Friday 3 May 2013

Somalia - Wararka Maanta


Madaxweynaha: Lama aqbali karo kalluumeysiga sharci-darrada ah
Madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in aysan dowladiisa aqbali doonin maraakiibta sida sharci-darrada ah uga kalluumaysta biyaha Soomaaliya.
Hadalkan ayuu madaxweynaha ka sheegay mar uu maanta booqday shirkad kalluumaysi oo ku taalla nawaaxiga garoonka diyaaradaha Aadan Cabdulle ee magaalada Muqdisho.
Madaxweyne Xasan ayaa hoosta ka xarriiqay in dhowaan uu shir uga qeybgalay magaalada New York ee dalka Mareynka uu ku soo hadal qaaday kalluumaysiga sharci-darradda ah ee ka jira xeebaha Soomaaliya, isla markaana aysan dowladdiisu indhaha ka qarsan doonin.
Wasiirka kheyraadka ee xukuumadda Soomaaliya Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa isla goobta ka sheegay in shirkadda uu maanta booqday madaxweynaha ay kalluunka u iibgeyn doonto dalalka deriska la ah Soomaaliya.
Dhuusamarreeb oo lagu xiray nin lagu eedeeyay inuu dhaawacay aabbihiis
Ciidamada maamulka Ahlu Sunna Waljamaaca ee degmada Dhuusamarreeb ee xarunta gobolka Galgaduud ayaa galabta gacanta ku soo dhigay nin dhallinyaro ah oo lagu magacaabo Xuseen Maxamed Siyaad oo ku hubeysnaa qoriga AK-47, kaas oo lagu eedeeyay inuu aabbihiis dhaawac ugu geystay deegaanka Qalanqalle ee isla gobolkaas.
Cabdiweli Siyaad oo ka tirsan saraakiisha ciidamada maamulka Ahlu Sunna Waljacaada ee degmada Dhuusamarreeb ayaa Bar-kulan u sheegay in ninkaas lagu xiray xabsiga degmada, isla markaana ay ciidanku waydiinayaan su’aalo la xiriira falka lagu eedeeyay.
Wuxuu xusay in dhaawaca Maxamed Siyaad oo aan halis aheyn lagu daweynayo xarun caafimaad oo ku taalla deegaanka Xananbuurre ee gobolka Galgaduud.
Waa markii ugu horreysay oo fal noocaan oo kale ah uu ka dhaco gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya.


Nin Soomaali ah oo xabsi daa’in loogu xukumay dilka 4 qof
Maxkamad ku taalla Mareykanka ayaa Talaadadii xabsi daa’in ku xukuntay nin Soomaali ah oo lagu eedeeyay inuu labo sano ka hor dil u geystay afar qof.
Haweeney xaaskiisa aheyd oo ilmo u haysay ayaa ka mid ah dadkii uu ku dilay gobolka North Dakota ee Mareykanka.
Cumar Maxamed Kaalmoy oo 28 jir ah ayaa diiday inuu wax hadal ah ka yiraahdo maxkamadda markii la xukumayay.
Garsooraha maxkamadda oo lagu magacaabo Douglas Mattson ayaa ku xukumay Kaalmoy xabsi daa’in aan ebed sii deyn lahayn, wuxuuna xabsiga ku jiri doonaa noloshiisa inta ka hartay.
Kaalmoy ayaa lagu eedeeyay in January 2011 uu dilay xaaskiisa Sabrina Zephier, hooyadeed, walaalkeed iyo nin ay wada socdeen gabadha la dilay hooyadeed.
Haweeney xirneyd walxaha qarxa oo lagu qabtay Kismaayo
Ciidanka AMISOM iyo kuwa maamulka KMG ah ee magaalada Kismaayo ayaa saaka qabtay haweeney xirneyd suunka qarxa oo damacsaneyd inay weerar ismiidaamin ah ka geysato gudaha xarunta jaamacadda ee Kismaayo.
Xarunta jaamacadda Kismaayo waxaa ka socda shirka maamul u sameynta gobollada Jubbooyinka iyo Gedo.
Ciidanka ayaa ku guuleystay inay qabtaan haweeneyda iyadoo uusan dhicin wax qarax ah, kaddibna waxay ka dhigeen bambooyinkii iyo suunkii ay sidatay.
