Friday 2 September 2011

Khasaaraha ka dhashay dagaalkii maanta Gaalkacyo oo sii kordhaya

Share
Muqdisho (RBC Radio) Waxaa sii kordhaya khasaaraha ka dhashay dagaal xoogan oo maanta ka dhacay magaalada gaalkacyo ee gobalka Mudug.
Dagaalkaan oo u dhaxeeyay ciidamada Puntland iyo shacabka beesha Leelkase ee xaafada Garsoor ayaa galay maalintii labaad.
Waxaa la sheegayaa in dagaalada ay ku dhinteen maanta oo kaliya ilaa iyo 30 ruux halka ay ku dhaawacmeen 100 ruux oo kale kuwaasi oo dhamaantood u badan dad shacab ah.
Sidaan ayaa warbaahinta RBC waxaa u xaqiijiyay gaadiidka gurmadka deg dega ah ee maanta daa gureenayay dadka rayid ah ee ku waxyeeloobay dagaalada gaalkacyo.
Waxaana dadka ku waxyeeloobay dagaaladaan dhamaantood la geeyay isbitaalada kuyaala magaalada Gaalkacyo kuwaas oo iminka lagu dabiibayo.
Xaalada ayaa xiligaan waxa ay tahay mid yara degan waxaana la sheegayaa in ilaa iyo iminka magaalada laga maqlayo rasaas goos goos ah inkastoo uu joogsaday dagaalka xoogiisa.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...