Waxa uu sheegay Yuusuf Indhacade in xiligaan aysan macquul ahayn in doorshada dib loo dhigo waxa uuna sheegay in ay xiligeeda dhici doonto doorshada.
General Yuusuf maxamed Siyaad Indhacade ayaa waxa uu tilmaamay in wax lagama maar maan ah ay tahay in doorshada la qabto isla markaana la doorto Madaxwayanaha iyo gudoomiyaha baaralamaanka.
Waxa uu tilmaamay in gudomiyaha baarlamaanka uu diyaar u yahay doorashada isla markaana madaxwaynaha uu san diidi Karin in ay doorshada xiligeeda dhacdo.
“Hadii uu madaxwayanaha Soomaaliya uu diido doorshada waxaa soo bixi doono Madaxwayneyaal badan kuwaasna aniga ayaa kow ka ah” ayuu yiri General Indhacade.
Waxa uu sidoo kale uu sheegay in xiligaan aysan jirin cid ka xigta in uu madaxwayne noqdo waxaa hadii doorshada la diido sida uu sheegay, waxa uu sidoo kale uu hadal kiisa intaa uu ku siidaray in uu helayo xildhibaano badan oo taageera isla maraakanaa siiya.
RBC Radio
xafiiska Wararka Muqdisho
No comments:
Post a Comment