Sunday 5 May 2013

Somalia - Warkii maanta


Isbitaalka Baydhabo oo qalab iyo dayactir loo codsaday.
Maamulka KMG ah ee gobolka Bay ayaa u soo jeediyay hay’adaha samafalka iyo qurbajoogta Soomaalida ah in ay gacan ka geystaan qalabeynta iyo dayactirka isbitaalka guud ee magaalada Baydhabo.
Guddoomiyha maamulka KMG ah ee magaalada Baydhabo Cabdi Aadan Goosow oo maanta booqday isbitaalka ayaa ku dhaliilay qurbajoogta ka soo jeedda gobollada Baay iyo Bakool in ay ka gaabisay wax ka qabashada xaaladda isbitaalka.
Cabdi Aadan Goosow ayaa sheegay in uu horay u diray codsi kan oo kale ah, balse aysan jirin cid ka soo jawaabtay.
Isbitaalka Baydhabo waa kan keliya ee ugu weyn gobolka Baay.
Dhowaaan ayaa maamulka KMG ah ee magaalada Baydhabo wuxuu raashin u qoray bukaannada danyarta ah ee ku jira isbitaalka Baydhabo.
Ciidanka ammaanka Jowhar oo sii daayay guddoomiyaha guddiga samata-bixinta.
Guddoomiyaha guddiga samatabixinta gobolka Shabeellaha dhexe Axmed Barrow Acraabi ayaa goor dhoweyd la sii daayay, kaddib markii ay maanta xireen ciidamada ammaanka ee  degmada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha Dhexe.
Taliyaha saldhigga booliska degmada Jowhar Cabbaas Qooble ayaa Bar-kulan u xaqiijiyay in la soo xiray Axmed Barrow Acraabi oo ah guddoomiyaha guddiga samatabixinta ee gobolka, kaddib markii ay saldhiga soo gaartay cabasho la xiriirta fal musuqmaasuq ah.
Taliyaha ayaa sheegay in cabashada ay u soo gudbiyeen qaar ka tirsan dadkii ay waxyeelladu ka soo gaaartay daad ku fatahay deegaannadii ay ku noolaayeen, kuwaasoo sheegay in aan la siinin kaarar ay ku heli lahaayeen raashin mucaawimo ah, kuna andacooday in hawsha kaar bixinta loo fulinayo hannaan  uu ku jiro musuqmaasuq.
Ma jirto cid kale oo xarigga Barrow ka hadashay marka laga reebo xaqiijinta taliyaha saldhigga booliska Jowhar oo sheegay  in mas’uulkaasi uu xiran yahay.
Dowladda Ingiriiska oo Ka Hadashay Sababaha Uhurra Kenyatta Uga Qeyb Galayo Shirka London
Dowladda Ingiriiska ayaa ka hadashay sababaha madaxweynaha kenya Uhurra Kenyatta uga qeyb galayo shirka Soomaaliya uga furmaya dalka Ingiriiska gaar ahaan magaalada London.
 Wasaarada arimaha dibada Ingiriiska ayaa lagu sheegay in madaxweynaha Kenya looga yeeray magaalada London si uu uga qeyb galo shirkaasi.
 Masuul u hadlay wasaarada arimaha dibada ingiriiska ayaa sheegay in Kenya ay daris la tahay Soomaaliya sidoo kalena ciidamo ay ka joogaan gudaha Soomaaliya kuwaasi oo ku howlgallo magaca Amisom sidaasi darteedna loogu yeeray madaxweyne Uhurra Kenyatta.
Waxa uu noqonayaa safarkisii ugu horeeyay oo uu ku tago mid kamid ah caasimadaha wadamada reer galbeedka waxii ka dambeeyay doorashadiisa bishii March, waxaana dowlada Britain iyo dowlado kale ay sheegeen ka hor guushiisa inay la shaqeyn doonaan cid walbaa oo hogaanka Kenya qabato.
