Sida laga soo xigtay dowladda Ethiopia waxaa deegaanka Jaleela ee dhulka Ismaamulka Soomaalida ee Kililka Shanaad lagu dilay 15 ruux oo ka tirsan Jabhada ONLF isla markaana waxaa la sheegay in halkaasi lagu qabtey lix ruux oo kale.
Dowladda Ethiopia waxay sheegtay in kooxdani ay ka tirsanaayeen Jabhada ONLF isla markaana ay ahaayeen 21 ruux oo intooda badan ku hubeysan qoryaha fudud iyo rasaastooda, waxayna dowladda Ethiopia sheegtay in kooxdani ay ka yimaadeen dhinaca magaalada Gaalkacyo oo ay ka soo galeen xadka Soomaaliya iyo Ethiopia.
Dowladda Ethiopia waxay sheegtay labada ruux ee ajnabiga ah ay sheegteen in ay yihiin Suxufiyiin ka yimid dalka Sweden hase ahaatee lagu hayo baaritaano si loo xaqiijiyo in ay suxufiyiin yihiin iyo in ay garab siinayeen Jabhada ONLF.
Saraakiisha dalka Ethiopia ayaa sheegay in ay hayeen xogta kooxdani la sheegay in ay ka tirsanaayeen ONLF oo ka koobnaa 21 ruux oo laba ka mid ah ay ahaayeen Ajaanib, waxaana dowladda Ethiopia ay sheegtay in dagaal ay ku qaadeen kooxdaasi oo ay ka dileen 15 ruux intii kalena gacanta ay ku hayaan haatan.
Ma jirto hadal ay arintani ka jeediyeen mas’uuliyiinta Ismaamulka Soomaalida ee Kililka Shanaad maadaama dhulka kooxdaasi lagula dagaalamay uu ahaa kan ay maamulaan, waxaana inta badan dhaca in kooxda ONLF ay dagaalo ba’an deegaanada Kililka Shanaad kula gasho dowladda Ethiopia.
RBC Radio.
No comments:
Post a Comment