Ciidamada Ilaalada ka Haya Air-potka Ayaa Ka jawaabay Weerarkaasi Duqaynta Ah Oo Uga Yimid Dhinaca Konfurta Magaalada Gaalkacyo Iyadna Lama Xaqiijinin Qasaaraha Ka Dhashay Duqayntaasi.
Duqaymahaan Ayaa waxaa la sheegayaa in ay ku lugleeyihiin malshiyaadkii weerarkii Shalay ku qaaday Baabuurkii caanaha siday Ee Ku Soo Jeeday Gaalkacyo Sida La Xaqiijiyay Kaas Oo Ay Qasaaro Ka Soo Gaartay Maleeshiyadii Gaariga Jidka U Gashay, Iminka Waxaa Kacsanaan Laga Dareemayaa Magaalada Gaalkacyo, Taas oo Ka Dhalatay Duqaymo Lagu Bartilmaameed saday Garoonka Diyaaradaha Magaaladan Gaalkacyo.
Duqayntaan Waxaa Laga Maqlaayay Qaybo Badan oo Kamid Ah Magaalada Gaalkacyo Taas oo Argagax Ku Beertay Dadka Ku Dhaqan magaalada Gaalkacyo.
Wixii ka soo Kordhana Waxaan Kala Socon Doontaan Warbaahinta Raxanreeb.com.
Axmed Maxamed (Rajaa)
Raxanreeb.com
Gaalkacyo
No comments:
Post a Comment