Wednesday 24 August 2011

Daawo Filim waxa Culumo Sh. Kashka (AUN) ku Jiro ka Dhaheen Museylamaha Casriga, Qadaafi, oo ku Jeesjeesaya Islaamka



Golaha Baraarugga Islaamka:-Waxaad daawataan Qadaafi oo ku jeesjeesaya Qur'aanka iyo Shareecada Islaamka. Arrintaas darteed waxaa ka hadlaya culumo ay ku jiraan sheekh Kashka (AUN) oo ka hadlaya Qadaafi oo leh: Qur'aanka halaga reebo "qul" sida (قل هو الله احد ) oo hala dhaho: (هو الله احد ). Wuxuu Qadaafi yiri: dhismaha Kacbada waa khalad, waana sanam! Waxa muhiimka ah waa boqcadda dhulka oo kele.

Qadaafi wuxuu filimka ku sheegayaa in Kacabada qof kasta -muslim iyo gaalba- tagi karaan oo dawaafi karaan! Wuxuu sheegay xitaa inaan boobka fetikaanka  Rooma jooga loo diidi karin inuu ku dawaafo Kacbada; qofkii u diidana uu gaal yahay!

Daawo sheekh Kashka oo leh: goormuu Qadaafi noqday nabi dadka diinta u fasira? Marka murtadka warkiisa lama dhameyn karo ee fiirsada wuxuu gaalnimo ku hadlayo iyo waxa culumadu ka tiri.

Waa waajib in gaalkaas laga qabto ummadda. Yaan loo qaadan in markuu tago arrintu sahal noqoneyso! Runtii qofkii u fiirsada hubka gacanta u galay shacabka, wuu fahmayaa khatarta ka soo socota. Hadday dadka Liibiya inta Ilaahay ku mahadiyaan dhahaan: yeynnaan ku dayan Soomaaliya iyo Ruwaanda ee aan hubka iska dhignno oo ku wareejinno wixii madax noo noqda waa badbaadayaan. Haddii kalana dariiqii Soomaaliya bay marayaan. Hadday sidii Soomaaliya yeelaan haddee cududaar kama helayaan Ilaahay agtiisa. Mar haddii Ilaah ka qabtay daaqigii weynaa waxay ahayd inay Ilaahay u noqdaan oo Shareecada qaataan.

Marka kollay dhib waa iska imaaneysaa markii kacdoonkaas oo kale dhaco laakiin waa inay khatarta yareeyaan. Marka daawada filimka Qadaafa oo diinta ku jeesjeesaya oo caayaya Islaamka.


Golaha Baraarugga Islaamka

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...