Afhayeenka maamulka KMG ah ee Kismaayo Cabdinaasir Seeraar ayaa Bar-kulan u sheegay in ciidanka AMISOM iyo kuwa maamulka magaalada ay ka hor tageen weerar haweeneyda, oo loo maleynayo inay ka tirsaneyd al-Shabaab, ay damacsaneyd inay ka geysato xarunta jaamacadda Kismaayo.
Seeraar wuxuu sheegay in xukun dil ah lagu fulin doono haweeneyda maleegeysay shirqoolka argagaxisannimo.
Bil ka hor ayay aheyd markii dhacdo tan la mid ah ay ka dhacday magaalada Kismaayo markii la qabtay haweeney isku xirtay walxaha qarxa oo lagu qabtay albaabka xarunta jaamacadda Kismaayo.
Gobollada uu webigu ku fatahay oo gargaar loo codsaday
Wasaaradda arrimaha gudaha iyo amniga qaranka ee xukuumadda Soomaaliya ayaa hay’adaha dowladda, kuwa Qaramada Midoobay iyo dadka Soomaaliyeed ee hantida heysta u soo jeedisay inay taageero u fidiyaan dadka ku waxyeelloobay fataahadda webiga Shabeelle uu ka sameeyay gobollada dalka.
Wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka, Cabdikariim Xuseen Guuleed, oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in gobollada Shabeellooyinka ay yihiin kuwa ay saameynta ugu badan ku yeelatay fatahaadda wabiga, gaar ahaan gobolka Shabeellaha dhexe.
Wuxuu xusay in wasaaraddiisa oo keliya aysan ku filneyn dhammeynta baahiyaha ay dadku qabaan, iyadoo meelaha qaarna laga soo sheegayo cudurro ku dhacay carruurta ka yar shanta sano.
Wasiirka ayaa soo jeediyay in la caawiyo dadka u baahan kaalmooyinka dhinacyada hooyga iyo cunnada, maadaama ay jiraan qoysas badan oo fatahaadda darteed guryahooda uga barakacay.
Wadooyinka Magaalada Muqdisho oo Xiran Maalintii Sadexaad
Wararka saakay naga soo gaaraya goobaha kala duwan ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in saakay ciidamada Dowladda Soomaaliya ay daadsan yihiin wadooyinka muhiimka ah.
 Ciidamada ayaa saakay aan ogoleyn dhaq dhaqaaqa dadka iyo gadiidka waxaana xiran wadooyin muhiim ah waxaana aad u yar in la arko dad isticmaalaya wadooyinka hakadka ku jira.
 Lama oga xilliga ay ku eegtahay xirnaanshaha wadooyinka Magalaada Muqdisho iyadoo ciidamada Dowladda Soomaaliya loosoo jeedinayo dhaliilo kala duwan oo kaga imaanaya dhanka shacabka Magaalada Muqdisho.
 Gaadiidka ayaa waxa ay marayaan xaafadaha dhexdooda waxaana taasi sii dheer in shacabka qaar kamid ah ay xireen wadooyinka guryahooda horumara iyaga oo ka baqaya in gaadiidka isticmaalaya wadooyinka caruurtooda ay dhibaato ugeestaan.


Gudoonka Baarlamaanka oo Ka Hadlay Fatahaada Wabiga Shabeele
Gudoomiyaha Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa ugu baaqay dadka Soomaaliyeed ee wax heysta iyo Hay’adaha samafalka iney gargaar u fidiyaan dadka ay saameynta ku yeesheen fatahaadaha wabiga Shabelle ee ku nool gobollada Dalka.
 Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari Gudoomiyaha Baarlamaanka Dalka ayaa yiri “runtii fatahaadda uu sameeyey wabiga Shabelle waa qeyb ka mid ah masiibooyinka dabiiciga ah waxaanna dareenkeeyga la qeybsanayaa dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan gobollada Hiiraan iyo shabeelooyinka oo ay si gaar ah fatahaadahan u saameeyeen”
 Gudoomiyaha oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in looga baahanyahay dhammaanba hay’adaha Samafalka ee ka howlgala gudaha dalka,kuwa caalamiga ah,dalalka Soomaaliya saaxiibada dhow la ah iyo dadka Soomaaliyeed ee wax heysta iney gurmad deg deg ah u fidiyaan dadka ay fatahaaduhu saameynta ku yeesheen ayadoo gurmadkaasina uu ugu horeeyo dib u dejin loo sameynayo dadkii ay fatahaaduhu guryahooda ka baabi’iyeen.
