Monday 19 September 2011

Maamulka Degmada Wardhiigley oo Diiday Deeqo la Gaarsiin lahaa Dad ku Dhibaateysan Degmada


Share
Muqdisho (RBC Radio) Deeqo la doonayay in la gaarsiiyo dadka Soomaaliyeed oo ay abaaruhu ay saameeyeen eek u nool degmada Wardhiiglay ee magaalada Muqdisho.
Dad si gaar ah ixku xil qaamay oo isku dayay in ay gar gaar gaarsiiyaan dadkaasi ay abaaruhu ay saameeyeen ayaa waxa ay sheegeen in maamulka degmada uu diiday in dadkaasi loo gurmaday.
C/rashiid xuseen Cadow oo ka mid ah dad deegaanka isla markaana u gurmaday dadka Soobarakacay ayaa sheegay in gudoomiyaha degmada Wardhiiglay Deeqo C/qaadir ay amar ku bixisay in aanan deeqadaasi aanan la bixin Karin.
Sidoo kale qaar ka mid ah dadka barakayaasha ah ee ku nool degmadaasi Wardhiiglay oo la hadlay saxaafada ayaa u sheegay in ay xiligaan ay heestaan dhibaatooyin badan oo xaga nolosha ah.
Ilaa iyo iminka ma jirto waxs war ah oo ka soo baxay dhanka maamulka degmada Wardhiiglay ee magaalada Muqdisho oo arintaan ku aadan.
Arintaan ayaa waxa ay imaanaysaa xili magaalada Muqdisho ay ku soo barakacayaan dad aad u badan kuwaasi oo ka soo baxsaday abaaraha ka jira gobalada dalka Soomaaliya.

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...