 Shirka London ee lagu wado inuu dhaco mishan ayaa waxaa lagu wadaa inay ka qeyb galaan madax ka kala socota wadamada caalamka gaar ahaan madax ka socota Afrika.
 Madaxda dalalka ku bahoobay IGAD oo ka hadlay arrinta qaxootiga Soomaalida.
Madaxda waddamada Urur-goboleedka( IGAD) oo shalay ku shiray magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia ayaa isku raacay in qaxootiga Soomaalida ah ee ku nool waddamada deriska dib loogu celiyo dalkooda.
Madaxda ayaa ka wada hadlay in si nidaamsan oo waafaqsan shuruucda caaalamiga dib dalkooda loogu celiyo qaxootiga Soomaalida ah, iyadoo qorshahaas ay qeyb ka yihiin qurba joogta Soomaaliyeed iyo hay’adda Qaramada  Midoobay u qaabilsan qaxootiga ee UNHCR iyo xubnaha beesha caalamka.
Madaxda IGAD ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay ku guuleysatay dib u soo celinta nabadgelyada ayna  la wareegtay gobollo horey ugu jirtay gacanta maleeshiyada al-Shabaab, iyagoo tilmaamay in taas ay horseedi karto in la helo deegaanno dib loogu celiyo qaxootiga Soomaalida ah ee ku nool waddamada deriska.
Boqollaal kun oo qaxooti Soomaaliyeed ayaa ku nool 20-kii sano ee la soo dhaafay  xeryo qaxooti oo ku yaalla waddamada deriska kuwaasoo ka soo cararay dagaalladii dalka ka dhacay.
Soomaaliya oo lix bilood Kadib Guul Taariikhi ah U soo Hoyatay
Wasiirka arimaha dibada Soomaaliya, Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan, ayaa waxa ay sheegtay in Soomaaliya ay guul lataaban karo kala soo laabatay shirkii IGAD ee Addis Ababa ka dhacay.
 “Lix bilood ayaan soo wadnay dadaalka ah in Soomaaliya loo madax baneeyo arimhaheeda oo ogu danbeyn lagu guuleestay shalay” Foosiyo ayaa ku faantay.
 “7-da dal ee IGAD waa isku raaceen in Soomaaliya ay arinteeda iyadu u madax banaantahay oo cid ku fara gelineysa aysan jirin. Taageerana lagu siiyo Soomaalida sidii ay ugu guuleysan laheyd dib u dhiska dalka”, intaa wsiirka ayaa ku dartay hadalkeeda.
Wasiirka arimaha dibada Soomaaliya ayaa hadalkaan shaacisay maanta kadib markii wafdi ay kamid tahay oo madaxweynaha Soomaaliya uu hor kacayay ay dalka ku soo laabteen kadib shirkii ay shalay uga qeyb galeen shirkii Addis Ababa ee IGAD ay lahaayeen.
 Dowlada Soomaaliya ayaa waayihii danbe waxa ay dadaal ugu jirtay qaabkii ay isaga hor wareejin laheyd go’aan urur gobaleedka IGAD ay qaateen oo ahaa in maamulada dalka ay iyagu sameyntooda saameyn ku yeeshaan.

Ciidamada dowlada oo la wareegay mid kamid ah degmooyika ugu muhiimsanaa koofurta Soomaaliya
Ciidamada dowlada Soomaaliya ayaa la wareegay gacan ku heyta degmada Tiyigloow ee gobalka Bakool kadib dagaal halkaasi ay ku qaadeen
 Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in deegaankaasi ay meleteriga Soomaaliya gacanta ku dhigeen kadib weerar qorsheysan oo Shabaabka looga saarayay iyada oo habeenkii xalay ahaa Tayiglow gacanta dowalda Soomaaliya ay ku hoyatay afar sano kadib.