“ugu dambeyntii anigoo maskaxda ku haya sida ay dadka Soomaaliyeed xiligan oo kale oo ay masiibooyinka dabiiciga ah dhacaan isugu gargaaraan waxaan mar labaad iyo mar seddexaadba ku boorinayaa umadda iney walaalahooda il gaar ah ku eegaan islamarkaana qof walba uu wixii uu heli karo la gaaro waayo maanta oo kale ma ahan markii dhibaatada la isaga aamusi lahaa” ayuu hadalkiisa kusoo gebagebeeyey Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari Gudoomiyaha Baarlamaanka Dalka
Shirka Maamul Sameynta Jubaland oo Daba Dheeraada Iyo Xaalada oo Cakiran
Qaarkamida masuuliyiinta gacanta ku haya shirka ka socda magaalada Kismaayo oo sihoose ula hadlay allsomalia.com ayaa sheegay in shirka uu ka dheeraaday waqtigii loogu talo galay.
 Masuuliyintan oo diiday in la xigto magacyadooda ayaa sheegay in maalin kasta ay soo baxayaan caqabado horleh kuwaasi oo hareeyay geedi socodka shirka.
 Mid kamida masuuliyinta la hadashay allsomalia.com ayaa sheegay in dhibaatada shirka ay sii koreyso haatana magaalada Kismaayo ay abaaro ka socdaan kuwaasi uu wado Bare Hiiraale oo dhawaan gaaray Kismaayo.
 Magaalada Kismaayo waxaa ka socda arimo kala duwan shirka dhan ayuu ka socdaa waxaana hortaagan arimo badan oo maalinkasta kasii daraya waana caqabada shirka wax loogu dooran la yahay waxaana taas kasii dartay Bare hiiraale abaabulo dagaal ayuu wadaa magaalada qeybo kamida ayuu hantay oo la wareegay ayuu yiri mid kamida qaban qaabiyaasha shirka.
Magaalada Kismaayo ayaa noqotay magaalo  ay ka wada socdaan aragtiyo aan isku dhaweyn iyo abaabulo kala midabo ah lamana oga xiligi ay qarxi doonto foolkaanada kala duwan.
Wasiirka Warfaafinta Isgaarsiinta iyo Gaadiidka oo qudbad uu ku metelayo qaarada Africa ka jeediyay shir caalami ah oo ka socda dalka Turki”Sawirro”
Wasiirka Warfaafinta Boostada, Isgaarsiinta iyo Gaadiidka Cabdullaahi Ciilmooge Xirsi kuna sugan waddanka Turkiga, magaalada saddexaad ee Izmir kana qayb galaya shir caalami ah ayaa ka jeediyay khudbaddii furitaanka isagoo ku hadlay magaca Qaaradda Afrika. Wasiirka  ayaa uga mahadceliyay dawladda Turkiga casuumitaanka lagu casuumay shirkan iyo fursadda qaaliga ah ee loo siiyay inuu la hadlo ka qaybgalayaasha shirka..
 Wasiirka ayaa khudbadiisa kaga warbixiyay xaaladda dalka Soomaaliyeed iyo hormarka ay dawladdani ku talaabsatey ee dhanka amniga. Wasiirka ayaa sidoo kale warbixin ka bixiyay sida ay dawladda uga go’an tahay iney dib usoo celiso shirkaddii Somali Airlines isagoo codsaday inay caalamku gaar ahaan dawladda Turkiga ee aan walaalo nahay ay umadda Soomaaliyeed ka caawiso.  ” Anigoo ku hadlaya magaca qaaradda Afrika, waxaa sharaf ii ah inaan halkan joogo maanta kana qaybgalo shirkan isla markaana aan idinla wadaago  dib usoo celinta shirkaddii Somali Airlines iyo hay’addii duulista hawada ee dalka Soomaaliyeed” ayuu yiri wasiirku, . Shirkan ayaa ka furmay magaalada Izmir waxuuna socon doonaa muddo saddex maalmood ah..
