Gudoomiye Ku Xigeenka 2aad ee Baarlamaanka KMG oo Taageeray Xilka Qaadistii Shariif Xasan
Axmed Dhimbil ayaa sheegay in isagu uu maqnaa markii uu dhacayey kulankii baarlamaanka ee 13-kii bishan xilka looga xayuubiyey Shariif Xasan Sheekh Aadan, hase yeeshee markii uu yimid uu arkay in kulankaasi uu ahaa mid si sharci ah ku dhacay.
“Markaan eegnay diiwaanka iyo tirada mudanayaashii yimid kulankii 13-kii Disembar wuxuu ahaa mid sax ah oo si sharci ah ku dhacay. Shariif Xasan waa gudoomiyihii hore ee baarlamaanka” ayuu yiri Axmed Dhimbil.
Wuxuu intaa ku daray in hawsha baarlamaanka ay sii socon doonto isla markaana la dooran doono gudoon rasmi ah waqti dhow.
Wuxuu sheegay in kulamada baarlamaanka ay hadaba socdaan, isagioo xildhibaanada ugu baaqay inay shaqadooda qabsadaan.
Hadalka uu maanta bixyey Axmed Dhimbil Rooble ayaa noqonaya masuulkii ugu sareeyey ee dhanka baarlamaanka oo taageera go’aanka xilka qaadista ee mudanayaasha 280 ku dhawaaqeen 13-kii bishan. Walow madaxweynaha iyo Shariif Xasan ay diideen go’aankaasi.
RBC Radio
Xafiiska wararka Muqdisho
No comments:
Post a Comment