Muqdisho (RBC) Iyadoo weli uu meel sare marayo khilaafka ka oogmay kursiga baarlamaanka KMG Soomaaliya ayaa waxaa haddana socda wada xaajoodyo iyo gorgortan hoose oo dhinacyo kala duwan ay wadaan, siyaabo kala duwana u socda.
Waxaa magaalada Muqdisho haatan ku sugan Ilyaas Barre Shiil oo ah mudane ka tirsan baarlamaanka Kenya ahna u qeybsanaha dhanka Soomaaliya ee xafiiska raysul wasaaraha Kenya. Mudane Shiil wuxuu ku mashquulsan inuu u kala dabqaado Shariif Xasanoo beryahan xildhibaanada Soomaalida farqaha ku dhegan yihiin iyo Madoobe Nuunow oo ah ninka mudanayaal gaaraya 287 xildhibaan u doorteen gudoonka cusub ee baarlamaanka.
Xog Raxanreeb ka heshay ilo wareed la isku halleyn karo ayaa sheegaya in Ilyaas Barre Shiil labadii maalmood ee la soo dhaafay siyaabo kala gooni ah ula kulmay Shariif Xasan iyo Madoobe Nuunow. Habeen hore [Jimcihii] wuxuu hadba mar la kulmay qaar ka mid ah xildhibaanada iskhilaafsan si uu u dhageysto dooda la isku hayo.
Horraantii todobaadkan ayaa Mudane Faarax Macalin oo ah gudoomiye ku xigeenka baarlamaanka Kenya ahna nin saameyn ku leh siyaasada Kenya wuxuu kula taliyey Shariif Xasan inuu isaga tago jagada afhayeenka baarlamaanka, maadaama cod aqlabiyad ah looga qaaday jagada. [Akhri kulankii xilka looga qaaday Shariif Xasan 13-kii Disembar]
Mowqifka Shariif Xasan.
Shariif Xasan oo weli aan aaminsaneyn inuu waayey jagadiisa, si caadi ahna u jooga hoygiisa oo xafiis u ah ayaa raba inuu ku qanciyo Madoobe Nuunow inuu iskaga tago Gudoomiyenimada Barlamaanka ee la isku heysto. Shariif Xasan taasi af kaliya kuma rabee wuxuu ku qancinayaa lacag aanan cadadkeeda weli la heyn.
Gorgortan ayaa intiisa badan ka socda hotelka Naasa Hablood 2 oo uu degan yahay Madoobe Nuunow taasoo ka xanaajisay xubninii Baarlamaanka ee soo doortay keentayna inay soo buuxsamaan hoteelkii uu deganaa.
Ma cadda illaa hadda in Madoobe Nuunow uu arinkan ogol yahay iyo in kale. Isku dayo Raxanreeb u gashay in aan ugu yaraan arintaan wax kaga weydiino ayaan suurtagelin.
Farriin ka timid Djibouti
Dorraad [Arbacadii 11 Jan 2012], Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa soo wacay Madaxweyne Shariif Axmed, isaga oo kala hadlay dhameynta khilaafka barlamaanka. Sida xogtan aan ku heleyno, Wicitaanka Madaxweynaha Djibouti waxay ka dhalatay ka dib markii xildhibaano kala metelayey labada garab ee baarlamaanka ay isku qabsadeen ciddii ku fariisan lahayd kursiga Soomaaliya, taasoo ku dhalisay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle inuu soo farageliyo khilaafka golaha shacabka. [Muran ka dhashay shirkii Jabuuti].
Ilaha aan warkaan ka helnay waxay sheegayaan in madaxweynaha Djibouti uu ku qanacsan yahay in Shariif Xasan iskaga tago afhayeenimada Baarlamaanka Soomaaliya taladaasi oo madaxweyne Shariifna sideedii ugu gudbiyey Shariif Xasan isla habeenkii xigay una sheegay in ay tahay talada Madaxweyne Geelle.
Shariif Xasan ayaan diidmo toos ah ka hor keenin arrinkaa hase yeeshee wuxuu weydiistay in la sagootiyo maadaama uu tanaasul sameynaayo.
“SAGOOTIN”
Xeeldheerayaasha aadka ugu dhex jira siyaasada Soomaalida, waxay leeyihiin “SAGOOTIN” Waa hadal la asluubeeyey oo beryahan dambe ay isticmaalaan kolka ay siyiisiyiinta Soomaalida ku gorgortamaan qaarkood marka ay tagto laba daran mid dooro, laakiin caadi ahaan ay iska caddahay inay tahay “baad siyaadadeed” oo la kala qaato.
Shariif Xasan wuxuu ku cataabay inay gashay deyn dhan $2 milyan [2 milyan oo doolar] intii uu jagada hayay, sidaa darteed ay adag tahay inuu jagada ka dago isaga oo qaameysan.
Isla tan oo kale waxaa jagadooda uga dagay inta la ogyahay Cali Maxamed Geeddi 2007, Cumar C/rashiid Sharma’arke 2010 iyo xitaa Maxamed C/laahi Farmaajo 2011 .
Walow aan lahayn caddeyn na taabsiin karta cadadka lacagta lagu qanciyey raggaan iyo dukumintiga ay ku baxday, ayaa hadane ah wax marka aad dadka weydiiso laguu sheegayo mid walba waxa lagu sagootiyey.