 Shirkan oo ah mid sanadkiiba mar dhaca ayna horseed ka yihiin dalka Turkiga iyo Maraykanka ayaa waxaa ka soo qaybgala dawladaha caalamka waxaana looga hadlaa xiriirka duulimaadyada adduunka iyo qaabka iska kaashiga iyo hormarinta iyadoo Soomaaliya ay tahay waddamada sida khaaska diiradda loogu saari doono.
 Wasiirka waxaa shirka ku weheliya saraakiil ka tirsan hay’adda duulista hawada Soomaaliyeed ee magaceeda loosoo gaabiyo SCAMA.Wasiirka Warfaafinta Boostada, Isgaarsiinta iyo Gaadiidka ayaa mudooyinkan danbe ku mashquulsan safaro dalalka dibaddiisa ah oo dadaal ugu jiro sidii wasaaraddu usoo celin lahayd adeegyadii ay bulshada u haysay.. Bishan April 22keedii ayay ahayd markii uu wasiirku ku guuleystey in dib loo furo Boostadii umadda Soomaaliyeed 23 sano kadib.
Wasiirka arrimaha dibadda oo u ambabaxday dalka Ethiopia.
R/wasaare ku xigeenka dalka ahna wasiirka arrimaha dibadda Xukuumadda Soomaaliya Marwo Fawsiya Yuusuf  ayaa Addis Ababa  waxa ay uga qeybgaleysaa shirka wasiirrada arrimaha dibadda ee wadamada ku midoobay urur goboleedka IGAD  oo looga hadli doono Stabilization Plan”.
 Marwo Fawsiya Yuusuf oo maanta inta aaney ka ambabixin garoonka diyaaradaha Muqdisho shir jaraa’id ku qabatay ayaa waxa ay sheegtay inay ku rajo weyntahay in guul ay ka gaarto shirkaasi oo loo balansan yahay inuu ku qabsoomo Addis Ababa 3-da bishan May.
 “ waxaan ka qeybgalayaa shirka wasiirrada arrimaha dibadda ee wadamada ku midoobay urur goboleedka IGAD  oo looga hadli doono Stabilization Plan , waa qorshe horey loo sii diyaariyay oo laga fikiray, waxaana  rajeynayaa  in dowladeyda ay guul ka gaarto ajandayaasheeda qaran ee u qorsheysan , waxaana 4-ta bishan la kulmi doonaan Madaxweynayaasha wadamada gobolka”.
 Ra’’isul wasaare kuxigeenka ahna Wasiirka Wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga Fawsiyo Yuusuf  Xaaji Aadam ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ku sii sagootiyay Mas’uuliyiin sare oo ka tirsan Wasaaradda.
Shabaab oo Sheegay Inay Qaarijiyeen Akar Kenyana Guulana Ka Sheegtay Dagaaladii Dhacay
Afhayeenka dhinaca howlgalada ee Al-shabaab Cabdicasiis Abu Muscab oo Warbaahinta kula hadlay meel aan la shaacin ayaa guul ka sheegtay Weerarkii ay shalay ku qaadeen Garoonka Kismaayo.
 Wuxuu sheegay xiligii ay weerarka qaadayeen in ay ku sugnaayeen Garonka Wufuud ka socotay Caalamka oo doonayay in ay gudaha u galaan Kismaayo.
 “Madaafiicda saddex kamid ah waxay ku dheceen Jidka dheer ee ay Diyaaradu kusoo degato iyo guriga Dabaqa ah ee Garoonka ku dhexyaalla oo ahayd meeshii ay Askarta waxsoo dhawaynaysa ku faylsanaayeen, halkaas waxaa ku dhimatay 8 askari oo Kenyaati ah waxaana ku dhaawacmay dhowr iyo toban kale, waxaa sidoo kale ku bur-buray Labo Gaari oo goobta taallay” ayuu yiri Abu Muscab.
 Sidoo kale wuxuu ka hadlay dagaalo ka dhacay gobolada dalka, wuxuna xusay in ay Ciidamadoodu Jab gaarsiiyeen AMISOM.