 Ciidamada dowlada Soomaaliya ayaa saaka howlgalo balaaran ka kabilaabay degmada Tiyeglow iyo tuulada Moora-gaabay oo ka tirsan gobolka Bakool, waxaana wararku intaa ku darayaan in dadka deegaanka oo aad ugu faraxsan gaaritaanka ciidanka dowlada ay hanbalyeynayaan ciidanka qalabka sida.
Maxamed Macalin Axmed oo ka mid ah mas’uuliyiinta gobolka Bokool ayaa Shabakada Allsomalia.com u  sheegay in dagaalkaas Shabaabka qasaare ka soo gaaray inkasta oo Shabaabkuna ay waraahinta afkooda ku hadasha ku daabaceen in ay dowlada ciidamadeeda qasaara ku gaarsiiyeen.
 Degmada Tiyeglow oo 90 KM magaalada Xudur ka xigta dhanka Hiiraan ayaa waxa ay aheyd degmo Muhiim u ah cid kasta oo gacanta ku heysa waxa ayna dhabar jab ku tahay la wareegitaankeeda kooxda Shabaab oo waayihii danbe lumineysay deegaanno fara badan oo koofurta soomaaliya dhaca.
IGAD oo guddi u saaraysa arrimaha Kismaayo
Urur-goboleedka IGAD ayaa guddi qiimeeya u saaraya arrimaha gobollada Jubbooyinka, gaar ahaan magaalada Kismaayo.
War-murtiyeed ay shalay madaxda waddamada IGAD ka soo saareen shir aan caadi ahayn oo ay ku yeesheen magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia ayaa lagu sheegay inay go’aansadeen in guddi loo saaro magaalada Kismaayo, waxaana guddiga la sheegay inuu hoggaamin doono xogayaha fulinta ee ururka.
Guddiga oo sidoo kale ay xubno ka noqon doonaan wafuud ka socota dalalka IGAD iyo saraakiil dowladda Soomaaliya ka tirsan ayaa la sheegay inay dhisayaan kalsoonida, isla markaana qiimeynayaan xaaladda magaalada Kismaayo.
Sida lagu sheegay war-saxaafadeedka, guddiga ayay howshiisa noqon doontaa inay warbixin u gudbiyaan madaxda Midowga Afrika marka uu furmo shirka AU oo bishan dhacaya.
Madaxda IGAD ayaa carrabka ku adkeeday inay taageersan yihiin in dowladda federal-ka ah ee Soomaaliya ay hoggaamiso xasilinta iyo dib-u-dhiska dalka.
Magaalada Kismaayo waxaa ka socda shir maamul loogu sameynayo gobollada Jubbooyinka, arrintaasi oo ay dowladda federal-ka dhowr-jeer si cad u sheegtay inaanay aqoonsan doonin natiijada ka dhalata.
Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland oo Shaaciyay inuusan ka Qeyb Galeeyn Shirka London
Maamulka Puntland ayaa sheegay inaanu ka qaybgalaynin shirka 7-da bishan May ka furmaya magaalada London ee looga hadlayo arrimaha Soomaaliya.
 War-saxaafadeed ka soo baxay Puntland ayaa lagu sheegay in maamulka uusan casuumaad rasmi ah ka helin dhinacyada shirka, sidaas darteedna aanay wafdi u diri doonin.
 Puntland waxay sheegtay in dhambaal ku saabsan mowqifka ay ka taagan tahay ay u gudbinayso shirka London.
“Intaa waxaa dheer, Puntland waxay aad uga wal-walsan tahay horumarinta dastuurka federal-ka ee kumeel gaarka ah ee ay Nairobi ku oggolaadeen saxiixeyaashii dhabbihii nabadda (June 22-keedii, 2012), Qaramada Midoobayna ay saxiixday iyadoo damiin ah, isla markaana ay si aqlabiyad ah ku ansaxiyeen argooyinkii qaran ee ansixinta dastuurka.” Ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka Puntland.
