Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa sheegay in markii hore aysan qorshaha ugu jirin inay Jawaab ka bixiyaan eedeymihii ay usoo jeediyeen Maamulka Cabdiraxmaan Faroole iyo Jamaacada Al-Ictisaam,maadaama labadaas kooxood looga bartay inay si joogta ah uga been abuurtaan Mujaahidiinta, Balse ay Jawaabta u bixinayaan maadaama ay beesha uu sheekhu ka dhashay ay Xarakada ka codsadeen inay Jawaab kasoo bixiyaan eeda loosoo jeediyay.
Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa sidoo kale Jawaabta ku sheegay in Gudiga ay beeshu u saartay inay baaritaan ku sameeyaan cidii ka dambaysay dilkii Sh.Axmed aysan wax xiriir ah lasoo samaynin Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab si ay dhankooda uga ogaadaan go'aanka ay ka qabaan Dilka Sheekha iyo inay wax lug ah ku leeyihiin, arintaas oo ay Mujaahidiintu ku tilmaameen Marin-habaabin uu gudigu ku sameeyay amaanadii ay beeshu u xilsaaratay.
Jawaabta Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay kasoo saareen eedeyntii Beesha Leelkase halkaan ka Akhri
No comments:
Post a Comment