Madaxweynaha oo shaqaalaha Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabada 1-da Maajo
Madaxweynaha jamhuuriyadda Soomaaliya mudane Xasan Shiiq Maxamuud ayaa shaqaalaha  Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabada maalinta shaqaalaha adduunka isagoo ugu baaqey dadka loo shaqeynayo in ay dhowraan xuquuda shaqaalahooda.
 Madaxweyne Xasan Shiiq Maxamuud ayaa waxaa uu si weyn uga hadlay munaasabada maalinta shaqaalaha aduunka wuxuuna u rajeeyay dhamaan shaqaalaha in ay sanadkan sanadkiisa ay ku gaaraan nabad iyo baraare.
 Waxa uuna ku baaqay dadka Soomaaliyeed ee loo shaqeeyo in ay ilaaliyaan xuquuqda shaqaalaha hadii ay ahaan laheyd amaanka, caafimaadka iyo wixii la mid ah.
 Mudane Xasan Shiiq Maxamuud ayaa intaasi ku daray in dowladda ay dhawaan dhaqan galineyso shuruucda shaqaalaha ee u dhaxeyso qofka shaqaalaha ah iyo kan loo shaqeeyo.
 Ugu dambeyntii madaxweynaha dalka ayaa u rajeeyay shaqaalaha weynaha caalamka in sanadkan sanadkiisa kale ay ku garaan bash bash iyo barwaaqo.
Ciidamada XDS ee ku sugan B/weyne oo loo qeybiyay lacago  Gunno ah.
Maamulka gobolka Hiiraan ayaa maanta lacago Gunno ahu qeyb biyay Ciidamada dowladda Soomaaliya ee ku sugan magaalada B/weyne.
 Guddoomiyaha gobolka Hiiraan oo ay wehliyaan mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Gobolka iyo sarakiil ka tirsan ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa maanta lacago mushaar ah u qeybiyay ciidamada dowladda Soomaaliya ee ku sugan magaalada B/weyne kuwaas oo dhawaan tababar ku qaatay B/weyne.
 Cabdi Faarax Laqanyo guddoomiyaha gobolka Hiiraan oo hadal ka jeediyay xeradii ciidanka loogu qeybinaayay Mushaarka ayaa sheegay in lacagta maanta loo qeybiyay ciidamada ay tahay lacago ay maamulka ugu talagaleen ayna u dhiman tahay lacagtii ay ugu talagashay wasaaradda gaashaandhiga Soomaaliya.
 Waxa uuna intaasi ku daray in ay wadaan howlo badan oo lagu hormarinayo ciidanka XDS si gobolka ay uga  xoreeyaan maleeshiyaadka kooxda shabaab.
Xiriirka Ururrada Shaqaalaha Soomaaliyeed oo u Dabaal Dagay Maalinta Shaqaalaha Adduunka ee 1da May
 Muqdisho Shalay  oo aheyd  maalinta shaqaalaha Adduunta ayaa waxaa markii ugu horeysay u dabaal dagay Xiriirka Ururada Shaqaalaha Soomaaliyeed ee FESTU oo ah ururweynaha ay ku mideysan yihiin shaqaalaha Soomaaliyeed ee madaxa-banaan.
 FESTU waxay hambalyo iyo bogaadin u dirtay dhamaan shaqaala weynaha Soomaaliyeed ayadoo uu cambaareyn dusha uga tuurtay dhibaatada aan kala go’a laheyn ee heysatada shaqaalaha Soomaaliyeed ee meel kasta jooga.
 “Waxaan maanta hambalyo iyo bogaadin ana u direynaa dhamaan shaqaalaha Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan. Waxaan leenahay Sanadkan midkiisa xiga ku gaara guul, barwaaqo, caafimaad iyo nabad gelyo” ayuu yiri Max’ed Abuukar Zubeyr Guddoomiyha FESTU.
 Hogaanka sare ee FESTU waxaa uu sheegay in shaqaalaha Soomaaliyeed ay ku shaqeyaan mushaarad anan ku filneen noloshdooda ayagoo shaqeeyo saacado dheeraad oo aan waafaqsaneen sharciga dalka u degsan iyo midka caalamiga ah. FESTU waxaa ay intaas ku dartay in shaqaalaha Soomaaliyeed aysan helin wax daryeel caafimaad ah inta ay ku guda jiraan shaqadooda.