 Madaxweynaha dowladda federal-ka ah ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhowaan booqasho ku tagay magaalada Garoowe ee xarunta Puntland, halkaas oo uu kulan kula qaatay madaxweynaha maamul-ka Puntland. Puntland waxay sheegtay in madaxweynaha uu ka hor-yimid ajandeyaal ay doonaysay inay kala hadasho.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Oo Wasiirka Warfaafinta Ka Gudoomay Boostadii Ugu Horeysay Ee Lasoo Diro Kadib Ku Guuleysashada Dib U Howlgelinta Boostada
Ayadoo ay iminka si rasmi ah u shaqeyneyso Boostada dalkeenna islamarkaana dhowaan uu ku guuleystay Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta,Boostada,isgaarsiinta iyo Gaadiidka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya in lasoo celiyo adeegga Boostada Soomaaliya mudo 24sano kadib ayaa maanta Boostadii ugu horeysay ee lasoo diro kadib dib u howlgelinta Boostada waxaa maanta lagu wareejiyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.
 Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta,Boostada,Isgaarsiinta iyo Gaadiidka Xukuumadda Soomaaliya Mudane C/llaahi Ciilmooge Xirsi ayaa maanta si rasmi ah ugu wareejiyey Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud Waraaqadihii Boostada ahaa ee iyagu noqday kuwii ugu horeeyey ee lagusoo diro Boostada Dalkeenna tan iyo intii dib loo howlgeliyey ayadoo warqadahaasina ay gaarayeen ilaa Seddax warqadood.
 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo hadlay markii uu warqadahaasi ka gudoomay Wasiirka Warfaafinta ayaa waxa uu Wasiirka ku ammaanay dadaalkii faraha badnaa ee keenay in lagu guuleysto islamarkaana dib loo howlgeliyey Boostada Dalkeenna mudo 24sano kadib waxaana uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku booriyey Wasiirka Warfaafinta inuu sii wado dadaalladiisa hagar la’aaneed ee uu ugu jiro dib usoo celinta adeegyadii kala duwanaa ee uu dalku lahaa burburkii ka hor.
 “waa guul usoo hooyatay shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed in mudo 24sano kadib dib ay u shaqeeyso Boostadii Dalkeenna oo aan aaminsanahay in baahi weyn loo qabay waxaana runtii jeclahay inaan aad ugu mahad celiyo dadkii dadaalka faraha badan ku bixiyey guushaas taariikhiga ah oo uu ugu horeeyo Wasiirka Warfaafinta waxaanna leeyahay Wasiirka sii wad dadaalkaaga,Allena hakuugu guuleeyo”ayuu yiri Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.
 Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta,Boostada,Isgaarsiinta iyo Gaadiidka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane C/laahi Ciilmooge Xirsi ayaa isaguna  sheegay in guud ahaanba shacabka Soomaaliyeed wixii hada ka dambeeya ay si rasmi ah u isticmaali karaan Boostada islamarkaana ay u furantahay waxaana uu Wasiirku uga mahad celiyey dhammaanba mas’uuliyiinta iyo howlwadeennada Wasaaradda sida ay dadaalkaasi gacan ugu geysteen.
 Guud ahaan shacbiga Soomaaliyeed ayaa guul weyn u arka talaabadii dhowaan uu Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta,Boostada,Isgaarsiinta iyo Gaadiidka Xukuumadda Soomaaliya Mudane C/laahi Ciilmooge ugu guuleystay inuu dib u howlgeliyo Boostadii Dalkeenna oo aanay iyadu shaqeyn mudadii uu dalku burburka ka jiray
Janaale oo Xaalad Kacsanaana Ka Jirto
Wararka ka imaanayo degmada Janaale ee Gobolka Shabellaha Hoose ayaa waxaa ay ku waramayaan in halkaa manta ay ka taagan tahay xiisad u dhaxeeysa ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM oo isku dhinac ah iyo Kuwa Al Shabaab.
