Thursday 12 November 2009

Madaxweynayaasha ku muransan talada maamulka Galmudug oo Muqdisho u wada jooga dhexdhexaadin ay ka dhex bilaabeyso dowlada Somalia

Labada maaxweyne ee ku muransan talada maamulka Galmudug ee xaruntiisu tahay koonfurta magaalada Gaalkacyo ayaa haatan ku wada sugan magaalada Muqdisho ka dib markii ay casuumaad ka heleen xukuumada Somalia.

Mid ka mid ah labada madaxweyne ee Galmudug Col. Axmed Maxamed Caalin ayaa maanta ka soo degay garoonka dayuuradaha caalamiga ah ee Aadan cadde isaga iyo wafdi uu horkacayo, waxaana garoonka dayuuradaha ku soo dhoweeyey masuuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Banaadir.

Madaxweyne Caalin iyo wafdigiisa ayaa la dejiyey hotelka Saxafi ee magaalada Muqdisho halkaasoo markii ay gaareen ay ku soo dhoweeyeen dad fara badan oo ka soo jeeda deegaanada Galmudug, wuxuuna halkaasi ka jeediyey khudbad dheer oo uu kaga warbixinayey safaro uu ku tegay dalal ku yaala geeska Afrika.

Horey ayaa waxaa magaalada Muqdisho u soo gaaray madaxweynaha kale ee maamulka Galmudug Axmed Shariif Cali Hilowle, iyadoo ujeedada safarka labadan masuulna lagu sheegay dhexdhexaadin lagu wado iney ka dhex bilowdo dowladda Somalia si maamulkaasi uu u yeesho hal madaxweyne oo macaamila dowlada looguna daro maamul goboleed ka qeyb qaata nidaamka federaalka ah ee dalka la filayo in lagu maamulo sida dowlada Somalia ay aaminsan tahay.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...