Monday 12 September 2011

Yahuudda oo Markab Hub u sida DKMG ah iyo AMISOM Muqdisho usoo dirtay (Warbixin).


somalimemo.netDagaalka Soomaaliya ayaa galay  marxalad ah xasaasi ah waxaana dalka iskusoo aruursanaya cadawga Islaamka nuucyadiisa ugu sharta badan.

Sidaasi oo ay tahay mujaahidiinta Somaliya iyana waxay helayaan Hiilka muslimiinta waloow uusan u dhigmin dacmiga ay helayaan ciidamada Nasaarada Madoowga ah ee Xamar qeyb ka jooga.

Yahuuda xoogga ku heysata dhulalka Filasdiin iyo Masjidul Aqsaa ayaa kusoo biirtay duulaanka lagusoo qaaday dalka Somaaliya arrinkaasi oo dagaalka Somaliya ka dhigaya mid caalimi ah.

Waxaa meeha ka baxay Xujooyinkii ay daliishan jireen culimaa'usuuga,Dabadhilifyada odayaasha dhaqanka Soomaalida sheegtay in dhamaan kuwa ku sheega dagaalka Somaliya in uu u dhexeeyo Soomaali dhaxdeeda.

Dabcan qof walba oo caqli leh waa ogyahay in xujooyinka ay qolyahaasi ku doodaan uu yahay warka cadawga iyaga qudhooduna way ogyihiin basle waxay isku dayayaan in ay khaldaan shacabka Soomaaliyeed ee aan waxna akhrin waxna qorin ee Idaacadaha leyska maqlo ku xiran.

Yahuudda markii ugu horeysay waxay markab sahay dagaal sida usoo dirtay magaalada Muqdisho si ay AMISOM uga caawiyaan ladagaalanka Shabaabul Mujaahidiin.

Maalmo kahor ciidanka Masar ayaa Kanalka Suweys ku qabtay Markab shixnado dagaal usoo siday dhanka dalka Soomaaliya.

Saraakiisha Yahuuda ayaa Masaarida u sheegay in hubka ay u wadaan Muqdisho oo lagula dagaalami rabo Shabaabul Mujaahidiin kadibna waa ay fasaxeen.
Ilo wareedyo ayaa SomaliMeMo u sheegay in Markabkan Yahuuda uu Khamiista soo socota kusoo aadanyahay magaalada Muqdisho.

Markabka ayaa kasoo shiraacday Dekadda magaalada Xeyfa ee dhulka Filasdiin,wasiirka difaaca Yahuuda Baraag oo lahadlay wargeyska Jpost ee Yahuudda kasoo baxaya ayaa sheegay in Hubkan ay direen uu qeyb ka yahay balan qaad ay horay usiiyeen DKMG ah.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...