagu qoray in alshabaab ay masuul ka ahaayeen qaraxaas oo loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa kaasoo la dhigay wadada dhinaceeda,saraakiil aan la magacaabin oo ka tirsan alshabaab ayaa sheegay in qaraxaas uu bartilmaameedkiisyu ahaa wasiirka arimaha gudaha iyo amniga qaranka iyo saraakiil caddaan ah sida ay sheegteen.




RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...