 Xiisadaan ayaa waxaa ay ka dambeeysay kadib dagaalo saacadihii ugu dambeeyay  ku dhexmaray degamadaasi ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM oo isku dhinac ah iyo Kuwa Al Shabaab.

 Dhaqdhaqaaqaan dagaal ayaa waxaa laga dareemayaa meel duleedka ka ah degmadda Janaale ee gobolka Shabellaha Hoose sida uu ku soo waramay wariyaha idaacada Mustaqbal ee Gobolka Shabellaha Hoose.
Dowladda Cumaan oo Abaalmarin gudoonsiisay Madaxda Jaaliyada ee Dalkaas. Sawirro
Jaaliyada soomaliyeed  ee ku dhaqan wadan kaan cumaan ayaa waxa ay casumaad ka heshay  madaxda ugu sareysa  wadan ka cumaan  Waxaana lagu donsiyey abaal Marino.
 Casumaadaan  loo fidiyey jaaliyada Soomaliyeed  ee  ku dhaqan wadan kaan cumaan ayaa waxaa ay dabatiil ka dib markii  11.04 .2013   ay jaaliyada Soomaliyeed ku guulaysteen  kaalinta koo waad ee  bandhigii cunooyin ka iyo hidaha iyo  dhaqan Jaaliyadaha   oo ay ku kartamayeen  15-ka jaaliyadood   ee ugu waa weyn wadan kan cumaan.
 Munaasabadaan  ayaa   waxaa  ka soo qayb galay dhamaan dadweynha  jaaliyada Soomaalyeed oo kor udhafayeyy boqolaal qof.
 Munaasabadaan  loogu yeeray   jaaliyad soomaaliyeed ayaa  waxaa    hadalo ka soo jeediyeyy   Ma’suuliyin sar sare oo ay ka mid  ahayeen Wasiirka arimaha Dibada cumaan yusuf sheikh calawi iyo muxaafidka   gobolka dhufaar iyo   wasiirka belediyha  saraakiisha  ciidamada policeka  ,iyo ,madax kale oo ka saocday dawlada.
 Sidoo kale waxaa  ka so qayb galay    shuyuukh waaweyn oo caanka ah  magalada salaalah
 Jaaliyada soomaliyeed ayaa   madashaan waxaay ka soo jeediyeen   khudbado  ku baxayeyy  afka  carabiga iyo ingiliikha    waxana   soo jeediyeyy  Gudoomiyaha  jaaliyada soomliyeed barkhad shekeyye iyo aqoonyahan cumlima  udiinka  jaaliyada soomaliyeed    sida  oo kale waxay  soo jeediyeen muxadarooyin     qiira geliyeyy  dhamaan dadweynhihii isugu yimaaday madashaan.



Faysal Cali waraabe”Maamul u samaynta gobolada dalka ha looga danbeeyo Dowladda Soomaaliya”

Injiner Faysal Cali Waraabe, Gudoomiyaha Xizbiga UCID ee Somaliland ayaa waxa uu taageero ku siiyay dowalada Soomaaliya shirka maamul u sameynta gobalada Jubooyinka iyo Gedo.
 “Maamul u samaynta gobolada dalka ha looga danbeeyo Dowladda Soomaaliya”, Injiner Faysal Cali Waraabe ayaa yiri .
 Waxa uu intaa ku daray, “Dowlada waan ku taageersanahay halka ay ka istaagtay maamulka Kismaayo. Dowladu waa ku saxsantahay in ay maamullo gobalada u sameyso. Waxaan leeyahay qabiil waxba laguma dhisi karo. Dowlada ayaa waxa ay xaq u yeelaneysaa masiirka dalka. Qolada diidan ee qasaya dan gaar ah ayeey leeyihiin”.