Madaxweyne Geelle, markan lacagta isaga jeebkiisa kuma hayo ee wuxuu cadaadis ku saarayaa inuu lacagta bixiyo Ganacsade Axmed Nuur Jimcaale, oo ah ganacsade Islaami ah oo iska leh Shirkadda Isgaarsiinta ee HORMUUD iyo Bangiga Salaama oo uu ku leeyahay qeyb libaax leh. Axmed Nuur, sida la sheegay waxa laga codsaday inuu kala furto baarlamaanka isku xiiqey isla markaana Shariif Xasan siiyo 2-da milyan oo haddii la siiyo uu ka kici doono kursigaan si walba looga fujin waayey.
Dhaqdhaqaaqa IGAD
War loo dhan yahay oo todobaadkaan horaantii ka soo baxay Golaha Wasiirada Gaashaandhiga ee dowladaha ka tirsan urur goboleedka IGAD ayaa qodob ka mid lagu sheegay in wax laga qabto khilaafka baarlamaanka Soomaaliya, iyada oo si khaas ah loo tilmaamay koox lagu sheegay qas wadayaal (spoilers), taasoo dadka qaar ku fasireen in laga wado kooxda baarlamaanka ka tirsan ee ridday Shariif Xasan 13-kii Disembar. [Akhri war saxaafadeedkii wasiirada IGAD].
Koox taageeran Sharif Xasan oo ay u magac dheer yihiin Mustaf Dhuxulow iyo Ibraahim Yarow ayaa sheegay inay diyaar u yihin wadahadal iyo in Baarlamaanka uu kulmo. [Akhri hadalkii Mustaf Dhuculow].
Qorshaha Shariif Xasan: Ismaamul Goboleed (Bay, Bakool, Gedo iyo Shabeelada Hoose)
Shariif Xasan oo weli ciyaaraya tab aanu kaga bixin siyaasada Soomaaliya ayaa ku taamaya sameynta Dowlad goboleed uu ka yagleelo gobolada Baay, Bakool iyo Gedo (Shabeelada Hoose inuu ku darsadana waa u dhowdahay). Qorshahaasi wuxuu qeyb ka ahaa heshiis aan si rasmi ah loo shaacin oo Ethiopia ay la soo galeen wafdi uu isaga hogaaminayey oo sanadkii tagay bilihii u dambeeyey kutageen Addis Ababa.
Ciidamada Ethiopia oo hadda qeyb ka ah duulaanka ka dhanka Al-Shabaab ayey ballantu tahay inay isku soo fidiyaan gobolada Baay, Bakool illaa Shabeelaha Hoose ka hor bisha Febraayo 2012, si Al-Shabaab looga xoreeyo ka dibna ay tahay in maamul goboleed xaruntiisu tahay Baydhabo looga dhawaaqo.
Shirkii 24-kii Disembar lagu soo afmeeray Garoowe ayuu Shariif Xasan aad u ciil cunay kadib markii uu arkay sida madaxweynaha Puntland C/raxmaan Faroole awood ugu yeeshay inuu isaga yeeriyo geeddi-socodka shirka hadba sida ay la noqoto taasoo Shariifka inta badan ka xanaajisa. [Garowe principles].
Laakiin saaxiibada Shariif Xasan qaarkood oo aan fasax uga heysan inaan magacooda faafino ayaa Raxanreeb si hoose ugu sheegay in Shariifku yahay nin leh awood siyaasadeed oo saameyn iyo farsamadaba isku darsaday, waxay leeyihiin “Shariif Xasan wuu yaqaana sida looga badbaado marka ay timaado duufaan siyaadeed noocan oo kale taasoo la tagtay kooxihii uu lasoo kifaaxay.
Shariif Xasan, marka uu helo labada milyan ee uu ku gorgortamayo[haddii aysan fashilmin wada xaajoodyada socda] wuxuu qorsheynayaa inuu dib ugu laabto magaalada Baydhaba oo ay ku ballansan yihiin in Ethiopian-ka u qabtaan todabaadyada nagu soo fool leh.
Sida uu qorshuhu yahay waxa uu Shariifku sii ka xeysan doonaa illaa 40-tameeyo xildhabaano ah isaga oo aan maalmaha hore ka tanaasuleyn afhayeenimada Barlamaanka illaa uu marka hore ka unkayo dowlad goboleedka “Koonfur-Galbeed”, taasoo marka uu isku-toosiyo uu rabo in turubka dib loo baandheeyo islamarkaasna awood qeybsiga wax laga bedelo.
Markaan cidda koowaad ee baalasha uu ka tifi doono waa ninka ay isku magaca yihiin, isku koofiyadana xirtaan islana soo kifaaxeen ee madaxweyne Shariif Sheekh Axmed. Way dhici kartaa in xataa madaxweyne Faroole casharkaas aargoosiga siyaasadeed wax looga dhigi doono, laakiin inta badan saaxiibada Ethiopia looma ogala iskudhac toos ah inta uu macalinka [Meles Zenawi] dhexjoogo ardeyda.
C/raxmaan Faroolana, laguma yaqaan khilaaf ku aadan dhinac macalinka, ha joogo amaba yuusan markaasi goobta ka muuqanine. Laakiin, Shariif Xasan sida laga soo wariyey casharadiisa cid ka qadeyso ma jirto, waliba markaan macalinka ushiisa way cusub tahay, caaboon tahay islamarkaana ka dhab tahay in meel la isla yaqaan ardayda casharkooda meeriskiisa lagu hubsado.
_______________________________________________
RBC Radio/ Raxanreeb.com
F.G: Xuquuqda qoraalka waxaa iska leh Raxanreeb.com.

No comments:
Post a Comment