Tuesday 16 August 2011

Ciidamada AMISOM oo helay xarun xaga Hubka ah oo ay Al-Shabaab la haayeen (SAWIRO)

Share
Muqdisho (RBC Radio) Ciidamada AMISOM ee ku sugan magaalada Muqdisho ayaa waxa ay heleen kayd weyn oo xaga hubka ah oo ay la haayeen kooxda Al-Shabaab ee ka baxday magaalada Muqdisho.
Kaydkaan Hubka ee Al-Shabaab ayaa ciidamada AMISOM waxa ay ka heleen xarun weyn oo ku taala degmada Wardhiiglay ee magaalada Muqdisho ka dibna waxa ay u soo bandhigeen Saxaafada
Afhayeenka Ciidamada AMISOM Lt Col Paddy Ankunda ayaa sheegay in xaruntaan ay ahayd meel wayn oo ay Al-Shabaab hubka iyo walxaha qarxa ay ku farsamayn jireen.
Hubka iyo waxyaabahana qarxa oo ay soo heleen ayaa gaareysay 435, waxaana hub aad u badan oo ay Al-Shabaab kaga carareen halkaasi.
Waxaana Hubka ay Ciidamada AMISOM halkaan ay ka soo saareen qayb ka ahaa rasaasta Hoobiyayaasha oo aad u badnaa.
Maalintii Jimaha ayay ahayd markii ciidamada AMISOM sidoo kale ay hub aad u badan ay ka soo saareen guri ku yaala Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.
Dhowaan ayay ahayd markii AL-Shabaab ay ka baxeen magaalada Muqdisho fariisimihii ay ku lahaayeen iyadoona ilaa iyo iminka ay ciidamada dowlada KMG Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay la sii wareegayaan qaybo badan oo ka tirsan Muqdisho.



No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...