Kulan looga hadlayay Burcad badeeda oo Muqdisho lagu qabtay “sawirro”
Xarunta macluumaadka ka hor-tagga burcad badeedda Soomaaliyeed ayaa maanta kulan lagu soo bandhigay daraasad ay sameysay xaruntu oo ay ka qeyb galeen qeybaha bulshada, culimo Soomaaliyeed, xildhibaano ka tirsan Baaralamaanka Federaalka, wasiir ku xigeenka wasaaradda Warfaafinta iyo isgaarsiinta iyo wakiilo caalami ah ku qabatay hoteelka Jaziira Palace ee magaalada Muqdisho.
 Guddoomiyaha xarunta SAPIC C/llaahi Xirsi oo kulanka furay ayaa sheegay in dhibaatada dhaqan-dhaqaale ee ay burcad badeeddu ku hayaan dalka ay u baahan tahay in looga hortago laguna suuliyo dadaal wadareed oo ka yimaada bulshada Soomaaliyeed, ayadoo la dhageysanayo isla markaana lala shaqeynayo dadka deegaanka.  Taas oo horseedi doonto in burcadda badda hubka laga dhigo lana siiyo xuquuqdooda.
 Sheekh Nuur Baaruud Gurxan oo ka mid ah culimada ugu caansan waddanka oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in falalka burcad-badeeddu uu yahay mid xaaraam ah marka loo fiiriyo diinta Islaamka, maadaama lagu geysanayo afduub dad, dil,  dhac hanti dadeed iyo sharaftii Soomaaliyeed oo ay dhaawaceen.
 Wuxuu sidoo kale sheegay in burcad-badeedda xukunkoodu uu la mid yahay burcadda berriga, isagoo bulshada ugu baaqay inay ka waaniyaan dhallinyarada Soomaaliyeed ficilladaasi.
 Wasiirkii hore ee Gaashaan-dhigga ahna mudane ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Xuseen Carab Ciise ayaa sheegay in burcad-badeedda sida looga hortagi karo ay sal u tahay in la dhiso ciidamado Soomaaliyeed oo Badda ilaaliya loona helo dhaqaale, taas oo ka waxtar badanaan doonta howl galka ay lacagta badani ku baxdo ee ay ciidamada caalamiga ahi fuliyaan. Sidoo kale wuxuu ka qeyb-galayaasha kulanka uga jawaabay su’aalo ku saabsan qaabka ay dowladdu ama bulshadu uga shaqeyn karto in la helo in biyaha Soomaaliya ay noqdaan kuwo aan lagu arag burcad-badeed Soomaali ah.
 Mudane Xasan Abshir Faarax oo horay R/wasaare uga soo noqday dalka ayaa isaguna ka hadlay kulanka  ayaa tilmaamay in loo baahan yahay in la helo bulsho abaabulan iyo dowlad shaqeysa si loo gaaro hadafka ah in la dhameeyo burcad badeednimada isagoo bogaadiyay dadaalada ay wadaan hay’adaha maxaliga ah oo kaashanaya dowladda iyo caalamkaba.
 Wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta, isgaarsiinta iyo gaadiidka C/shakuur Cali Mire oo kulanka hadal ka jeediyay ayaa soo dhaweeyay shaqada ay heyso xarunta SAPIC isagoo  tilmaamay in dadka Soomaaliyeed ay wax xun u arkaan u arkaan burcadbadeedda si la mid ah sunta lagu shubayo badda Soomaaliya, wuxuu intaa ku daray in loo baahan yahay in wacyi galinta la gaarsiiyo gobollada dalka gaar ahaan kuwa saldhigyada ay ku leeyihiin burcad badeeddu, taas oo ay dowladdu gacan ka geysan doonto ayadoo isticmaaleysa warbaahinta dowladda.
 “Waxaa muhiim ah sidii dadka deegaanka ay falalku ka dhacaan fariinta loo gaarsiin lahaa, taasna dowladdu gacan ayay ka geysanaysaa ayadoo isticmaaleysa Radio Muqdisho oo la geynayo gobollada iyo SNTV” ayuu yiri wasiir ku xigeenku.