 Xiriirka Ururada Shaqaalaha Soomaaliyeed ee FESTU waxaa uu hoosta ka xariiqay in shaqaala fara badan oo Soomaaliyeed dil, dhaawac iyo takri fal fara badan loo geystay.
 “Muruqmaalka Soomaaliyeed waa laf dhabarta dalka. Horumar ma jirayo haddii uunan shaqaale jirin. Dhaqaalaha dalkana waa baaba’ayaa hadaan la dhowrin shaqaalaha xuquuqdooda” ayuu raaciyay Max’ed Abukar Zubeyr.
 Xoriyada shaqaalaha Soomaaliyeed ay u leeyihiin in ay sameystaan urur danahooda difaaca oo dhab ahaantii u matala ayaa ah mid lagu xad gudbo, ayuu yiri Max’ed Abuukar Zubeyr kuwaasoo ay badanaa ka yimadiin dad doonaya in ay u diidaan shaqaalaha Soomaaliyeed xaqqa iyo xoriyada ay u leeyihiin in ay urur danahooda difaaca sameystan ama ku biiraan.
  FESTU waxaa ay ugu baaqeysaa dowladda federaalka Soomaaliyeed in ay dajiso siyaasad cad oo qeexeyso mushaarada ugu yare ee qof shaqaala ah la siin karo iyo waqtiga cayiman ee shaqaalaha uu shaqeyn karo ayadoo dib u eegis rasmi ah lagu sameynaayo sharciga shaqa.
 Xiriirka Ururada Shaqaalaha Soomaaliyeed waxaa uu ugu baaqay dowladda iyo loo shaqaayayaasha in ay soo fariistan miiska wadahadalka si looga wada tashto abuurista shaqooyin wax tar u leh ummadda Soomaaliyeed ee u ooman shaqooyin anfac leh.
 FESTU waxaa ay ku timaamtay amni darida ka jirto meello badan oo dalka ah in ay ugu wacan tahay shaqa la’aanta ka jirto dalka oo keeneysa in dhalin yaro fara badan oo shaqeyn laheyd aysan heysan wax shaqo ah.
 Maanta ayaa ku soo beegmeyso xili shaqaalaha Soomaaliyeed oo ay hor kacayso xiriirka FESTU aysan u suurta galin in ay isu soo bax ku maraan magaalada Muqdisho sababa la xiriira amnigooda balse xiriirka FESTU uu qabtay munaasabad lagu xasuusanayo shaqaalihii dhibaatada loo geystay.
MUQDISHO iyo xayiraad danyartii u dhameysey !! (Warbixin xiiso leh)
Muqdisho oo aan dhihi karo waxaa ku Nool ilaa Saddex Milyan oo qof ayaa waxay ku soo Waabariisatey wax lagu Tilmaami karo Bandow , waxaana istaagey Isku Socodkii Gaadiidka oo ah kan ugu Muhiimsan Xiligaans marka la fiiriyo dhinaca Nolosha iyo isku Socdka Dadka , waxaa Waddo kasta la soo dhoobey Ciidamoo aad u fara badan iyo Tikniko kuwaas oo Gaadiidka Xanibaad ku soo rogey iyadoo dadka loo ogol yahay in Socdaan oo keliya, waxaana dadka badankiis ay waayeen Gaadiid ay raacaan ha noqoto BL iyo mid si gaar ah loo leeyahay.
