Wasiirka Ganacsiga iyo Wasiirka Warfaafinta Soomaaliland ayaa la sheegay in ay xireen Duqa degmada Laascaanood kadib markii ay amar buuxa siiyeen Taliyaha Booliska Gobolka Sool in uu mas’uulkaasi soo xiro.
Axmed Daahir Xaaji ayaa xabsiga Laascaanood ku jira ku dhowaad 24 saac, waxaana soo baxaya warar ku saabsan ujeedada xariga Duqa degmada Laascaanood.
Soomaaliland ayaa walaac ka muujisay howlaha la sheegay in Duqa Laascaanood uu lugaha kula jiro, waxayna u aragtay kulamada uu la lahaa Odayaasha dhaqanka ay yihiin kuwa looga soo horjeedo siyaasada Soomaaliland, waxaana qaar ka mid ah Wasiirada Soomaaliland oo ku sugan Laascaanood ay amar ku bixiyeen in Duqa la soo xiro.
Xariga Duqa Laascaanood ayaa waxaa caro ka muujiyey Odayaasha iyo Waxgaradka gobolka Sool oo sheegay in ay tahay arintaasi mid magac dil ah oo mas’uul sharafta looga qaadayo, waxayna maamulka Soomaaliland ka codsadeen in la sii daayo mas’uulkaasi oo xoriyadiisa dib loo siiyo.
RBC Radio
No comments:
Post a Comment