Friday 2 September 2011

WAR DEG DEG: Ciidamada AMISOM oo rasaas ku furay Gaari ay la socdeen Dhaqaatiir Malaysian

Ciidamada AMISOM ayaa abaarihii salaadii maqribka rasaas ooda ugu qaaday Gaari ay wateen dhaqaatiir Malaysian inta u dhaxeysa Isgoyska KM4 iyo Garoonka diyaaradaha, iyadoo rasaastaas uu ku dhintay mid ka mid ah dhaqaatiirtaas, halka mid kale uu ku dhaawacmay.

Sida wararku sheegayaan Ciidamada AMISOM oo watay Kolonyo ayaa la sheegay in sabab la'aan ay gaariga ay wateen dhaqaatiirtaas rasaas ay ugu fureen, hase ahaatee warar qaar ayaa sheegaya inay ka shakiyeen, ragga saarnaa oo gaariga ay iyagu gacantooda ku wateen.

Ma jirin ilaalo gaariga u saarnaa, waxaana ay ahaayeen dad iskood u kifaaxayay, sida dad goob joogayaal ay u sheegeen Shabakada Jowhar.com.

Warar kala duwan ayaa ilaa iyo hada soo baxaya, ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Taliska AMISOM iyo Dowladda KMG, hase ahaatee Ciidamo ka tirsan Dowladda iyo saraakiil goobta yimid ayaa qaaday meydka iyo dhaawaca.

Maalmihii u dambeeyay ayaa Muqdisho waxaa soo gaarayay muwaadiniin u dhashay dalalka caalamka oo u soo gurmanayay dadka soomaaliyed ee abaaraha soo barakiciyeen, kuwaasoo howlo sama fal u sameynayay, waxayna u badnaayeen dhaqaatiir howlo caafimaad oo lacag la'aan ah u qabanayay dadka dhibaateysa.

Dhacdadan ayaa noqoneysa tii u horeysay ee lagu dhibaato xoog leh ku soo gaarto ajaaniibta Muqdisho u soo gaaray si ay u grumadaan shacabka, waxaana la ogeyn saameynta ay ku reebi karto howlaha gurmadka abaaraha.

Xafiiska Jowhar.com Muqdisho

La soco wixii ku soo kordha

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...