Bandowga oo ku soo beegmey Xili Kuleylo ah ayaa dadka waxay garan waayeen waxa loo xanibey Gaadiidka , iyadoo dadka qaar ay isla dhexmarayeen warar kala Duwan oo ku tiri ku teen ah oo aan laga fiirsa. Haweeney ay duudka Khudaari u saaran tahay dooneyseyna in ay gaarsiiso Suuq ay ku ganasato Dhididkana uu ka Hoorayo ayaa wax yar la sheeketey iyadoo mareysa Lambar Afar waxaan weydiiyey halkey Khadaarta u wado? Markaas bay tiri “Waxaan u Wadaa Suuqa Kaaraan “Markaas baan ku iri “Ma sidaan baad ku Gaarsiineysaa Suuqaas? markaas bay Tiri” Haa Hooyo Maxaan kaloo sameyn karaa waa in aan Lugta Furaa waayo Caruur baa isugeysa “
Nin Odey ah oo Caan lagana yaqaan Aagga lana socda Siyaasadda iyo halka ay wax marayaan mar walba ayaa Koox dad ah oo meel fadhidey weydiisey Xayiraada Maanta Saaran Wadooyinka waxay tahay ama loola jeedo wuxuuna la soo boodey” Xayiraadaan oo kale waxaa igu Dambeysey Xiligii Dowladii Cabdulaahi Yuusuf,marka waxaan u Maleynayaa in uu maanta uu imaanayo Barack Obama” Markiiba Qosol ayaa lala dhacay mid kale yiri oo meesha fadhiyey “War Odey sidaa ma aha oo maanta waa kaa Xumaatey “waxaana uu yiri “Waxaan Maqley in Mahiga uu ka Dambeeyo Xayiraadaan waayo waxaa uu ka careysan yahay Xilkii laga qaadey “ Markii ay Afkiisa ka soo yeertey hadalkaas ayaa dadkii halkaa fadhiyey laba u qabsameen kuwa warkiisa Rumeeyey iyo kuwa ka soo Horjeestey halkii baa laba laba la isku qabsadey oo waxaana lagu sigtey in Gacanta la isku qaado.
Haweeney ka mid ah kuwa Subaxa hore Kalaha .Gurigeedana ku soo Dubata Canjeelo ,Bur iyo Shaah ayaa waxaana kula kulmey agagaarka Wadada 21 Oktoobar waxayna Raashinka ay ku soo Karisey Gurigeeda Subaxa Hore ka iibsaa dad Muruqmaalka ah oo Aagaas u soo Shaqa taga , kuwaas oo Af Bilow ka dhiigta marka ay Shaqada u socdaan waxayna ka kala yimaadaan Xaafadaha Magaalada Muqdisho iyadoo ku Calaacashey “Xasan Shiikh baa laga rabaa Khasaarada I gaartey”intaas markii ay Afkeeda ay ka soo baxday ayey dad Masaakiin ah Canjeeladii iyo Burkii u qaybisey waxayan sii daba Dhiigtey “Waxay ahayd in Xiraadaan horey loo sheego”
Ma yara dadka Dhibaaatooyinka uu ka soo gaarey Xanibaadii la saarey Gaadiidka waxay Indheyga ay qabteen Gaari sidey Moos oo yaala meel Luuq ah, Xayiraadana halkaa ku qabsatey ,waxaana uu sugayaa waqtiga la qaadayo Xayiraada waxaana uu isna ku Calaacaley markii loo sheegey in ay Xayiraada saarnaaneyso waqti aan la ogeyn “Muuska Gaariga saaran waxay ahayd in Saakey laga dejiyo waxaana uu ka walwalsanahay in uu Muusku Gubto maadaama uu shaley oo dhan soo socdey marka Waa Khasaaro aan Cid loo raacdaa jirin marka Allaa Jooga” .
Haweeney ka ganacsada Qaadka oo la’ meel ay marto ayaa waxay radio ka ag dhawaa ka maqashey “Howlgalkii maanta waxaa uu ahaa mid looga hortagayo Qaraxyo iyo Weeraro ay geystaan Xarakadda ALShabaab”inta boodey ayey tiri “Waa Dowlad Naf la Caari ah, Waxay intaa ku dartey “War Naftaa hayso “ Intaa kuma Ekeysane waxay sii daba Dhigtey”War waad taqaanaan halka ay joogaan Shabaab maad u tagtaan marka aad Dhibaateyneysaan Caruurta Dugsiyada u socota iyo dadka kale ee Masaakiinta ah“ war yaa loo raacanayaa wixii ka Dhashey Bandowgaas.” Ayey ku soo gabagabeysey hadalkeedii.