Ciidamada amaanka Balanballe oo gacanta ku soo dhigay qof rasaas ku furay goob ay ku sugnayeen dad shacab ah
Ciidamada ammaanka degmada Balanballe ayaa gacanta ku soo dhigtay nin rasaas ku furay goob ay dad weyne ku sugnayeen iyadoo  rasaas taasi  hal qof uu ku dhintay mid kalena uu ku dhaawacmay.
 Howlgalkan ay fuliyeen ciidamada Amaanka dagmada Balanballe ee gobolka Galgaduud ayaa waxa ay gacanta ku soo dhigeen ruux rasaas ku furay goob ay dhalinyaro ku dawanayeen ciyaar, waxaana goobta ku geeriyooday halka Ruux halka mid kale uu ku dhaawac ka soo gaaray.
 Guddoomiyaha dagmada Balanballe Hareeri Xasan Bare oo ka la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in howlgalka ay fuliyeen ciidamada ay gacanta ku soo dhigeen shaqsigii rasaasta ku furay goobta ay ku sugnayaan dadka shacabka ah.
 Waxa uuna intaasi ku daray in howlaglka ay gacan ka siyeen ciidamada shacabka ku dhaqan dagmada, isagoona intaasi ku daray in la soo tagayo maxkamada qofkii rasaasta furay.
Machadka Chatham House oo London kulan u qabatay qaar ka mid ah hay'adaha samafalka ee Soomaaliya
Kulan balaaran oo ay soo qabanqaabiyeen Chatham House oo ay ka hadlayeen madaxda hayadaha samafalka ayaa ka dhacay magaalada London maalintii Jimcaha. Hay’adaha xogwaranka soo jeediyey oo kala ahaa Somali Relief Development Forum oo ay magacooda ku hadleysay Raxma Ahmed, Elman Peace and Human Rights Centre oo ay magcacooda ku hadleysay Fartuun Adan, Wajer South Development Association oo magacooda ku hadlayey, Caydarus Daar iyo Abdi Adan Ali oo ku hadlayey magaca isbaheysi badan oo kaalmo ka geysta Soomaaliya ka dib markii ay heli wayeen dal ku galka wadanka Ingiriiska.
 Ugu horeyntii waxaa ka hadlay Fartuun Adan oo ah madaxa Elman Peace and Human Right Centre. Waxay ka hadashay tariikhda dheer ee ururkan iyo siduu  mar walba ugu dhex shaqynayey bulshada 20-kii sano ee la soo dhaafay. Waxay ka hadashay mashruuca ay ku caawiyeen haweenka kufsiga loo geysto. Waxaa isna aad u sharaxay shaqada ay ka qabtaan ee dhinaca waraabka, quudinta iyo caawimida dhaqaale ay ka geystaan koofurta soomaaliya Cydaruus Daar oo ah howlwadeen ka socda hay’adda South Wajer Development Association. Rahma Ahmed oo ku hadashay ururka Somali Relief Development Forum oo soo jeedisay waxyaabihii ay ku soo aragtay socdaal ay baaritaan ay ku martay Soomaliya. Waxay ka hadashay sida bulshada ay ugu xirmeen caawimaada iyo ururada aad u soo badanaya oo shaqadoodu aad isugu dhow dayahay. Waxaa ugu dambeyntii hadalka qaatay Abdi Adan Ali oo ka hawlgala ururka Saferworld wuxuu ka hadlay siday muhiim u tahay in dawladdu u wajacdo nabad ku dabaalka dalka oo ay lama huraan tahay si ay hayadha samafalku u shaqeeyaan.
Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliya oo ka hadlay Munaasabad lagu soo dhaweynayay maamulka dagmada Dayniile oo lagu qabtay dagmadaasi
Munaasabad lagu soo dhaweynayay maamulka cusub ee degmada Dayniile islamarkaana ay ka qeyb galeen masuuliyiin ka tirsan dowladda ayaa lagu qabtay degmada Dayniile ee gobolka Banaadir.
