Sunday 5 May 2013

Xasan Sheekh Maxamuud "Orod iyo Dadaal Qaab Darra Ah Ayaan Wadnaa Dhagar qabayaashu Annaga ayay Nagu Dhaxjiraan" Dhageyso.



Written by Maamul on .
somalimemo.netHoggaamiyaha DF-ka ayaa walaac ka muujiyay weerarada xoogan oo ay ciidanka Xarakada Al Shabaab ka fuliyaan inta badan degmooyinka magaalada Muqdisho.

Xasan Sheekh Maxamuud oo war kasoo saaray qaraxii maanta ayaa sheegay in weerar halis ah ay ka badbaadeen saraakiil Ajaanib ah oo ka socda dowladda Qadar oo uu ku tilmaamay “Saaxiibo dhaw”.


Wuxuu dhaliilay ciidanka ammaanka DF-ka iyo kuwa wardoonka oo uu sheegay in ay si qaab darra ah wax u ilaaliyaan “waxaan rabaa in aan idiin sheego in dhagar qabayaashu nagu dhax jiraan jidka ayay taaganyihiin,orodka iyo dadaalka aan wadno waa qaab darro”ayuu yiri Xasan Gurguurte.


Mas’uulkan ugu sareeya DF-ka ayaa shacabka Muqdisho ku eedeeyay in ay taageeraan xarakada Shabaabul Mujaahidiin maadaama weerarada ay kasoo abaabulaan shacabka dhaxdooda.

Halkan ka dhagayso Xasan Sheekh Maxamuud oo Walaac Muujinaya MP3

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...