Askari ka tirsan Ciidamadii maanta Howgalka ka wadey Wadooyinka Muqdisho ayaa weydiiyey waxa loo xirey Wadooyinka? Waxaana uu ku Jawaabey” Xaley Waqti dambe ayaa halkaan nala keeney ma garanayo sababta Xayiraadaa, marka Saaxiib adigaa kuula mid ahay… “ Markiiba Sarkaal kale ayuu farta iigu fiiqey oo yiri “Ninkaas weydii? Halkii baan u Dhaqaaqey markii Sarkaalkii aan weydiiyey wax uu ku saabsan yahay Howlgalkaan ayuu ku Gaabsadey “ Waxaad tahay Wariye fadlan Dadka u sheega in ay qaataan Awaamiirta Dowladda Naga Daaya hadalada kale aan Shaqadeenna Gudanee ”Guntii Gabagabdii Goor Dambe oo Xeero Fandhaal kala dhaceen ayaa Wasiirka Arrimha Gudaha iyo Amniga oo hadley waxay Wariyayaasha weydiiyeen Waxa Bulshada maanta sidaan loo Badey ?wuxuu Wasiirka si kooban u yiri “Waxaan uga Gol lahayn Sugidda Amaanka oo keliya,” isagoo meel iska dhigey Dhibaatooyinka saameeyey Garabratadii , Muruqmaalkii , Ardeydii , Ganacsigii ,Gadiidleydii iyo Xitaa Shaqaalhii Dowladda oo qaarkood marka ay la soo baxaan Aqoonsigooda loogu jawaabayey nama Khuseeyo, si kastaba waxaan Dhihi karaa waa Howgal laga sheekeeyo oo Cagta Mariyey Danyartii Muqdisho !!










16 die as torrential rains wreak havoc across kingdom
Torrential rains and flash floods in different provinces have left 16 dead and three missing.
The casualties include four members of a family in Baha, two people in Al-Kharj, three in Aflaj, one in Hariq and four in Taif, the Civil Defense said yesterday.
The missing are three expats in Baha.
Custodian of the Two Holy Mosques King Abdullah has directed the Civil Defense Council to launch all-out efforts to ensure the safety of people. The king also ordered departments to take steps to offer financial and material support to flood victims.
“The king has been monitoring the situation since the heavy downpours began. He is also monitoring the efforts of all related ministries and government departments to provide relief operations and undertake safety measures,” Interior Minister Prince Muhammad bin Naif, who is also chairman of the Civil Defense Council, said in a statement on Wednesday.
The king urged council members to discharge their duty to implement all emergency plans to deal with the damage caused by weather conditions. The king’s order stated that the victims should be provided with relief and assistance, including shelters to those whose homes were wrecked and whose farms were destroyed, in addition to health care and all other daily needs, the prince said.
He added that the Interior Ministry is monitoring the field operations of Civil Defense teams in all provinces, ensuring that they are working in sync with civil defense committees under provincial governors.
Lt. Col. Jaman Al-Ghamdi, spokesman of the Baha provincial Civil Defense office, said three bodies of the missing family were discovered Tuesday night and the fourth was found Wednesday morning. The jeep carrying the family was carried away by the surging waters at Wadi Al-Lihyan in the Aqiq governorate in the evening.
After being alerted about the accident, Civil Defense sent rapid-intervention and rescue teams to the area while Baha Gov. Prince Meshari bin Saud closely monitored the operations.
About 300 officers under the supervision of Deputy Director of the Baha Civil Defense Brig. Ali Al-Sawat participated in the operations. Despite the darkness and continuing drizzle, the search teams at first located a submerged Toyota jeep with the body of a 75-year old woman in the deep valley. Search parties found the body of a 52-year-old man further downstream and that of a 30-year-old woman upstream. The body of the child accompanying the family was retrieved yesterday morning, Al-Ghamdi said.
Another team is continuing to search waters and submerged bushes looking for three Yemeni workers of a road construction company in the Aqiq governorate. The pickup truck that was carrying the three was found overturned in a valley close to the Aqiq dam.
Heavy rains led to the collapse of a ten meter-high dam in Bisha in Asir Province. The dam was temporarily built by the ministry of water and electricity to protect another dam which is still under construction. The construction work is still in its early stages, the ministry said in a statement yesterday.
"The project consists of a large dam with a capacity of 68 millions square meters and is 49 meters high," the ministry said.
Four villages located around the dam were evacuated. The Civil Defense said there were no casualties among civilians in the affected areas.
"Tabalah, Thnyah, Shedaiq and Subaihi villages have been evacuated as a precautionary measure," said Col. Mohammad Al-Asemi, spokesman of Civil Defense in A

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...