Khudbada oo ka hadlaysa dhinacyo kala duwan, ayaanu haddaba gebi ahaanteeda halkaan ku soo gudbinaynaa:-
Maanta oo ay taariikhdu tahay 18 ka May waxaynu u dabaaldagaynaa sannad-guuradii 20 aad ee dib ula soo noqoshada madaxbannaanideena. Maalintani waa maalin ku weyn Qarankan Somaliland. Mudanayaal iyo Marwooyin, munaasibada maalintan qaaliga ah waxaan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa dhammaan shacbiweynaha reSomaliland dib iyo gudo meel kasta oo ay joogaan, waxaan hambalyo iyo bogaadin gaar ah u dirayaa ciidamadda kala duwan ee Qaranka, kuwaas oo ka mid ah astaamaha iyo tiirarka uu Qarankani ku taagan yahay.
Sidoo kale, waxaan hambalyo iyo bogaadin gaar ah u dirayaa dhammaan golayaasha kala duwan ee Dawladda, kuwaas oo ah unugga iyo aasaaska Qaranimadda. Waxaan kale oo aan hambalyo iyo bogaadin gaar ah u dirayaa duqayda, waxgaradka, madaxdhaqameedka iyo culima-awdiinka kuwaas oo ah mudankii badbaadiyey bulshadan aan maanta hoggaaminayo. Waxa xusid mudan, oo aan hambalyo iyo bogaadin gaar ah u dirayaa dhalinyradda iyo aqoonyahanka oo ah kuwii dhiigooda ku waraabiyey dhalashada gobanimadda.Sii akhri
No comments:
Post a Comment