Monday 3 June 2013

Kusimaha Madaxweynaha oo kulan la qaatay danjiraha Q.M ee Soomaaliya “sawirro”


Published on June 3, 2013 by    ·   No Comments  ·   1,457 views
Mr nicholas Kay u qaabilsanaha Qaramada Midoobay arrimaha Soomaaliya ayaa kulanka uu maanta la qaatay kusimaha Madaxweynaha ahna guddoomiyaha Baarlamaanka jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Maxamed Shiiq Cusmaan “Jawaari” waxa uu ahaa mid looga hadlayay wajiga cusub ee howlgalka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya iyo xafiiskan cusub ee UNSOM sida uu u waji lahaa howlaha uu u xilsaaranyahay.
Kulanka dhaxmaray danjiraha Q.M. ee Soomaaliya Nicholas Kay iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka ahna kusimaha madaxweynaha waxaa goob joog ka ahaa guddoomiye kuxigeenka koowaad ee Baarlamaanka iyo guddoomiyaasha gudiyada joogtada ah ee golaha shacabka, markii uu soo gaba gaboobay ayeyna si wadajir ah warbaahinta u la hadleen Mudane Maxamed Cusmaan iyo Nicholas Kay.
Ugu horeyntii waxaa saxaafadda la hadlay ku simaha Madaxweynaha ahna afhayeenka Baarlamanka Soomaaliya waxa uuna sheegay in lagama maarmaan ay tahay in dowladda Soomaaliya laga caawiyo howlaha badan ee wax loogu qabanayo dalka iyo dadka isagoona rajo wanaagsan ka muujiyay guddoomiyaha in UNSOM ay wax badan kala qaban doonto.
Mr Nicholas Kay danjiraha cusub ee Q.M u qaabilsan Soomaaliya ayaa dhankiisa muujiyay sida uu diyaarka ugu yahay inuu si daacad ah uga shaqeeyo arrimaha Soomaaliya oo loo xilsaaray.
Golaha Amaanka ee Q.M. ayaa kulan ay Labadii bishii May ee sanadkan kulan ay yesheen waxa ay isku raaceen in la furo wajiga cusub ee howlgalka Qaramada Midobay ee ku aadan kaalmada Soomaaliya oo ay ugu magac dareen UNSOM kaas oo badalay xafiiska siyaasida Q.M u qaabilsanaa ee UNPOS kaas oo shaqadiisa ku ekeed maanta oo ay taarikhdu tahay 03.06.2013-ka.
DSC02882
DSC02883
DSC02884
DSC02887
DSC02889
DSC02891
DSC02894

DSC02921

DSC02916Photo By Maxamed Ibraahim Raage “Honest”

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...