 Xafladan soo dhaweyn maamulka dagmada Dayniile ee gobolka banaadir ayaa waxaa ka qeyb galay wasiirka arrimaha gudaha iyo amaanka Qaranka, wasiiru dowlaha wasaaradda arrimaha dibada, xubno ka tirsan maamulka gobolka, odayaal dhaqameedyo iyo shacab ad u badan.
 Guddoomiyaha Odayasha dhaqanka Beelaha daga Muqdisho Nabadoon Maxamed Xasan Xaad ayaa sheegay in dagmada Dayniile ay ku nool yihiin shacab badan ayna u baahan tahay in laga hormariyo waxyaabaha aas aasiga u ah bulshada si ay ula jaan qadaan shacabka kale ee ku dhaqan dagmooyinka Gobolka Banaadir.
 Sidoo kale guddoomiyaha dagmada Dayniile Xiirey Muxudiin Cumar ayaa tilmaamay in sida ugu dhaqsiyaha badan ay u dib ugu soo celin donaan adeegyada aas aasiga u ah bulshada, waxa uuna ugu baaqay shacabka ku dhaqan dagmadaasi in ay gacan ka siyaan sugida amaanka dagmada.
 Ugu dambeyntii munaasabada waxaa hadal ka jeediyay wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo amaanka Qaranka xukuumadda Soomaaliya C/kariim Xuseen Guuleed waxa uuna tilmaamay in maamulka cusub ee dagmada looga baahan yahay in ay fuliyaan balantii ay soo qadeen taas oo aheyd in muddo Saddex bilood gudahood ah ay ku soo celinayaan amaanka iyo waxyaabaha aas aasiga u ah nolosha shacabka dagmadaasi.
 Dhawaan ayey aheyd markii munaasabad ay xilka kula kala waregayeen guddoomiyaha cusub ee dagmada Dayniile iyo kii hore oo lagu qabtay xarunta dagmadaasi kadib markii uu si rasmi ah maamulka gobolka uu ugu magacaabay guddoomiyaha cusub.
QM oo war kasoo saartay shirka loo qabanayo Somalia ee London
New York (Caasimada Online) War-qoraal ah oo  ka soo baxay Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay, in ay u dirayaan wafdi shirka 7-da bishan May ka dhacaya magaalada London ee dalka Ingiriiska.
Wafdiga ka socda QM ayaa la sheegay in hoggaamin doono ku-xigeenka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Jan Eliasson iyo saraakiil kale.
Afhayeenka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Martin Nesirky ayaa warbaahinta u sheegay in Jan Eliasson uu ka qeyb geli doono shirka London ee arrimaha Soomaaliya, oo ay si wadajir ah u martigelinayaan dowladaha Soomaaliya iyo Ingiriiska.
Mr. Nesirky ayaa sidoo kale shaaciyay in ku-xigeenka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay uu khudbad ka jeedin doono shirweynaha isagoo ku hadlaya magaca xoghayaha guud Ban Ki-Moon.
Sida laga soo xigtay website-ka dowlada Ingiriiska ee arrimaha dibadda waxaa shirka ay ku marti qaadeen dowladaha Soomaaliya iyo Ingiriiska in ka badan 50  dal iyo ururro caalami ah oo ay ku jiraan Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, hay’adda lacagta Adduunka ee IMF iyo dalalka deriska iyo saaxiibbada la ah Soomaaliya.
Shirka London aad ayaa rajo wanaagsan looga muujinayaa, waxaana lagu wadaa in ay ka soo baxaaan qoddobo muhiim u  dowladda Soomaaliya.
Dowladda Britain ayaa hadda billowday dar-dar xooggan oo ku aadan xiriirka ay la sameeneyso dowladda Soomaaliya.
Dhawaan magaalada Muqdisho waxa ay ka furatay safaaradii Britain 20-sanno kaddib, danjiraha cusub ee QM ayaa u dhashay dalka Ingiriiska.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...