Monday 4 January 2010

Laamaha Sirdoonka Puntland iyo Ciidamada Amaanka waa Dad isku Raas ah oo danahooda gaarka ah u Adeegaya.

Sida laga warqabo, ma jiraan Puntland isku dheelitir Qabiilada ah Xagga Ciidamada Amaanka iyo Laamaha Sirdoonka oo lacag badan Maraykanka ku bixyo. Waxaa marka laga reebo shaqsiyaad si qaraabo hoose uqoraan inta kale u badan yihiin Beelaha Xukunka Sare haysta.

Tusaale ahaan Gobolka Bari waxaa dhamaan Amaanka Ciidamada Ilaaliya ama sugayaa yihiin Beesha uu ka soo jeedo Wasiirka Amniga C/laahi Saciid Samatar. Hogaanka ugu sareeya ee Sirdoona sidoo kale waxaa wada ahysta oo madaxda ugu sareysa yihiin isla Raaska Wasiirka Amniga. Tani waa mida Maraykanka sida gaarka ah u naas nuujiyo Laamaha Sirdoonka Puntland, waxaana lagu xantaa in hal Maskax oo ujeeddo siyaasadeed leh uu ka qaato Maraykanka Xogaha Gobolada W/Bari ee Puntland.

Dhanka kale Gobolada Nugaal iyo Mudug waa la mid Kooxaha Amaanka iyo Sirdoonka ah waa kuwo isku raas ah, markaas waxa la isweydiin karaa mushkilada Siyaasadeed ee Soomaaliya ka taagan waxa weeye Beelaha qaar ayaa ku kacsada Danahooda Siyaasadeed Kooxaha Diinta in ay xiriir la leeyihiin wixii Siyaasadooda Qabiil ka soo horjeeda, si Talada Hogaanka u sii haystaan waqti badan oo aanay gacanta u gelin Beelaha kale.

Haddaba, Aduun weynaha iyo Wadamada Reer Galbeedka waxaa lama huraan ah inay ogadaan Kooxaha isaga soo horjeeda Siyaasadda ee lagu faquuqayo in argagaxiso yihii sida Beelo gaar ah in lagu tilmaamo, laamaha sirdoonka Puntland iyo Qeybaha Amaanka ee ka howlgala deegaanada waa kuwo iyaga sameeya ficilada hiilka Siyaasadeed u noqonkara, dabadeedna ku tilmaama kooxaha Diinta kuwo la leh Xiriir. weli lama hayo Beelahaas kooxo ka tirsan oo la leeyahay waa Xagjir ama kooxaha dagaalada ka wada Soomaaliya ee Al-Shabaab weeye, taasi waxa ay ku tusinaysaa in waxa dhacayaa ay yihiin dhamaan arrimo Siyaasadeed oo Taageero Caalami lagu raadinayo.

Haddaba, Marykanka iyo aduunka kale waxaa laga rabaa in ay ogadaan Puntland Xukumadaha isbedelaya ee ka curta dhibaatada dhexdooda ka jirata in aanay u saarin habka Kooxo Diimeed Qabiilo gacansaar la leh waayo Laamaha ay xogta ka qaadanayaan iyo Madaxda Xukunka haysata waa dad dano gaar ah oo Siyaasadeed ka leh sii heesashada Xukunka Puntland, waxa ay diidan yihiin in la wadaago oo loo sinaado Xukunka Dowladda Puntland. Arrimahan waxa ay dhalinkaraan fogaansho iyo colaad inta badan Soomaalida u qaado Wadamada Maraykanka iyo reer galbeedka haddii laamaha isku heybta ah xogaha ay ka qadanayaan ku howlgalaan.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...